Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Faroole the new president of puntland.

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo Guuleystay

Thursday, January 08, 2009 - 09:28 AM

 

 

Waxaa goor dhaweyd Xarunta Baarlamaanka Puntland lagu soo gab gabeeyey Doorashadii Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland ayadoo 9 musharax ay maanta u tartan tay jegadaasi.

 

 

Doorashada maanta ayaa ahayd mid xamaasadeysan ayadoo gebi ahaanba la xiray isu socodkii gaadiidka ee gudaha magaalada Garowe.

 

Waxaa sidoo kale go’ an intii badneyd isgaarsiinta, ayadoo taasi u dheertahay dadka gudaha u galayey Xarunta Baarlamaanka iyo Saxaafaddaba oo laga dhigay Mobilada ama telefonada gacanta.

 

Doorashada ayaa markii ay bilaabatay waxaa la sheegay inuu ka tanaasulay xilkaasi u tartankiisa mid kamid ahaa musharaxiinta oo lagu magacaabo Eng. Nuur Xassan.

 

Waxaa sidaa isugu soo haray 8 musharax oo kala ah:

 

Cadde Musse (Madaxweynaha xilka Haya)

Cabdiraxmaan Faroole

Cabdullahi Ilkojiir

Cali Cabdi Awaare

Aadan Ciise Gaadaale

Nuuradiin Aadan Diiriye

Prof.Cumar Farjac

Siciid Maxamed Raage

 

Wareegii ugu horeeyey natiijadii waxay noqotay:

 

Cadde Musse (Madaxweynaha xilka Haya) 8 cod

 

Cabdiraxmaan Faroole 25 cod

 

Cabdullahi Ilkojiir 14 cod

 

Cali Cabdi Awaare 3 cod

 

Aadan Ciise Gaadaale 4 cod

 

Nuuradiin Aadan Diiriye 8 cod

 

Prof.Cumar Farjac o cod

 

Kadib intaa waxaa loo gudbay Waregii 2aad ayadoo ay hareen musharaxiintii ugu codadka yaraa oo ay kala ahaayeen

 

Farjac, Awaare iyo Siciid Maxamed Raage

 

Wareega labaad waxaa isugu soo haray 4 musharax oo wareegaasi kala helay:

 

Cadde Musse (Madaxweynaha xilka Haya) 4 cod

Cabdiraxmaan Faroole 30 cod

Cabdullahi Ilkojiir 18 cod

Nuuradiin Aadan Diiriye 11 cod

 

Waxaa halkaasi ku haray Madaxweynaha Puntland Cadde Musse oo wareegaasi helay 4 cod oo kaliya sidoo kale waxaa asaguna tartanka ka haray Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye oo asaguna helay 11 cod.

 

Waxaa wareegii ugu danbeeyey isu soo haray musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Faroole iyo Gen.Cabdullahi Ilkojiir

 

Natiijadii ugu danbeeyey waxaa halkaasi guusha ku raacday Cabdiraxmaan Faroole oo wareegii ugu danbeeyey helay codad aad u badan oo 49 cod halka musharaxii la tartamayey Gen.ilkojiir uu helay 17 cod oo kaliya.

 

Waxaa sidaa lagu doortay Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole.

 

XOL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdiraxmaan Faroole - Madaxweynaha DG Puntland

8 Jan 8, 2009 - 12:21:36 AM

 

 

 

Dr. Cabdiraxmaan Maxamad “Faroole” ayaa loo doortay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyadoo uu helay 49 cod halka musharixii ugu dhawaa oo ah Gen. Abdullahi Axmad “Ilkajir” oo helay 17 cod.

 

 

 

 

Tartanka Madaxtinimada Puntland oo ay ka qeybgaleen 9-musharax ayaa waxaa Wareega 2-aad kusoo baxay C/raxmaan Faroole (49 cod) iyo Gen. C/llahi Ilkajir ( 17cod).

 

 

 

RADIO GAROWE

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Wlcme back Xaaji Xeyraan, sidii Gaza loo weerarayba Tel Aviv unbaad bunkers ku dhax jirtey,

 

 

waad ladantahay soo ma ahan, wax hamas rockets ah ku soo gaarey ma jiraa

Share this post


Link to post
Share on other sites

war anigu xaafada juhuuda baan daganahay

ciidi wax ba ima yeesho.lol

falastini marku iga hor imaado

naxnu shabacu al falatiniyin min atat u kula fil aflin yawmin sanatieny.

 

markay yuhuudu iga hor imadaan

hi kahtam i ki ha kufurum.

 

i am save

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

xundju caadi ayaad iskugu salaxday kubada. lool xafada yahouda. waar somali qaar ayaa jewish madow ku moodaysee yaanay ku maqlin bal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Congratulations to Faroole. May the Almighty guide and make him a wise ruler.

 

PS Your 90 days honeymoon starts today.

 

PPS Good luck with auditing your predecessor's books.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this