Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Meetings held in support of the Federal government

Recommended Posts

SHIR LOOGA HADLAYEY SOO DHOWEYNTA IYO TAAGEERADA DOWLADDA KMG AH OO SAAKAY KA DHACAY XARUNTA VILLA SOMALIA

 

Villa%20Somalia.jpg

 

11 degmo oo hoos taga Isbaheysiga SNA ee uu Madaxda ka yahay Wasiirka arimaha Gudaha isla markaasna ah Ku xigeenka ra'iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxmed Caydiid ayaa saakay ka dhacay xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi looga hadlayey taageeraada Barnaamijka Dowladda KMG ah, iyadoo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Arimaha Gudaha Isbaheysiga SNA Khaliif Cali Shire.

 

khaliif.jpg

 

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in Isbaheysiga SNA ay diyaar u yihiin sidii ay u soo dhoweyn lahaayeen xukuumad cusub maadaama buu yiri Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiirka arimaha Gudaha ay hormuud ka yihiin dib u soo laabashada Dowladda ee dhinaca Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ururada bulshada qeybaheeda kala duwan ay diyaar u yihiin soo dhoweynta xukuumada cusub isagoo sheegay in 11-ka degma ee hoos yimaada maamulka Isbaheysiga SNA ay kala yihiin:

 

Degmada Yaaq Shiid - Degmada H/wadaag - Degmada Xorriyo - Degmada Dhar Keynley

 

Degmada WadaJir - Degmada Waaberi - Degmada Boon Dheere - Degmada Xamar Jajab

 

Degmada Xamar weyne - Degmada Wardhiigley - Degmada Hodan.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Arimaha Gudaha Isbaheysiga SNA Khalif Cali Shire waxaa uu sheegay in Isbaheysigoodu uu gacanta ku haayo koogo far badan oo muhiim ah sida Madaxtooyada Villa Somalia, National Tiyaatar, Radiyo Muqdisho, Guriga Hooyooyinka, Golaha shacabka, Maktabka Qaranka, Miyuusimka, Qaar ka mid ah Safaaradihii Shisheeye ee dalka sida Safaarada Shiinaha iyo kuwo Kale, sidoo kale wuxuu xusay Guddoomiyaha in Isbaheysigooda uu gacanta ku haayo in ka badan 100 guri oo ay laheyd dowladdii hore haatana lasoo degi karo.

 

Cali Muxiyaddiin Cali muxiyaddiin@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Daladda Culimada Soomaaliyeed ee Muqdisho oo dadweynaha ugu baaqay inay soo dhoweeyaan Dowladda Federaalka

 

By Maxamed Aadan Maxamed Posted to the web 16-01-2005, 16:26:57

 

Muqdisho:- Daladda culimada soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay magaalada muqdisho ayaa dadweynaha soomaaliyeed gaar ahaa reer muqdisho ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan xakuumada uu Ra’iisul wasaaraha ka yahay Cali Maxamed Geeddi.

 

Culimada ayaa waxa ay baaqooda ku sheegeen in ay muhiim tahay soo dhaweynta Dowlada Faderaalka Soomaaliyeed oo iyadu wufuud ka mid ah lagu wado in ay soo gaaraan dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho.

 

Soo dhoweynta iyo taageero la siiyo dowlada ayay culimada soomaaliyeed ku sheegeen in looga gudbi karo dhibaatada shacabka soomaaliyeed haysatay 14 sano oo ay dowlada la’aantu jiray.

 

Maxamed Aadan Maxamed

Puntlandpost, Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this