Emperor Posted July 3, 2007 hadhwanaag 2007-07-01 (Hadhwanaagnews) Waxaan maanta BBC afka somaligu ka dhagaystay: 1) Wasiiru-dowlada Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mr. Tekede Alamu ayaa booqasho kedis ah oo aan hore loo sii sheegin maanta ku yimi magaalada Hargeysa 2) Iyo, ciidamada Darawiishta ee Puntaland oo lagu wareejinayo Dawlada Fedaraalka ah. Haddaba waxaa la yaableh sida labadan arrimood maalin kaliya u wada dhaceen. Waraysiga Wasiiru-dowligu markaliya ma uu magacaabin Somaliland, YAAB!. Waxaa uu Mr. Alamu u yimid Hargaysa si Dahir Riyale loogu sheego in ciidamada Puntaland ku biirayaan Ciidamada Dawlada Federalka ah, arrimaha lagala hadlayayna waa kuwaa, tanina waa qorshe ay Dawlada Itoobiya ay ku doonayso in ay Somaliland ay hoos gayso dawlada Federalka ee Somalia ee ay Itoobiya xukunto. Hadaba waa maxay dhibaato Somaliland ugu jirta in ciidamada Puntaland lagu wareejiyay dawlada Somalia? Dhibaatada ugu jirto waxa ay tahay ciidamada fadhiya Sool iyo Sanag bari waa ciidamo ka tirsan Dawlada Federalka. Tanina waxaa khalkhal ku abuuraysa Somaliland. Maanta ciidamada dalkeena ku jira ma noqonayaan kuwa Puntaland ama *******NIYA, ee waa ciidamada DAWLADA TNG ee Federalka Somalia, tanina waxay bilow u tahay isku dhacii Somaliland iyo Dawlada TNG ee uu Cabdilahi Yousuf uu hogaaminayo. Waxaad kale ood ogaataa in uu Cabdillahi Yusuf iyo Geedi ay sheeganayaa in ay Somaliland xukumaan. Markaa waxaa sii xoogaysanaya murankii ay dawlada Federalka Somalia ay ku sheeganaysay inay xukunto Somalia. Bari ka maalin, haddii ay Dhahar, ama Laascanood ay ku dagalamaan ciidamada Somaliland iyo kuwa Darawiisha ee Puntaland. Dagaalkaasi noqon mayo dagaal Dawlada ******teeniya iyo Somaliland dhex mara, lakiin waxaa uu noqonayaa dagaalkii ugu horeeye ee dhex mara Dawlada Somalia iyo Somaliland. Haddaba, Dawladani Dahir Riyaale ee dadka Beenta iyo HUUHAADA ku akhriyaya waa in dadka Somaliland ka TASHADAAN. Maanta waxaa Somaliland ka taliya koox dalkani baa’binteeda ka shaqayasa. Haddii aad kooxdani MAAFIYADA ah ee uu Dahir Riyaale madaxda u yahay Illahay inaga badbaadiyo, waxaa Tariikhda Somaliland lagu baran doona BEENTA DAHIR RIYAALE iyo Dawladiisa. BEENTA uu Dahir Riyaale dadka reer Berbera u sheegay sanad guuradii 47 ee ka soo wareegtay, markii aan xoriyada aynu ka qaadanay maxmiyadii Ingiriiska, waxaa noqon doonta BEENta ugu waynayd ee Dahir Riyaale looga barto. Waxaa la yaableh meesha laga soo kaxeeyay NINKA CAD, ee majarafada iyo dhagax loo dhiibay. Talow ninkani Ma MAAFIYAYAA, mesa waa DIBJIRA YURUBIYANA oo SUUDH loo xidhay. Inay soo xaqiijiyan shakhsigan cida uu yahay, waxa uga tagayaa Wariyayaasha iyo dadka Somaliland ee dalalka Yurub ku nool. Waa wax lala yaabo, NIN kaniligii ka socda sharkad saddex mashruuc oo waawayn dhisaya oo ku kacaya lacag dhan 300,000,000 (SADAX BOQOL OO MILYAN OO DOLLOR). Lama hayo XAASHI Dawlada Dahir Riyaale la saxeextay sharkadani!, oo dadka tusaysa halka ay ka imanayso lacagtu, Design-ka warshadaha iyo waxii la mida. KHARIIRA aqal 5000 oo dollar ayaan arki jiray, macdala warshado iyo mashruucyo ku kacaya 300 Million oo dollor. Waxaa uu Ina Riyaale yidhi BISHA RABADAANTA ayaa dhismaha warshada la bilaabayaa. Waxaad iga gunudaa mashruucyadani inay sidan u dhaci doonto:- 1) In Bisha November waxa ay bilaabi doonan Dayr, waxaan dadka loo sheegi doona inuu dayrkani yahay dayrkii warshada. Xusbiga UDUB iyo ina Riyaale HUUHAADA iyo BEENTA ayay ku akhriyi doonan dadwaynaha si ay doorashada dawlada hoose ugu galaan (WAA HADDII AY QABSOONTO DOORASHU). 2) Bisha March, 2008 waxaa la qodayaa Sees, waxaana la soo kaxaynayaa laba nin oo CAD CAD oo lagu magacaabayo inay ENGINEERs-kii warshadaha dhisayay yihiin. Waxaa dadwaynaha Somaliland Dahir Riyaale iyo Maafiyaddiisu dadka ugu qodbadanayaan in dhismihii warshadu bilaabmeen. Dahir Riyaale BEENTAASI ayuu doonayaa inuu dadka ka iibiyo si dadku ugu codeeyaan Dahir Riyaale (WAA HADDII AY QABSOONTO DOORASHU). Dahir Riyaale waxaa uu cayayaa GARAADKA ummada SOMALILAND. BEENTAASI kaa soconmayse, ee ka huleel XAAJI. Waxaan dadka Somaliland kula talinayaa in ay u diyaar garoonan sidii ay cadawga GUDAHA ee uu Dahir Riyaale u madaxda yahay iskaga ridi lahaayeen. Cadawga dibada ee uu Cabdilahi Yusuf iyo Geedi u madaxda yihiin ay dalkooda uga difaaci lahaayeen. ENG. Omar Yousuf slwadani@yahoo.com Submited By hadhwanaag : 2007-07-01 Quote Share this post Link to post Share on other sites