Jabhad Posted July 25, 2007 Ciidamada Itoobiyaanka eek u sugan magaalada Muqdisho, ayaa saakay waxa ay guri ku yaala xaafadda warshadda caanaha kala baxeen wiilal dhalinyara ah, iyagoo gubay gurigii ay wiilashaasi ka soo qabteen. Hobyonet. Muqdisho Talaado, July, 24, 2007 Labada wiil ee la qabtay, ayaa waxaa la sheegay in si xoog ah loo kaxeystay gurigii ay joogeen, waxaana markii la sii kaxeynayey loola dhaqmay si aan wanaagsaneyn. Dadka deegaanka, ayaa sheegay in markii ay ciidamada Itoobiyaanka oo howl-gal ka fuliyey deegaanka warshadda caanaha ee magaalada Mqudisho, ay dab qabad siiyeen guriga, kaasoo markii dambe ay damiyeen dabkii ka kacay dadka xaafadda. Falkaan ay ciidamada Itoobiyaanka ka geysteen xaafadda Warshadda Caanaha, ayaa waxa uu yimid 2 maalin kadib markii haweenay Soomaaliyeed oo Indhashareer wadatay ay gacan kaga jabiyeen agagaarka saldhigga Booliska ee degmada Wardhiigely, iyagoo sidoo kale bakoorad ku garaacay 2 gabdhood oo kale oo la socotay haweeneyda indha-shareerka wadatay. Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa waxaa dhaqan u ah in marka ay arkaan haweeney indhashareer wadata ay cadaadiyaan, ayna ku amraan in ay iska saarto indhashareerka, haddii ay furi weydana garaaca. Ahmed Dahir Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya Maslaha1@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites