Sign in to follow this  
Liibaan

WAR DEG DEG AH: Dagaal Qadhaadh Oo Ka Soconaya Duleedka Lascaanood

Recommended Posts

Liibaan   

1277338515_breaking-news.jpg

 

WAR DEG DEG AH: Dagaal Qadhaadh Oo Ka Soconaya Duleedka Lascaanood

 

 

War deg deg ah oo hada na soo gaadhay ayaa xaqiijinaya in uu dagaal Qadhaadh ka soconayo Meesha lagu magacaabo Waqdari oo ah duleedka magaalada Laascaanood. Saacada geeska Afrika oo hada ah 3:OOAM ayaa waxaa warkan noo xaqiijiyey Afhayeenka Hogaanka Badbaadada iyo mideynta SSC ee magaalada Nairobi Axmed Gacmo yare.

 

 

 

Afhayeenku wuxuu sheegay in dagaalkani bilowday abaaro 2:30Kii wakhti dhexe ee habeenimada geeska Afrika kaasoo hada soconaya mudo 30 daqiiqo ah. Dagaalkan oo ay soo qaadeen Ciidamo uu hogaaminayo taliyaha aaga Kalabaydh ee Hogaanka SSC Col: Ibraahim C/Laahi Caydiid{Ibrahim Dheere}, ciidamadan ayaa miray maleeshiyaadkii Soomaalidiidka ee ku sugnaa halkaas ayadoo la sheegay in halkaas ay ka gaysteen dagaal xarago qaadasha ah.

 

 

 

Ilaa hada dagaalkaasi waa soconaya waxaana jirta Dhimasho iyo dhawaac, waxase adag in aan ogaano khaasaraha dhabta maadaba wakhtigu uu yahay xili danbe iyo Saraakiisha oo ku hawlan arinta dagaalka sidaas waxaa yidhi Afhayeen Axmed Gacmo yare.Meesha dagaalku ka soconayo oo ah halka loo yaqaano Waq dari ayaa ha meel u muuqata magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolada SSC.

 

Waxii wara ee ka soo kordha isha ku hay Horufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

1277351217_dagaalkii%20waq.jpg

 

Faaah faahin iyo Warbixin Ku Saabsan Dagaalkii Xalay ka dhacay Laascaanood

 

 

Wednesday, June 23, 2010

 

Waxaa xalay abaaro Labadii habeenimo ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool dagaal khadaadh oo u dhexeeya Ciimada SSC iyo Maleeshiyaadka Soomaalidiidka ah.

 

Weerar qorshaysan oo ay soo qaadeen Guutada Ismaaciil Mirre garabkooda Guur guura ee gobolka Sool ayaa waxay Khasaare lixaadleh ku gaadhsiiyeen Maleeshiyaadkii ku sugnaa duleedka Koonfureed ee magaalada Laascaanood.

 

Arintan ayaan waxaan ka xog waraysanay Taliyaha guutada Ismaaciil Mirre Mujaahid Kayse Cabdi Yuusuf oo asagu fuliyey weerarkaasi. ' Dagaalkaas anaga qaadnay difaacul nafsiga ah mana nihin weerar ee anagu dhulkayagii ayaanu joognaa' Waxayna wax u dhaceen Guutada Ismaaciil Mirre garab keeda Guur guura ayaa xalay weerar ku ekeeyey halkii Beertii Ilma Cabdi Badhi' ayuu yidhi Kayse, mar aan wax ka weydiiney Kayse khasaaraha soo kala gaadhay labada Ciidan ee is haleelay ayuu yidhi sidan' Alxamdullillaah anaga wax khasaare ah nagama soo gaadhin Juhuunkaas' ayaga khasaare fara badan ayaa gaadhay maadaba ay ahaayeen kuwo aan naga fileyn goobtaas'

 

Mar aan weydiiyey cadeynta uu u yahay in ay khasaare gaysteen ayuu sheegay in markii weerarka la fuliyey meesha qaac fara badan ka baxay, isla markaana ay jaha wareer badan ku rideen maleeshiyaadkii halkaas ku sugnaa.

 

Kayse Cabdi Yuusuf taliyaha guutada Ismaaciil Mirre wuxuu sheegay in aysan joojiney hawlgalada isla markaana uusan dagaalkoodu ku ekeyn oo keliya Aaga Widhwidh ee ay ka dagaalami doonaan meelkasta iyo goob kasta oo ay dhulka SSC ka joogaan Soomaalidiidku. Anagu inta ay dhulka SSC hal taako ka joogaan joojin mayno weerarkayaga, waayo waxba nooma dhadhamayaan inta ay ku sugan yihiin Dhulkayaga ayuu yidhi Mr: Yuusuf.

 

Dhanka kale xidhiidh aan la samaynay gudaha magaalada Laascaanood ayaa nalooga xaqiijiyey daryan Rasaasta in si weyn loga maqlayey magaaladaasi, waxayna shacabku hal mar ku salaleen dhawaaqa rasaasta Baasuukaha iyo qoryaha daran dooriga u dhaca ee Boobyaaasha iyo weliba Garnaylada gacanta laga tuuro.

 

Haweeney ku sugan xaafada dhinaca Koonfureed ee magaalada Laascaanod ayaa noo sheegtay in ay ku baraarugtey dhawaaqa rasaasta isla markaana ay arkaysey holac ka baxay meesha saldhiga u ahayd Maleeshiyaadkaas Soomaalidiidka ah.

 

 

 

Maaha marki ugu horaysey ee weerar noocan ah fuliyaan Guutada Ismaaciil Mire haseyeeshee 12kii bishan ayey ahayd markii ay weerar noocan oo kale ah ku Ekeeyeen saldhig Soomaalidiidku ku lahaayeen Deegaanka Bali-hadhac halkaasoo lagaga xarago qaatay Maleeshiyaadkaasi.

 

Waxii ka soo kordha Khasaraha Soomaalidiidka kala soco wararkeena danbe.

 

Horufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dagaal xalay ka dhacay duleedka Laascaanood

 

 

Thursday, 24 June 2010 02:22 |

 

Xalay saqdii dhex ayaa ciidamada hogaanka Sool, Sanaag iyo Cayn dagaal aad u ban ku qaadeen ciidamada Soomaalidiidka ah ee ku sugan duleedka magaalada Laascaanood gaar ahaana meesha lagu magacaabo Waqadari. Ciidamada goobtaa weerarka ku qaaday ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada Soomaalidiidka aha u geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawacaba leh, cabsi aad u balaadhana ku biiray dhamaan ciidamada sida xaqdarada ah ugu sugan magaalada Laascaanood iyo duleedkeeda.

 

Sida waraka hordhaca ah xaqiijinayaan waxaa ciidamada Soomaalidiidka ah goobtaa xalay kaga naf waayey askar tiradooda lagu cayimay toban nin halka sideed iyo toban kalena dhaawac ka soo gaadhay dagaalkaa.

 

Arintan xalay dhacdayna waxay horaan qaad u tahay qorshe weyn oo hogaanka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn uu ku doonayo ama ku damacsanyahay in ku qaado weerar sadex geesood ah oo lagu qaadayo ciidamada maamulka Hargeysa ee ku sugan magaalooyinka gobolada SSC.

 

Jawigaa diyaar garowga ee hogaanku damacsanyahayna waa mid laga dareemayo dhamaan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, waana mid dadka iyo hogaanka goboladaniba ku wada midaysanyahiin sidii dib loogu soo celin lahaa degaanada ka maqan goboladan.

 

 

 

Buhodle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

If you want war. Why dont you go and fight it yourself or send your very own children.

 

But please dont support or call for war outside the battlefield. Otherwise your just a naked chearleader outside the battlefield. And when that war is all over, the ones you supported have won. They will feel like loosers who have lost much and many, and dont know for what. And if your lucky they wontt get to haunt you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this