Sign in to follow this  
Cowke

TFG Commerce Minister Supports Puntland War Against Terrorism

Recommended Posts

Cowke   

index.227-300x245.jpg

 

Wasiirka Ganacsiga Dawladda FKMG Soomaaliya: Wan Taageersanahay Dagaalka Puntland Ay Kula Jirto Kooxda Shabaab.

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Muqdisho (RBC Radio):- Wasiirka Ganacsiga Dawladda FKMG Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Cabdi (Cirro) ayaa sheegay in uu taageersan yahay dagaalka Maamulka Puntland uu kula jiro kooxaha gacansaarka la leh Ururka Al-shabaab.

 

Mudane Cirro waxaa uu sheegay in ay horey uga war heleen in kooxo taageersan Ururka Shabaab iyo Ajaanib la socota in waayihii ugu dambeeyay ay isku aruursanayeen buuraleyda deegaanka Galgala, kuwaasi oo doonaya in ay burburiyaan maamulka Puntland ee ka dhisan deegaanada waqooyi bari Soomaaliya.

 

Wasiirka ayaa sheegay in laamaha sirdoonka Dawladda FKMG Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ahba ay ka heleen akhbaaro sheegaya in deegaano ka mid ah gobolka Bari ee Puntland ay ku sugan yihiin Argagaxiso, isla markaana ay doonayaan in ay halkaasi duulaan caalami ah ka qaadaan.

 

Waxaa kale oo uu Wasiirka Ganacsiga Dawladda FKMG Soomaaliya Mudane C/rashiid Cirro uu sheegay in loo baahan yahay shacabka Puntland iyo Xukuumadooda ay iska kaashadaan la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah sida uu hadalka u dhigay, kuwaasi oo uu ula jeeday kooxaha gacan saarka la leh ururka Al-shabaab ee ka dagaalama deegaano ka mid ah koonfurta dalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyn Wasiirka Ganacsiga Dawladda FKMG Soomaaliya waxaa uu mahad celin balaaran u jeediyey Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) waxaa uuna ku amaaney go’aanka geesinimada leh ee uu ka qaatey kooxaha dawladiisa ka soo horjeeda ee gacan saarka la leh Ururka Al-shabaab.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

^^ soodigi ku heesi jiray ku dayo ku dayo puntland
:D

lol...oo maba ogeyne Xudeedi ma jufo hoose ahaan buu uga soo horjeedaa?

 

lol...Waa hees macaan soo maahan? Wixii fiicanna waa looga dayan karaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this