Jacaylbaro Posted July 24, 2008 Hargeysa (Somalilandnation)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta soo saaray Digreeto Lagu Dhaqan gelinayo Xilliga la bilaabayo Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha. Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada , ayaa u qornaa sedan: “Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta soo saaray Digreeto Lagu Dhaqan gelinayo Xilliga la bilaabayo Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha. Madaxweynuhu , markuu arkay qodobka 90-aad ee dastuurka , markuu arkay qodobka 14-aad , farqadiisa Koowaad ee xeerka doorashooyinka Golayaasha Deegaanada iyo Madaxtooyada Xeer Lr:20/2001, markuu arkay qodobka 12-aad farqadiisa 6-aad ee xeerka diiwaan gelinta codbixiyayaasha xeer Lr. 37/22007, markuu tix geliyay soo jeedinta gudida doorashooyinka Qaranka ee wakhtiga diiwaan gelinta doorashooyinka. Wuxuu soo saaray Digreeto lagu dhaqan gelinayo Xilliga la bilaabayo diiwaan gelinta codbixiyayaasha oo noqonaysa maalin Salaasa ah bishuna tahay October 14,2008” Quote Share this post Link to post Share on other sites