Sign in to follow this  
General Duke

Mass demo's to motivate for war..

Recommended Posts

adbax lagu taageerayo jihaadka maxkamadaha islaamka ay ku baaqeen ee ka dhanka ah dawlada Ethiopia oo maanta ka dhacay deegaanada ay ka taliyaan.

 

 

MuqdishoDibadbaxyo ay ka qeybgaleen boqolaal ruux oo dad ah isla markaana lagu taageerayey jihaadkii golaha maxaakiimta islaamiga ay ku baaqeen loogana soo horjeeday fara gelinta la sheegay in Ethiopia ay ku heyso gayiga dalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay gobolada ay maxaakiimtu gacanta ku hayaan.

 

Dibadbaxyadan oo dhacay salaadii jimcaha ka dib ayaa kii ugu weynaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan fagaaraha Taribuunka waxaana dadkii isugu soo baxay lagu qiyaasay kumanaan ruux oo dad ah.

 

Mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid yahay gudoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dibadbaxaasi ka qeybgashay waxaana ay halkaasi ka jeediyeen hadalo kala duwan oo dadka looga dhaadhicinayo ka qeyb qaadashada jihaadka ka dhanka ah dawlada Ethiopia oo haatan la sheegayo in ciidamo kuweeda ah ay ku suganyihiin ciida Soomaaliya.

 

Sheekh Shariif oo hadal dheer u jeediyey dadkii dibadbaxa kasoo qeybgalay ayaa waxa uu sheegay in maanta wax aan ahayn jihaadka aan looga hortagi Karin ciidamada Ethiopianka ah ee la shaagayo inay ciida Soomaaliya kusoo gar******een waxaana shacabka uu ugu baaqay ka qeyb qaadashada dagaalka kharara ee dhici doona.

 

Sheekh Shariif waxa uu ka dalbaday ganacsatada iyo cid waliba oo wax heli karta in mujaahidiiinta ay ugu tabarucaan wixii karaankooda ah si suuro gal ay u noqoto in dalka cadowga kusoo duulay laga difaaco wa siduu hadalka u dhigaye.

 

Sheekh Shariif ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in maxkamadaha islaamiga ay ka go’antahay ka qeybgalka shirka khurtuum ee dabayaaqada bishan dhici doona, laakiin waa haddii ciidamada Ethiopianka ah ay dalka isaga baxaan waxaana uu ka codsaday kooxaha Ethiopiankaasi soo kaxaystay in shacabkooda ay dhinac kasoo raacaan isla markaana dalka ay ka saaraan cadowga ay soo galiyey.

 

Gudoomiyaha golaha fulinta waxa uu wacad ku maray in ciidamada Ethiopianka ah haddii ay sida ugu dhaqsiyaha badan aanay isaga bixin dalka Soomaaliya ay ugu tagi doonaan goobaha ay ku suganyihin ee Baay,Bakool iyo Gedo.

 

Mas’uuliyiin kale oo golaha maxaakiimta islaamiga Soomaliyeed ka tirsan oo uu ka mid yahay madaxa arrimaha bulshada Sh. Fanax ayaa dibadbaxaasi ka hadashay waxaana dadka Soomaaliyeed ay u tilmaameen inay ugu yaraan 6 xarumood iska diiwaan gelin karaan si jihaadka ay uga qeyb qaataan waxaana xarumaha loo cayimay dadka ay kala yihiin: Xarunta Comando Polocio ,Saldhiga Kaaraan ,Saldhiga Galbeed ee degmada Madiina ,Markazka Salaxudiin ee degmada Huriwaa,markazka Alnasri ee degmada Yaaqshidi iyo markazka mucaad bin jabal ee degmada Hodan waxaana isqoristu ay sheegeen in ay soconayso muddo 3 maalmood ah.

 

Dadweynihii dibadbaxa kasoo qeybgalay ayaa waxay ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah dawlada Ethiopia iyo kuwa kale oo ay ku taageerayaan jihaadka maxaakiimtu ay ku baaqeen iyagoo ugu danbeyntiina gubay calanka dawlada Ethiopia.

 

Dhinaca kale banaan bax midkan la mid ah ayaa waxa ay ka kala dhaceen magaalooyinka Baladweyn,Jowhar,Marka iyo Dhuuso mareeb waxaana banaanbaxyadaasi ka qeybgalay kumanaan dad ah.

 

 

Xafiiska waayaha.net

Muqdisho-Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I wish you die in Islam sooner, because you became thesedays a mouthpiece of Allah's Enemy!

 

May Allah take your soul in a state of Islam, aameen.

 

And May Allah humiliate your vicious, warlord uncle, Abdullahi Yuusuf, aameen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib, at least I dont lie, like the clan courts and their supporters.

 

Yesterday it was Aydeed, today it is Xasan Dahir Aways, both times it is to expand clan agenda both times they will lose.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khalaf   

Originally posted by Alle-ubaahne:

And May Allah humiliate your vicious, warlord uncle, Abdullahi Yuusuf, aameen.

Have you ever met him and his lovely wife...a good woman BTW? There good ppl, I dont agree with his policies but he didnt seem like bad man...bad choices maybe. May Allah Guide him to straight path i say. No matter what ppl say about him, the man is his own man he is a libax a solider he has his legacy, he is in the history books just as Sayyid Barre (allahu naxristrio) agree with dem or not.....but other somalis got only talk.....make a legacy in your country and leave the habarta for the women.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^You have Allah in your signature and you are praising the worst creature in the history of Somalia. I personally never said anything bad about his Wife, and I don't know about her, but I believe that Abdullahi Yuusuf is threat to our religion as well as our nation.

 

We must pray to Allah to make him among the losers of coming wars, insha-Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khalaf   

The worst creature, threat to Islam? Thats an exagrattion nooh. Do you feel this way about jihad? Where is the passion when concering the masscures of other Muslims who are not somali? Every Muslim is a brother, not just those who are somali.

 

Yusuf has a legacy right or wrong and he will be judged by Allah the end...thats not praise because i praise no human-being only Allah is worth Praise. a man makes a legacy in his country walks what he preaches but doesnt talk...most somalis are left with talk when it comes to politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this