Cowke Posted July 26, 2010 Wasiirka Ganacsiga Dawladda FKMG Soomaaliya: Wan Taageersanahay Dagaalka Puntland Ay Kula Jirto Kooxda Shabaab. Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Muqdisho (RBC Radio):- Wasiirka Ganacsiga Dawladda FKMG Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Cabdi (Cirro) ayaa sheegay in uu taageersan yahay dagaalka Maamulka Puntland uu kula jiro kooxaha gacansaarka la leh Ururka Al-shabaab. Mudane Cirro waxaa uu sheegay in ay horey uga war heleen in kooxo taageersan Ururka Shabaab iyo Ajaanib la socota in waayihii ugu dambeeyay ay isku aruursanayeen buuraleyda deegaanka Galgala, kuwaasi oo doonaya in ay burburiyaan maamulka Puntland ee ka dhisan deegaanada waqooyi bari Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in laamaha sirdoonka Dawladda FKMG Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ahba ay ka heleen akhbaaro sheegaya in deegaano ka mid ah gobolka Bari ee Puntland ay ku sugan yihiin Argagaxiso, isla markaana ay doonayaan in ay halkaasi duulaan caalami ah ka qaadaan. Waxaa kale oo uu Wasiirka Ganacsiga Dawladda FKMG Soomaaliya Mudane C/rashiid Cirro uu sheegay in loo baahan yahay shacabka Puntland iyo Xukuumadooda ay iska kaashadaan la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah sida uu hadalka u dhigay, kuwaasi oo uu ula jeeday kooxaha gacan saarka la leh ururka Al-shabaab ee ka dagaalama deegaano ka mid ah koonfurta dalka Soomaaliya. Ugu dambeyn Wasiirka Ganacsiga Dawladda FKMG Soomaaliya waxaa uu mahad celin balaaran u jeediyey Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) waxaa uuna ku amaaney go’aanka geesinimada leh ee uu ka qaatey kooxaha dawladiisa ka soo horjeeda ee gacan saarka la leh Ururka Al-shabaab. RBC Radio. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted July 26, 2010 Waah waah waxaasaa qabyaalad ah. Did he talk about dadkii shacabka ahaa ee la soo raafayey? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 26, 2010 ^^^Yeah he said criminals should be exiled. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted July 26, 2010 I'm loving how the clan is coming more out of the shadow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 26, 2010 ^^ soodigi ku heesi jiray ku dayo ku dayo puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted July 26, 2010 Originally posted by Xaji_Xunjuf: ^^ soodigi ku heesi jiray ku dayo ku dayo puntland lol...oo maba ogeyne Xudeedi ma jufo hoose ahaan buu uga soo horjeedaa? lol...Waa hees macaan soo maahan? Wixii fiicanna waa looga dayan karaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites