Sign in to follow this  
General Duke

PM heads to Jowhar + Meeting in Mogadishu + other news

Recommended Posts

Raysul Wasaaraha Dowlada Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya Proff Geedi Ayaa Muqdisho Iyo Jowhar ka furay laba xafiisood oo loogu Magacdaray Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha iyo Dowlada :: (205 Reads)

 

Posted by webmaster on Monday, June 06, 2005 - 07:35 AM

 

Xafiis loogu magac daray Xafiiskaxiriirka dadweynaha iyo dowladda ayaa howshiisa ka wada magaalada Muqdisho, iyadoo dhismaha xafiiskaasina uu soo shaac baxay wixii ka danbeeyay socdaalkii uu Raysal wasaare Geedi ku yimid Muqdisho.

 

 

Xafiiskan oo kulmiya wax garad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay dhaqaalihiisana uu bixiyo Raysal wasaaraha isagoo loogu talo galay inuu siyaasaddaha iyo qorshooyinka dowladda gaarsiiyo dadka.

 

Caaqil Koogaar ayaa looga dhigay Madaxa ugu sareeya Xafiiskaan waxa ayna shirarkooda qabsadaan Isbuuc walba Maalinta Khamiista.

 

Xafiiskaan oo lagu wado in la sii balaariyo Marka Dowladu ay Magaalada Muqdisho timaado ayaa waxaa la filayaa in uu wax badan ka qaban doono Nidaam xumida ka jirta Caasimada Muqdisho.

 

14kii sano ee la soo dhaafay ayay Magaalda Muqdisha waxa ay ahayd Magaalo ninkii walba oo xoog Milatari leh uu waxa uu doono samaynaayo, iyadoo aysan jirin habayaraatee qof looga danbeeyo magaalada.

 

fowdada iyo qasku waxa ay noqdeen nololmaalmeedka Magaalada Muqdisho, waxaase dhibaatadu ay aad u taabataa danyarta aan awoodin in ay iska celiyaan Maleeshiyaadka hubaysan

 

Idalaame News

Mohamoud_hussein@yahoo.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar: Mudane Maxamed Dheere Oo Kusoo Laabtay Magaalada Jowhar iyo Ra'iisal wasare Geedi oo bari imaanaya Jowhar

- Monday, June 06, 2005 at 21:12

 

Jowhar (AllPuntland)- Wafdi uu horkacayey Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Gobolka Shabbeelaha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (M. Dheere) ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar kadib markii uu socdaal qaatay mudo bil ah ugu maqnaa dalka Kenya.

 

 

 

Mudane Maxamed Dheere ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha kuxigeenkiisa Cusmaan Xaaji Cabdulle Caqiil iyo xubno ka tirsan maamulka Sh/dhexe halkaasoo uu salaam kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada maamulka Sh/dhexe.

 

 

 

Maxamed Dheere ayaa soo laabashadiisa ku soo aaday xili la filayo in maalinta tallaadada ay halkaasi soo gaaraan wafdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafuud ka socota hey’addaha samafalka iyadoo ay magaalada Jowhar ku sugan yihiin wariyeyaal ka kala socda talifishinada ugu waaweyn aduunka sida CNN iyo wakaaladaha wararka caalamka caalamka.

 

 

 

Cali Muxiyadiin Cali

 

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Kulan Ballaaran Oo Maanta Muqdisho Ku Dhex Maray G/Baarlamaanka, Siyaasiyiin Iyo Labada Golle (Muuse Suudi Hadii Isbaarada waa la iska qaadaa la yiraah waa in leys dilo)

- Monday, June 06, 2005 at 21:13

 

Muqdisho (AllPuntland)- Kulan ballaaran oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Cilmi Baarista iyo Wada tashiga CRD oo ay kasoo qeybgaleen Guddoomiyaha Baarlamaanka, xubno ka tirsan labada gole iyo Siyaasiyiin caan ah ayaa maanta ka dhacay hotelka Shaamo ee magaalada Muqdisho.

 

 

 

Kulankaas oo looga hadlayey qaabka maalinta Tallaadada ay ugu go’an tahay xubnaha labada gole iyo guddigii loo xil saaray sidii loo qaadi lahaa isbaarooyinka Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynihii lagu soo doortay dalka Jabuuti Mudane Cali Mahdi Maxamed oo sheegay inuu inta Karaankiisa ah uu taageerayo go’aankan.

 

 

 

“Inkastoo Dowladdeydii aysan shaqeyn hadana waxaan diyaar u ahay inaan taageero tan lagu doortay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, basle waxaa haboon in taageerada ugu weyn shacbiga laga helo†ayuu yiri Mudane Cali Mahdi, sidoo kale Dr. C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii Carta oo isna kulankaas ka hadlay ayaa sheegay iney shacbigu u guntadaan wixii iyaga ay u arkaan maslaxadooda.

 

 

 

“Waa Nasiib daro in anniga iyo Cali Mahdi oo joogna aad na diidaan annagoo idiin leh War walaalayaalow kaalaya nala shaqeeya oo aad iminka C/llaahi Yuusuf oo maqan aad ka codsataan inuu Muqdisho yimaado†ayuu yiri Dr. C/qaasim oo qoslaya.

 

 

 

Wasiirka Ganacsiga Xaaji Muuse Suudi oo isna ka yara duwanaa xubnihii ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay ineysn aheyn wax sahlan in si fudud lagu qaado isbaarooyinka, “Hadii Isbaarada waa la iska qaadaa la yiraah waa in leys dilaa, taasuna dhibaatada jirtey sii saa’idee, waxaana qabaa in loo kaadiyo oo la helo wax maliishiyada isbaarada u taal mehrad looga dhigo†ayuu yiri Muuse Suudi, sidoo kale Wasiirka Amniga Maxamed Qanyare Afrax ayaa isagu ku adkeystay in maalinta tallaadada ah ay ka go’an tahay in la qaado isbaarooyinka. “Isbaarada dad ey u taal, waana la yaqaan oo waa ****** ee qof walba haku dadaasho sidii loo qaadi lahaa, oo waxay joogtaa nin walbow madaxaaga meyrax ku duubo†ayuu yiri Maxamed Qanyare oo intaa raaciyay in loo baahan yahay sidii looga hortegi lahaa waxa uu ugu yeeray cadowga Umada Soomaaliyeed oo ku soo marmarsiyoonaya Magaalada Muqdisho amaan xumida ka jirta.

 

 

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan oo isagana ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in maalinta talaadada ah ay noqon doonto mid taariikhi ah oo la kala dooran doono Qabiil iyo Qarannimo. “Qarannimo iyo Qabiil hal meel ma wada geli karaan, Tallaadada waa kama danbeys yaanan been la isku sheegin, ninkii diidana Soomaaliya iyo Caalamka oo dhan ayaa arkaaya oo aan u sheegeynaa†ayuu yiri Mudane Shariif Xasan.

 

 

 

Xubno ka tirsan ururada Bulshada rayidka ah ayaa iyaguna dhinacooda ka sheegay in subaxnimada tallaadada lagu balansan yahay in la isku yimaado iridka Hotel Saxafi halkaasoo laga bilaabi doono ololaha koowaad ee isbaaro qaadista Muqdisho iyo nawaaxigeeda, kulankan ayaa waxaa ka maqnaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cumar Finish iyo Wasiirka Howlaha Guud Cusmaan Caato.

 

 

 

Cali Muxiyadiin Cali

 

AllPuntland, Muqdisho

 

 

 

 

Powered by AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this