Gabbal Posted May 8, 2009 Of course the knowledge of the general alliance of convenience between Al Shabaab and the Sharif Shiekh Axmed wing is not new, but the individual divisions even between Shiekh Aweys and Sharif Shiekh Axmed is. An interesting quote from Xaaji Cadaani says "there existed in the beginning of the ICU movement some moments where even Shiekh Aweys and Sharif Shiekh Axmed had to be separated". Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo sheegay in Xiisadda Colaadeed ee ka dhex taagan Xoogagga Muqaawamada ay soo bilaabatay Xiligii Maxkamadaha Islaamka ee 2006 Khamiis, May 07, 2009(HOL): Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo si weyn dhinaca dhaqaalaha uga taageeri jiray Maxkamadihii Islaamka ayaa wuxuu ka hadlay xiisadaha colaadeed ee ka dhex oogan Xoogaggii ka wada tirsanaa Midowgii Maxkamadaha Islaamka. Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda HornAfrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in xiisadda colaadeed iyo sida uu u yiri kala shaki u dhaxeeya labada dhinac uu soo bilowday xiligii Maxkamadaha Islaamka ay bilowga ahaayeen. Wuxuu sheegay in xitaa Madaxdii Maxkamadaha ugu sarreysay oo kala ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shiikh Xasan Daahir Aweys ay mar is-qabteen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu xiligaas ku dhashay shaki ah in ay dhinacyadii Maxkamadaha ka wada tirsanaa ay iska hor-yimaadaan. Dhinacyada ay xiisadda colaadeed ugu dhaxeyso Magaalada Muqdisho ayuu ugu baaqay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan in ay joojiyaan dirirta iyo is-ugaarsiga uga dhaxeeya, “Qofka marka uu Sheydaan lagdayo ma garan karo waxa uu sameynayo. Waxaan alle ka baryayaa in uu i oofsado iyadoo uusan Sheydaan I lagdin”ayuu yiri Xaaji Abuukar Cumar Caddaan. Dhanka kalena, Xaaji Abuukar Cumar Caddaan waxaa uu sheegay in uu kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, sidoo kalena uu la ballansan yahay Shiikh Xasan Daahir Aweys, “Shariifka waan wada kulannay, waxaana ku iri haddii xal uu ku jiro kursiga aad ku fadhido maka degeysaa, wuxuuna ii sheegay in uu ka degayo haddii sidaas xal lagu helayo. Shiikh Xasan Daahir markii uu yimid Muqdisho Taleefoon ayaan isku salaannay, haddana waan ballansannay, isna waxaan rajeynayaa in aan is-afgaran doonno”ayuu yiri Xaaji Abuukar Cumar Caddaan. Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa wuxuu ka mid ahaa taageerayaashii Maxkamadaha Islaamka, waxaana taageeradaas darteed mar loogu xiray dalka Kenya, inkastoo maxkamad la soo taagay ay ku weysay wax dembi ah. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 8, 2009 Does it really matter..there's always division between this diiq and that diiq, this dooro and that dooro..It means nothing at the end day and no more different than the ones that came before them. Quote Share this post Link to post Share on other sites