Sign in to follow this  
General Duke

Khartum: President Yusuf hold stalks with Al Bashir

Recommended Posts

Khartuum: Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo la kulmay Dhigiisa Suudaan & Diyaaradii geyn lahayd Kampala oo aan wali gaarin Khartuum.

20. november 2008

Khartuum(AllPuntland)- Madaxweynaha Dawladda Faderaaliga ah ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo booqanaya dalka Suudaan ayaa la kulmay dhigiisa dalkaasi Suudaan Jen. Cumar Xasan Al-Bashiir waxa ayna ka wada hadleen xaaladaha qalafsan ee ka taagan Africa, siiba Soomaaliya & Suudaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalkaasi liibiya tagey maalintii shalay, waxaana Madaxweyne Yuusuf lafilayaa 24 saac ee nagu soo aadan in uu soo gaaro Magaalada Kampala, ka dibna wuxuu uga soo gudbayaa Magaalada Nayroobi, isagoo markaasi imaanaya gudaha dalka Soomaaliya oo ay hawlo badan ku dhowrayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa usheegay Madaxweynaha Suudaan in ay ka wada shaqeeyaan arimaha Bariga Africa, waxaana Madaxweynaha Suudaan uu balan qaaday in uu la shaqeyn doono dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo waliba kala shaqeynaya arimaha Dibu heshiisiinta & Amaanka.

Madaxweyne Yuusuf waxa ay booqashadiisan Magaalada Khartuum ku saabsan tahay sida ay sheegayaan Warar xaqiiqo ah Casumaad uu ka helay hogaamiyaha Suudaan Cumar Xasan Al- Bashiir, waxa ayna sheegayaan isla wararkaasi in laga yaabo Madaxweyne Yuusuf in uu tago dalal kale oo ka baxsan Africa, waxaana lasheegay in ay Madaxweynaha Soomaaliya ku soo dhacayaan Casumaado uu ka helayo Hogaamiyaasha caalamka qaar kamid ah oo doonayo in uu dalkooda soo gaaro si ay uga wada hadlaan xiriirka Soomaaliya, ayna ugu sheegaan taageerada ay siinayaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Saraakiisha la socota Madaxweynaha ayaa beeniyey warar ay qoreen baro Internet oo Soomaalidu leedahay ah kuwasoo ah in Madaxweynaha Soomaaliya diyaarad sidey loo diiday in ay ka dagto Magaalada Kampala ee dalka Ugandha, waxa ayna sheegayaan in diyaarada qaadaysaa Madaxweynaha Soomaaliya aysan wali ka duulin Magaalada Kampala, uun Madaxweyne Yuusuf ku tagayo Ugandha casumaad uga timid, Madaxweynaha dalkaasi Ugandha Yuweri Kuku Musaveni oo ay saaxiibo yihiin uuna ka dhaxeeyo Iskaashi dhinaca amaankaa.

Todobaadkan Saxaafada Soomaalida ayaa ku wareertay booqashooyinka Madaxweyne Yuusuf, waxa ayna qaarba nooc udhigeen Booqashooyin Madaxweynaha dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ku tagey dalalka Suudaan & Liibiya, waxaana Saxaafada Soomaalidu ka war heleen ayadoo Wakaaladaha wararka ee dalalkaasi shaaciyeen Kulamo uu layeeshay Madaxweynuhu Madaxda dalalka Suudaan & Liibiya.

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post

Link to post
Share on other sites

Yusuf oo la kulmay Al-bashiir

20 Nov 20, 2008 - 5:42:24 AM

Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed oo booqasho aan la sii shaacin ku tagay dalka Sudan, ayaa kulamo la leh Madaxewyana dalkaas Gen. Cumar Xasan Al-bashiir.

Yusuf iyo Al-bashiir ayaan la sheegin waxa ay kawada hadlayaan, waxaase warar ku dhowdhow shirkooda ay sheegayaan inay labada hogaamiye diirada saarayaan arimaha dib u heshiisiinta Somalia.

Todobaadkan horaantiisii ayuu madaxweyne Yuusuf booqasho kaddis ah ku tagay dalka Libya, isagoo kula kulmay hogaamiyaha dalkaas Max'ed Mucamar Al-Qadaafi.

Kulanka Qadaafi iyo Yusuf ayaa intiisa badan ku sabaasanaa dib u heshiisiinta Somalia ee u dhexeysa Mucaradka iyo DF, iyadoo Yusuf uu ka codsaday hogaamiyaha Libya in shirka dib u heshiisiinta laga soo wareejiyo Jabuuti.

