Xaaji Xunjuf Posted January 8, 2009 Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo Guuleystay Thursday, January 08, 2009 - 09:28 AM Waxaa goor dhaweyd Xarunta Baarlamaanka Puntland lagu soo gab gabeeyey Doorashadii Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland ayadoo 9 musharax ay maanta u tartan tay jegadaasi. Doorashada maanta ayaa ahayd mid xamaasadeysan ayadoo gebi ahaanba la xiray isu socodkii gaadiidka ee gudaha magaalada Garowe. Waxaa sidoo kale go’ an intii badneyd isgaarsiinta, ayadoo taasi u dheertahay dadka gudaha u galayey Xarunta Baarlamaanka iyo Saxaafaddaba oo laga dhigay Mobilada ama telefonada gacanta. Doorashada ayaa markii ay bilaabatay waxaa la sheegay inuu ka tanaasulay xilkaasi u tartankiisa mid kamid ahaa musharaxiinta oo lagu magacaabo Eng. Nuur Xassan. Waxaa sidaa isugu soo haray 8 musharax oo kala ah: Cadde Musse (Madaxweynaha xilka Haya) Cabdiraxmaan Faroole Cabdullahi Ilkojiir Cali Cabdi Awaare Aadan Ciise Gaadaale Nuuradiin Aadan Diiriye Prof.Cumar Farjac Siciid Maxamed Raage Wareegii ugu horeeyey natiijadii waxay noqotay: Cadde Musse (Madaxweynaha xilka Haya) 8 cod Cabdiraxmaan Faroole 25 cod Cabdullahi Ilkojiir 14 cod Cali Cabdi Awaare 3 cod Aadan Ciise Gaadaale 4 cod Nuuradiin Aadan Diiriye 8 cod Prof.Cumar Farjac o cod Kadib intaa waxaa loo gudbay Waregii 2aad ayadoo ay hareen musharaxiintii ugu codadka yaraa oo ay kala ahaayeen Farjac, Awaare iyo Siciid Maxamed Raage Wareega labaad waxaa isugu soo haray 4 musharax oo wareegaasi kala helay: Cadde Musse (Madaxweynaha xilka Haya) 4 cod Cabdiraxmaan Faroole 30 cod Cabdullahi Ilkojiir 18 cod Nuuradiin Aadan Diiriye 11 cod Waxaa halkaasi ku haray Madaxweynaha Puntland Cadde Musse oo wareegaasi helay 4 cod oo kaliya sidoo kale waxaa asaguna tartanka ka haray Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye oo asaguna helay 11 cod. Waxaa wareegii ugu danbeeyey isu soo haray musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Faroole iyo Gen.Cabdullahi Ilkojiir Natiijadii ugu danbeeyey waxaa halkaasi guusha ku raacday Cabdiraxmaan Faroole oo wareegii ugu danbeeyey helay codad aad u badan oo 49 cod halka musharaxii la tartamayey Gen.ilkojiir uu helay 17 cod oo kaliya. Waxaa sidaa lagu doortay Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole. XOL Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 8, 2009 Cabdiraxmaan Faroole - Madaxweynaha DG Puntland 8 Jan 8, 2009 - 12:21:36 AM Dr. Cabdiraxmaan Maxamad “Faroole” ayaa loo doortay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyadoo uu helay 49 cod halka musharixii ugu dhawaa oo ah Gen. Abdullahi Axmad “Ilkajir” oo helay 17 cod. Tartanka Madaxtinimada Puntland oo ay ka qeybgaleen 9-musharax ayaa waxaa Wareega 2-aad kusoo baxay C/raxmaan Faroole (49 cod) iyo Gen. C/llahi Ilkajir ( 17cod). RADIO GAROWE Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 8, 2009 Duke dident i say ilka jiir meel ghaadhi mayo looool Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted January 8, 2009 Wlcme back Xaaji Xeyraan, sidii Gaza loo weerarayba Tel Aviv unbaad bunkers ku dhax jirtey, waad ladantahay soo ma ahan, wax hamas rockets ah ku soo gaarey ma jiraa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 8, 2009 war anigu xaafada juhuuda baan daganahay ciidi wax ba ima yeesho.lol falastini marku iga hor imaado naxnu shabacu al falatiniyin min atat u kula fil aflin yawmin sanatieny. markay yuhuudu iga hor imadaan hi kahtam i ki ha kufurum. i am save Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted January 8, 2009 xundju caadi ayaad iskugu salaxday kubada. lool xafada yahouda. waar somali qaar ayaa jewish madow ku moodaysee yaanay ku maqlin bal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted January 8, 2009 Congratulations to Faroole. May the Almighty guide and make him a wise ruler. PS Your 90 days honeymoon starts today. PPS Good luck with auditing your predecessor's books. Quote Share this post Link to post Share on other sites