Emperor Posted September 3, 2007 Galinsoor: Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo furay Wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Galguduud. 3. september 2007 Galinsoor(AllPuntland)- Ciidamada dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ee gobalada Dhexe ayaa ku guuleystay furidda wadada isku xirta gobalka Galguduud iyo gobalka Mudug. Ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya waxgaradka Magaalada Gaalkacyo ayaa ku guuleystay in ay howlgallo burcad sifeyn ah ka sameeyaan wadooyinka isku xira labada gobal ee Mudug iyo Galguduud. Taliyaha tababarada ciidamada dowlada Soomaaliya Col. Xasan Muuse Samatar oo jooga degmada Galinsoor ee gobalka Mudug ayaa AllPuntland usheegay in ay qabteen kooxo ka mid ah kooxihii wadada xirtay isla markaana sharciga la horkeenayo. Taliyahan ayaa sheegay in howlgalladan ay wadayaan ilaa inta ay ka sugayaan amaanka wadada isku xirta magaalada Gaalkacyo iyo gobalka Galguduud oo uu sheegay in meelo ka mid ah dagen yihiin Haraadigii Maxkamadihii awoodooda la wiiqay dhamaadkii hal hore. Taliyaha tababarada ciidamada dowlada Soomaaliya Col. Xasan Muuse Samatar ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay wadayaan howlgalladan noocaan oo kale ah isla markaana uu xil ka saaran yahay amaanka gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya ayna sugayaan. Wadada isku xirta gobalada dhexe ee Soomaaliya ,gaar ahaan gobalada Mudug iyo Galguduud ayaa xanibneyd mudo dhan 7 Maalmood ayadoo uxirnayd kooxo Burcad ,balse ugu danbeyntii ciidamada dowlada Soomaaliya halkaasi ka saareen. Xiliyada habeenkii ah ayaa wadada dheer isku xira labadan gobal waxaa roondooyin ka sameeya ciidamada DFKMGS waxa ayna ku raadinayaan kooxo habeenkii gaadiidka safarkaa baarta. Talaabadan ay qaadeen ciidamadu waxaa saaka laga dareemayaa suuqyada magaalooyinka Gaalkacyo iyo waliba Cadaado ayadoo Gaalkacyo ay soo gaareen Baabuurtii keeni jirtay Khudaarta halka ay tageen Cadaado dadkii ka tagay magaalada Gaalkacyo. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites