Cowke Posted June 1, 2010 Mid ka mida Beelaha dega Gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqey iney sameynayaan maamul.hadaba afhayeen u hadlay beeshaas ayaa wareysi uusiiyey VOA shaley wuxuu sheegey in maamulka loo sameynayo dhamaan Gobolada dhexe ee beeshu degaan ahaan u leedahey. London(Puntlandi.com)Shirkii ay isugu yimaadeen wadanka Ingiriiska Beel ka tirsan beelaha dega Gobolada dhexe ayey ku dhawaaqeen iney sameeynayaan maamul goboleed la magacbaxey Maamulka Gobolada bartamaha ee Soomaaliya. Wareysi uusiiyey VOA Mohamed Xaashi Cabdi oo ah madaxa gudiga loosaarey ineysoo dhisaan maamulka ayaa sheegey la sameeyey gudi kakooban 57 xubnood oo kasoo shaqeeya dhismaha maamulka. Wuxuu kaloo sheegey in dhulka maamulka loosameynayo uu yahey dhulka ay beeshu ka degto Gobolada dhexe oo dhan sida kuwa hada beeshu degantahey iyo kuwo kale oo beeshu deegaan ahaan u leedahey balse gacantooda hada ka maqan oo kamid ah Gobolada Bartamaha Soomaaliya. Mohamed Xaashi Cabdi mar waxlaga waydiiyey goobaha uu maamulkaan ka jiri doono wuxuu yiri "Way badanyihiin sida Dhuusamaree.dhabad,balanbale,Galinsoor,Caabudwaaq,Xeraale iyo dhamaan deegaanadaas oo dhan oo beesha deegaan ahaan u laheyd xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya(Dowladii Maxamed Siyaad Bare alla ha u naxariistee)". Maxamed Xaashi Cabdi oo ah afhayeenka Gudiga loo xilsaarey ineysameeyaan Maamulkaan wuxuu kaloo sheegey iney Beeshu sameyneyso maamulkaan oo noqondoona sida maamulka Puntland oo kale. Puntlandi.com post@puntlandi.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 1, 2010 Dagaal culus oo ka soconaya Mareer gur iyo Godoon oo 50 KM u jirta magaalada Dhuuse mareeb Posted to the Web Jun 01, 08:01 Galgaduud:-Wararka haatan naga soo gaaray gobalka Galgaduud gaar ahaan magaalada Dh/mareeb ayaa sheegaya in uu dagaal culus ka socdo tuulooyinka Mareer gur iyo Godoon oo 50 KM u jira magaalada Dhuuse mareeb ee xarunta gobalka Galgaduud. Dagaalkan ayaa waxaa uu u dhexeeyaa ciidamada la baxay Ahlu Suna iyo kooxada Al-shabaab dagaalka ayaa khasaaro gaarsiiyey labada kooxood oo ku dagaalamaya xukunka gobalka Galgaduud. Saraakiil ka tirsan labada kooxood ee Al-Shabaab iyo Ahlu Suna ayaa mid walba sheegtay in uu guulo ka gaaray dagaalada ka socda. Ma jiraan ilo wareedyo madax banaan oo xaqiijinaya guulaha ay kala sheegteen labadan kooxood . A/Cawale Halgan.net Quote Share this post Link to post Share on other sites