Wargeyska Fajr Al-Jadiid oo kasoo baxa dalka Libya ayaa maanta [Nov 20, 2008]qoray in C/llaahi Yuusuf uu ka codsaday hogaamiyaha Libya inuu casuumo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ka dhaadhiciyo in shirka ka socda dalkiisa loo soo wareejiyo Libya.

"Kalsooni ayaan ku qabaan in Mucamar Al-Qadaafi uu ku guuleysan karo dib u soo celinta nabada iyo madaxbanaanida Somalia, hadii shirka loo soo wareejiyo Libya" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.

Shirka alaabaada loo xiray ee u dhexeeya Madaxweyne Yuusuf iyo Gen. Al-bashiir, ayaa lagu wadaa inay kasoo baxaan baaqyo salka ku haya dib u heshiisiinta Somalia.

Socdaalada Madaxweyne Yuusuf uu ku marayo dalalka Libya iyo Sudan ayaa yimid kadib markii ay Ethiopia ku guuldareysatay inay xaliso khilaafaadyada soo laalaabtay ee u dhexeeya isaga iyo Nuur Cadde.

Garowe Online, Muqdisho

Share this post

Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Duke

Where were you yesterday? Ma hadaad soo toostay. All the things you are posting are Yesterday's news.

maybe, shalay waad duuduubnay in ciil, and saakay intan kuugu bishaareeyeen.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Yuusuf & Albshiir oo shir albaabada u xiran yihiin ku yeeshay Khartoum

Madaxweynaha Dowladda FKMG mudane C/aahi Yuusuf Axmed ayaa kulan albaabda u xiran yihiin la yeeshay dhigiisa dalka Sudan mudane Cumar Xasan Albashiir.

Wakaalada wararka ee dalka Sudan SUNA oo soo xigatay xoghaynta gaarka ah madaxweyne Albashiir ee arrimaha saxaafadda ninka lagu magcaabo Maxjuub Fadli Bedri ayaa sheegay in labada masuul ay yeesheen kulan albaabada u xiran yahay kaas oo waxyaabaha ay uga hadleen ay ay kamid ahaayeenl xiriirka labada dal iyo arrimaha geeska Africa ay ugu horeyso xaaladda haatan uu kujiro dalka Somalia.

Mr Bedri waxa uu tilmaamay in kulanka labada masuul si aad ah diirada lagu saaray heshiiskii garabka maxaakimta ee fadhigoodu yahay magaalada Djibouti ay la saxiixdeen dowladda FKMG.

Safarada uu kutagay madaxweyne Yuusuf dalalka Libya iyo Sudan ayaa ahaa kuwa aysan inta badan saxaafadda ama siyaasiinta aysan la socon iyadoo laga war heliyo oo keliya markii uu dalka uu u socdo uu tago ama warbaahinta dalkaas ay shaaciso in mudane Yuusuf uu ku sugan yahay dalkooda.

Madaxweyne yuusuf ayaa maalmo kahor safar aan horey loo shaacin ku tagay dalka Libya isagoo halkaas kulamo kula yeeshay dhigiisa dalkaas Libya Mucammar Alqadaafi.

Madaxweyne yuusuf ayaa Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Libya Aljamaahiiriya weydiistay dhigiisa dalkaas Cornel Mucammar Alqadaafi in shirka Djibouti uga soconaya dowladda iyo garabka maxaakimta ee fadhigoodu yahay magaalada Djibouti loo soo wareejiyo dalka Libya.

Mr Yuusuf ayaa sheegay in dowladda Libya ay tahay mid ku haboon in wadahadaladaas ay martigeliso maadaama uu yiri Libya ay xarun u tahay africa oo dhan.

Hadalka ka soo yeeray madaxweyne Yuusuf ayaa ah mid u muuqanaya in madaxweynuhu uu suluugsan yahay qaabka ay u wado wadahalda dowladda Djibouti.

Ilaa iyo hadda majiraan qoraal cad oo ka soo baxay dowladda Libya ay ku doonayso in shirkaas loo soo wareejiyo dalkeeda marka laga reebo soo jeedinta uu madaxweyne Yuusuf u soo bandhigay Cornel Qadaafi.

Ustaad C/xakiim Maxed Cumar

SBCInternational Alqaahira

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this