guraad Posted March 25, 2004 Wafdi ka socda Maamulka Somaliland oo uu horkacayo Md Daahir Riyaale Kaahin ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan gudiga barlamaanka Ingiriiska u qaabilsan horumarinta Caalamiga ah. Kulanka ayaa waxaa soo abaabulay xildhibaan Tony Worthington oo isagu ahaa ninkii casuumada u fidiyey wafdiga Soomaaliland. Hadaba waxaa goobjoog u suurta gashay inay hesho xogta dhabta ah iyo sidii uu kulankaasi u dhacay. Waxaa horta mudan in la cadeeyo in wafdiga Somaliland uu la kulmay xubno ka tirsan gudiga xiriirka caalamiga ah ee Barlamaanka kuwaasoo tiradoodu ahay 6 lix ruux ee uusan la hadlin barlamaanka Ingiriiska, iyadoo halka kulanka ka dhacayna ay ahayd qol ka mid ah qolalka shirarka ee barlamaanka Ingriiska. Xubnaha wafdiga Soomaaliland iyo dad kaloo ajnabi ah oo iyaga la socday ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa 50 xubnood, dadkaaas dhamaantood waxa ay kusoo galeen qolka shirku ka dhacayey casumaad, taasoo macnaheedu ahaa inayan goobtu ahayn mid furan. Tony Worthington oo ahaa xildhibaankii abaabulay kulankan ayaa hadalka bilaabay isgaoo yiri waanu oganahay inaad ka xuntihiin midawga aad Soomaaliya la midowdeen, dhibaato badana idinka soo gaartay arrinkaa, waxaan maanta halkan isugu nimid inaad codkiina soo jeedisaan. Kolkaa kadib waxaa halkaa khudbad ka aqriyey Daahir Riyaale Kaahin madaxweynaha maamulka Somaliland, taasoo uu ku sheegay inay la soo noqdeen madaxbanaanidoodii, dhibaato badan kasoo gaartay midowgii ay la midoobeen Soomaaliya, beesha caalamkana ka codsanayaan in la ictiraafo. Waxaase dadkii dhamaa ka yaabiyey hadalkii wasiirada arrimaha debeda Somaliland Marwo Edna Adan Ismaaciil oo sheegtay inay dawlada Ingiriiska weligood isku wanaagsanayeen, xitaa xiligii Isticmaarka, iyaguna yihiin Agoontii Ingiriiska, boqoruduna tahay hooyadood, sidaas daraadeedna mudan yihiin in la ictiraafo. Edna waxay kaloo sheegtay inay la midoobeen wadanka Afrikaan ahna haatana doonayaan inay madaxbanaandoodii kala soo noqdaan. Xubno kale oo ka tirsan wafdiga ayaa goobta ka hadlay, waxaa kaloo halkaa ka hadlay dad ajnabi ah oo taageersanaa qadiyada Somaliland. Intaa kadib ayuu Tony Worthington dadkii weydiiyey haday jirto cid aan Somaliland ahayn oo hadlaysa. Waxaa farta taagay oo codsaday inuu hadlo Prof Cabdi ISmaaciil Samata oo sheegay inuu ka yimid Gobolada waqooyi ee Soomaaliya ee uusan taageersanay gooni isu taag Somaliland. Prof Cabdi wuxuu sheegay in taariikhda goobta laga aqriyey ay tahay mid khalad badan ka buuxu, sidaas daraadeedna uu soo diyaariyey wax uu ugu yeeray warbixin kooban taasoo uu doonayo inuu u qaybiyo xubnihii gudiga. Buuq badan ayaa durbadii la gala hortegey Cabdi Ismaaciil, isaguna wuxuu ka codsaday gudoomiyihii fadhiga Tony Worthington inuu u kala cadeeyo in goobtu tahay meel cid walbaahi ra'yigeeda dhiibanayso ama meel la iscaburinayo, sababtoo ah buu yir rag dhabarkayga fadhiya ayaa ii hanjabaya, isagoo weydiiyey gudoomiyaha fadhiga in la hadli karo iyo in kale, laakiin Tony Worthington ugu danbeyntii hadalkii ayuu u ogolaaday Cabdi Ismaaciil oo aan ka mid ahayn dadkii uu casumay Tony Worthington, ee isagu qaab kale kusoo galay goobta. Samatar wuxuu sheegay in Somaliland ay ka jirto nabad gelyo ka wanaagsan goobo badan oo Soomaaliya ka mid, loona baahan in arrinkaa la xoojiyo, si loo xoogeeyana wuxuu soo jeediyey in dhinaca gargaarka iyo maalgelintaba laga taakuleeyo, laakiin hadii arrinku ictiraaf iyo wax la mid ah laga hadlay loo bahan yahayin iyadoo la miyir qabo lana degen yahay la iska warsado arrinkaa oo la kala go'o ama la israaco, ayna sax ahayn islamarkaana suura gal ahay in taariikhda laga been sheego. Intii kulanku socday waxaa gacmaha isula tegey labo xubin oo ka tirsan wafdiga Soomaaliland. labada xubin ayaa ka kala tirsanaa Xisbiga Kulmiye ee Xisbiga Udub. Dagaalkuna wuxuu ka dhashay kadib markii Xisbiga Kulmiye uu soo qaaday doorashooyin ugu danbeeyey iyo inay ahaayeen kuwo la been abuurtay laguna shubtay, halkaasoo uu bilaabay xubin ka tirsanaa wafdigii xukuumada inuu u gacan qaado, iyadoo halkaa lagu kala jiiday labadii xubnood. BBCda laanteeda afka Soomaaliga oo la filayey inay noqoto idaacad dhex dhexaad oo ah sidii ay wax u dhaceena usoo tabiso ayaa iyadu ka maagtay inay xaqiiqada dhabta ah iyo sida ay wax u dhaceen u soo gudbiso dadwaynaha Soomaaliyee oo iyagu xaq u leh inay helaan macluumaad sax ah. Si kastaba ha ahaatee wafdiga Somalilond wuxuu helay fursad ay ku dhagaystaan xubno ka tisan barlamaanka ingiriiska, laakiinse waxaa muuqata in dhul isdhigida aan dhaqanka u ahay Soomaalida ee ay wafdigu ku kaceen ay keentay inay ka dhacaan indhaha dadkii dhageysanayey khudbooyinkooda, iaydoo ay intaa dheer tahay dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee dhex maray labada xisbi ee mucaaradka iyo xukuumada. http://www.buuhoodle.net/riyaale230304.htm Quote Share this post Link to post Share on other sites
Muse Bari Posted March 29, 2004 Asalam alaykum every body waxan oran laha somalina waxba qabsanwedey e MD Dahir riyale ilamaha inuu wax qabanayo somaliland dahir rayaale waa u dhameeyey ninkii hore Ala yarxamu marxuumkii maxamed ibrahin cigal baa laba xiniyood ahaa anywayz dahir riyale iyo somali kaleba wax qabsan maayaan ilaa dalka laga soo saaro inta joogta oo inta debeda joogta lagu celiyo dalka markaasaa waxa hagaagayaan Quote Share this post Link to post Share on other sites