Jumatatu Posted June 13, 2005 Ciyaar Final ah oo galabta ay X/weyne isaga horyimaadeen Shibis & Gaheyr Labadan kooxood ee galabta ciyaarayey ciyaarta Final-ka aheyd ayaa ka soo haray 12 kooxood oo lagu furay koob uu dhigay maamulaha machadyada Olympic Fitness Center C/llaahi Axmed Colow (Joorje), waxaana labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar raaligelisay daawadayaasha, iyadoo koox waliba ay ku hamineysay in ay ka guuleysaneyso kooxda kale. Ujeedada loo qabtay ciyaarahan waxey aheyd in dhalinyaradii cuslaatay loo arko in ay ciyaari karaan waxaana fikirka in la dhigo koobkan keenay Yuusuf Xasan, waxaana nagu saacida Joorje Colow" ayuu yiri Axmed Max’ed Kheyre oo u ciyaarayey mid ka mid ah kooxihii koobka ka haray, sidoo kalena ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden. Ciyaarta oo markii hore dardar ku billaabatay ayaa waxaa 2 gool la hormaray kooxda Gaheyr, waxaana labada gool u saxiixay Xasan Himilo, iyadoo kooxda Shibis ay daqiiqadihii ugu dambeeyey wareega hore ay iska soo guday hal gool, waxaana qeybtii hore ee ciyaartu ku soo geba-gebowday 2 & 1. Wareegii dambe markii la isugu soo laabtay ayey u suurtagashay kooxda Shibis in ay labo gool oo degdeg ah ka dhaliso kooxda Gaheyr, waxeyna ciyaartu ku soo geba-gebowday daqiiqadihii loogu talagalay 3 & 2 oo ay guushu ku raacday kooxda Shibis. Ciyaartoyda kooxda Gaheyr oo galabta guuldarro garoonka kala caraabay ayaa waxaa ka mid ahaa Biimba, Shiino, Xasan Himilo, Kamaal & kuwa kale, halka kooxda Shibis oo uu tababare u ahaa Max’ed Xuseen Cali (Sheekhaalow) oo ka mid ahaa xiddigihii kubadda cagta ee soo maray naadigii Ex. Minishiibiyo Aweys, Macalin Tuke, Shiino, Carfaaye & ciyaartoy kale. Guddoomiyaha kubadda koleyga Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) & guddoomiye ku-xigeenka Bashiir Geesey oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahadceliyey Joorje Colow oo ay ku ammaaneen sida uu mar waliba hormuud uga yahay horumarinta isboortiga, waxeyna intaasi sii raaciyeen in isboortiga yahay mid mar waliba horseeda is-dhexgalka bulshada, loona baahan yahay in la qabto ciyaaro sidan oo kale ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites