Sign in to follow this  
Emperor

Djibouti 31st plus US supports the peace talks

Recommended Posts

Emperor   

Maraykanka oo sheegay inuu taageersan yahay Wadahalada Soomaaliya

May 24th, 2008

 

Ottawa(HR Media):- Kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa sheegay in dowladooda taageerayaan wadahalada lagu doonayo in la dhexdhigo Dowlada Soomaaliya iyo Mucaaridkeeda. Balse Maraykanka ayaa ka digay in wadahalada laga qeyb geliyo kooxo ay ku tilmaameen Xag-jir.

 

Magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay ayaa looga hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa Qarankii dalka Soomaaliya.

 

Shirkan oo ay ka hadleen mas’uuliyiin kala gedisan oo ka socda Dowlada Canada ayaa waxay ka hadleen wadahadalada ugu danbeeyey ee lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo Dowlada Federaalka iyo kooxaha kasoo horjeeda.

 

Kuxigeenka Kaaliyaha Xogahayaha Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Maraykanka Mr.James Swann ayaa sheegay in dowlada Canada ay taageersan tahay qorshaha Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ee uu wado Raiisul Wasaare Nuur Cadde, wuxuuse ka digay in wadahadalada socda aan laga soo qeyb gelin kooxo uu ku tulmaamay in ay yihiin xag-jir.

 

Dowlada Canada ayaa ayadu sheegtay in ay taageerayaan dadaalada ay wado Qaramada Midoobay iyo Dowlada Soomaaliya, ayagoo sheegay in ay muuqato isbedal horumarleh oo laga sameeyey dhinaca waan waanta lagu doonayo in lagu xaliyo xaalada dalka Soomaaliya.

 

Mr.Swann oo ka hadlay ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadaasi ay u yeeratay dowlada Soomaaliya isla markaana ka qeyb qaadanayaan dadaalka ay dowlada Soomaaliya ku dooneyso in ay ku hanato sugida amniga dalkaasi Soomaaliya. Arrinta ah codsiga ka imaanaya kooxaha dowlada kasoo horjeeda ee sheegaya in ciidamadaasi ajnabiga ah ka baxaan Soomaaliya, laga rabo marka hore in ay ka shaqeeyaan sidii nabad loo abuuri lahaa isla markaana loo dhalin lahaa jawi ay dowlada Soomaaliya dalkeeda ku xaliso.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this