Sign in to follow this  
Gabbal

Xaaji Cadani The division existed even during ICU times

Recommended Posts

Gabbal   

Of course the knowledge of the general alliance of convenience between Al Shabaab and the Sharif Shiekh Axmed wing is not new, but the individual divisions even between Shiekh Aweys and Sharif Shiekh Axmed is.

 

An interesting quote from Xaaji Cadaani says "there existed in the beginning of the ICU movement some moments where even Shiekh Aweys and Sharif Shiekh Axmed had to be separated".

 

Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo sheegay in Xiisadda Colaadeed ee ka dhex taagan Xoogagga Muqaawamada ay soo bilaabatay Xiligii Maxkamadaha Islaamka ee 2006

 

Khamiis, May 07, 2009(HOL): Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo si weyn dhinaca dhaqaalaha uga taageeri jiray Maxkamadihii Islaamka ayaa wuxuu ka hadlay xiisadaha colaadeed ee ka dhex oogan Xoogaggii ka wada tirsanaa Midowgii Maxkamadaha Islaamka.

 

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda HornAfrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in xiisadda colaadeed iyo sida uu u yiri kala shaki u dhaxeeya labada dhinac uu soo bilowday xiligii Maxkamadaha Islaamka ay bilowga ahaayeen.

 

Wuxuu sheegay in xitaa Madaxdii Maxkamadaha ugu sarreysay oo kala ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shiikh Xasan Daahir Aweys ay mar is-qabteen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu xiligaas ku dhashay shaki ah in ay dhinacyadii Maxkamadaha ka wada tirsanaa ay iska hor-yimaadaan.

 

Dhinacyada ay xiisadda colaadeed ugu dhaxeyso Magaalada Muqdisho ayuu ugu baaqay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan in ay joojiyaan dirirta iyo is-ugaarsiga uga dhaxeeya, “Qofka marka uu Sheydaan lagdayo ma garan karo waxa uu sameynayo. Waxaan alle ka baryayaa in uu i oofsado iyadoo uusan Sheydaan I lagdin”ayuu yiri Xaaji Abuukar Cumar Caddaan.

 

Dhanka kalena, Xaaji Abuukar Cumar Caddaan waxaa uu sheegay in uu kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, sidoo kalena uu la ballansan yahay Shiikh Xasan Daahir Aweys, “Shariifka waan wada kulannay, waxaana ku iri haddii xal uu ku jiro kursiga aad ku fadhido maka degeysaa, wuxuuna ii sheegay in uu ka degayo haddii sidaas xal lagu helayo. Shiikh Xasan Daahir markii uu yimid Muqdisho Taleefoon ayaan isku salaannay, haddana waan ballansannay, isna waxaan rajeynayaa in aan is-afgaran doonno”ayuu yiri Xaaji Abuukar Cumar Caddaan.

 

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa wuxuu ka mid ahaa taageerayaashii Maxkamadaha Islaamka, waxaana taageeradaas darteed mar loogu xiray dalka Kenya, inkastoo maxkamad la soo taagay ay ku weysay wax dembi ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Does it really matter..there's always division between this diiq and that diiq, this dooro and that dooro..It means nothing at the end day and no more different than the ones that came before them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this