Abwaan Posted May 25, 2005 Jen. Muumin Ibraahim ***** oo ka soo horjeestay magacaabistii Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu sameeyay Ra'iisal Wasaare Geedi Talaado, May 24, 2005(HOL)@15:00GMT: Jen. Muumin Ibraahim oo ka mid ah Xildhibaanada Beesha Bay/Bakool ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi waxaa uu ku sheegay in magacaabistii uu sameeyay Ra'iisal Wasaare Geedi ee Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ahayd mid aan cadaalad ahayn. Jen. Muumin waxaa uu sheegay in jagadaas magacaabisteedu ay ahayd mid aan loo marin wadadii sax ahayd, wuxuuna ku dooday in ninka loo magacaabay xilkaas ee lagu magacaabo Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe) uu ahaa nin aan aqoon u lahayn arrimaha Booliska, wuxuuna ahaa sida uu yiri nin Hangash ah oo aaney weliba darajadiisa gaarsiisneyn in uu hoggaamiyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, inkastoo Cali Madoobe oo horay Korneel u ahaa loo dalacsiiyay Sareeye Guuto markii la magacaabay. Jan. Muumin waxaa uu ku cel celiyay in ay xilkaasi xaq u leedahay Beesha Bay/Bakool oo sida uu yiri awood qeybsi ahaan u heleysa, inkastoo la sheegayo in Taliyaha cusub ee la magacaabay uu qudhiisa yahay nin ka soo jeeda beeshaasi hayeeshee uu Jen. Muumin rabay in isaga xilkaas loo magacaabo. Magacaabistan Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa xiisad ka dhex abuurtay Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Wasiirka Amniga Qaranka Md. Maxamed Qanyare Afrax oo xilkaas u magacaabay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, wuxuuna Ra'iisal wasaaruhu sheegay in uusan Wasiir ka tirsan Xukuumaddiisa dikreeto ku magacaabi karin saraakiil dowladeed, kaliyana uu leeyahay soo jeedin, halka Maxamed Qanyare-na uu ku dooday in magacaabistan uu Ra'iisal Wasaaraha horay ugu fasaxay, iyadoo wasaaradda uu madaxda ka yahay ee Amniga Qaranka ay hoos yimaadaan afar waaxood oo ay ku jirto tan Taliska Booliska Soomaaliyeed. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia [ May 25, 2005, 04:13 AM: Message edited by: Admin ] Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted May 25, 2005 maba la yaabeen haddii dhaleecayntu ku egtahay qofkaani xilkaan uma qalmo waayo uma lahan aqoon amaba dad u qalma ayaa ka badan laakiin Beesheennaa iska leh waa arrin la yaab leh. Quote Share this post Link to post Share on other sites