General Duke Posted June 17, 2007 RW Geedi oo maanta xarigga ka jaray ilaa 8 wasaaradood Mogadoshu 17, June.07 ( Sh.M.Network) Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia, Cali Max'ed Geedi ayaa maanta xarigga ka jaray ugu yaraan 8 wasaaradood oo ka howl-bilaabaya maanta magaalada Muqdisho. Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia, Prof. Cali Max'ed Geedi Munaasabad aad u balaaran oo ay isugu yimaadeen inta badan golaha wasiirada dowladda KMG ah ee ku sugan Muqdisho uuna ka soo qeybgalay Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia Cali Max'ed Ghedi oo ka dhacday maanta magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu furey wasaaradaha kala ah:- 1. Wasaaradda Beeraha. 2. Wasaaradda Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda. 3. Wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta. 4. Wasaaradda xanaanada xoolaha 5. Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta. 6. wasaaradda Macdanta iyo biyaha. 7. Wasaaradda hidaha sare iyo Tacliinta. 8. Wasaaradda Deegaanka. Munaasabaddii lagu furey wasaaradahaasi ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Ra'isulwasaaraha Somalia, Cali Max'ed Geedi iyo wasiirada hogaaminaya wasaaradahaasi, iyadoo RW Geedi uu ku adkeeyay wasaaradahaasi in ay gutaan waajibaadkooda. Wasaaradaha Hidaha Sare iyo Tacliinta iyo wasaaradda deegaanka ayaa waxaa xafiis looga furey xaruntii wasaaradda warfaafinta halkaasi oo si toos ah ay ugu shaqeynayaan. Inkastoo aysan aheyn markii ugu horreysay oo laga furo Muqdisho xafiisyo wasaaradeed ayaa hadana wasaaradahaan waxa ay noqonayaan kuwii ugu horreeyay oo si wada jir ah ay furitaankooda dowladda ugu dhawaaqdo. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 17, 2007 Wasaaraddii Boosta iyo is gaarsiinta oo maanta dib loo furay (WYNET)Muqdisho:-Waxaa maant dib loo furay wasaraddii boosta iyo gaarsiinta ee magaalada Muqdisho. Munaasibad si heersare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday dhimihii hore ee wasaaraddii boosta iyo isgaarsta (WBI) ee magaalada Muqdisho oo iyada bur bur xoogani ka soo gaaray dagaaladii sokeeye. Munaasabadaan oo uu ka soo qayb galay wasiirka wasaarada boosta iyo isgaarsiinta Cabdi Max’ed Tarax oo sheegay sheegay sida loogu baahan yahay in si weyn wax looga qabto isgaarsiinta Soomaalida dayac tirna lagu sameeyo dhismaha wasaarada. Mar uu ka hadlayey isgaarsiinta Soomaaliya iyo hadda halka ay taagan tahay ayuu sheegay in Soomaaliya xagga Isgaarsiinta meel heersare ah kaga jirto marka loo eego Africa taasi ay ku timid dadaalka dadka ganacsatda Soomaalida, waxaanu hay’adaha is gaarsiinta ka codsaday inay qayb qaataan dhismaha wasaarada. Dhinaca kale masuuliyiin ka socotay Shirkada Telcom Soomaaliya oo munaasibadaan ka soo qayb galay ayaa sheegay inay ka qayb qadan doonaan dayac tirka wasaaradda. Xarunta wararka Waayaha.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 17, 2007 Ra`isul wasaare Geedi Oo Maanta Xariga Ka Jaray Dhowr Wasaaradood. Posted to the MOL June 17, 2007, 12:14 pm Maanta ayaa Raysal wasaaraha dowladda fadaraalka soomaaliya Cali Maxamed Geedi ka qeybgalay xaflad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyey taasoo xariga looga jarayey wasaaradaha kala ah Kalluumeysiga, Dalxiiska, Macdanta iyo biyaha, Xanaanada iyo Xoolaha, Howlaha guud iyo Beeraha. "Xaafiisyada wasaaradahaani wixii ka dambeeya waqtigaan waa mid furan oo shaqeynayaa ilaa amar dambe sidaana waxaa Yiri Pro:Cali Maxamed Geeddi" Wasiirrada Wasaaradahan maanta xariga laga jaray qaarkood oo kala ah Cali Maxamed Maxamuud Cali Xareed wasiirka Dalxiiska, Maxamed Nuuraani Bakar Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Cabdalla Boos Axmed Wasiirudowlaha Howlaha Guud iyo Guryeynta, oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in shaqadooda ay si rasmi ah uga billaabaan magaalada Muqdisho. Dhamaan goobahaan ayaa waxa ay yihiin kuwa hal meel kuwada yaala gaar ahaan agagaarka dhismaha ninka lagu magacaabo Jirse Xuseen ee xaafada shangaani ka soo horjeeda xaruntii xaawo taako ee Magaalada Muqdisho. Waxaa wararki intaasi ay raacinayaan in furitaanka Xafisyada Wasaaradahaan ee maanta markii ugu hoersay si wadajir looga hirgaliyey la sheegay in ay maalgaliyeen Hay’addaha qaramada Midoobay. Cismaan Xasan Cali(Fantastic) Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 17, 2007 MUQDISHO: Dowladda Somalia iyo mid ka mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta oo iska kaashanaya dayactirka Wasaaraddii Boostada iyo Isgaarsiinta (Daawo Sawirrada) Posted to the Web Jun 17, 15:54 Muqdisho (PP) - Dowladda Federaalka Soomaalyia ayaa waxay ku dhawaaqday inay dayactir ku sameynayso wasaaraddii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta, oo uu ka muuqdo burbur xooggan ka muuqdo. Dayactirka wasaaradii hore ee boostada iyo isgaarsiinta ayaa waxaa iska kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Isgaarsiinta ee Telsom (Ex-Olympic) oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiineed ee dalka ka jira, waxaana dayactirka lacagta ku baxaysa inta badan bixin doona Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom (Ex-Olympic). Munaasabad lagu maamuusayay dayactirka wasaaraddii hore ee Boostada iyo Isgaasiinta ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin fara badan oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas'uuliyiin kale oo ka socda Shirkadda dayactiraysa Wasaaradda ee Telcom Somalia. Mudane Cabdi Maxamed Tarrax oo ah wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in howsha lagu dayactirayo wasaaradda ay tahay mid u dhexeysa Shacabka Soomaaliyeed oo dhan maadaama uu sheegay inay gacmahooda ku burburiyeen ayna tahay inay dib u dhisaan iyaga. Wasiirku wuxuu sheegay in shirkadda Telsom ay tahay shir muujinaysa inay dalka wax ka qabato, waxaana uu sheegay inay tahay shirkad ku dayosho mudan, isagoo u rajeeyay shirkadda horumar iyo shaqo wanaagsan. C/llaahi Sheekh Qorraxeey oo ah madaxda shirkadda Telcom oo isagana dhankiisa ka hadlay howsha dayactirka iyo qaabka ay ula muuqato ayaa sheegay in shirkadiisu ay kaalinta ugu horreysa ka qaadanayso howsha dib loogu dhisayo dalka ayna tahay taas mid ka go'an. Mudane Qorraxeey wuxuu sheegay in shirkadda Telcom ay tahay shirkaddii ugu horeysay ee dalka keenta isgaarsiin casri ah oo faseex ah, ayna tahay shirkaddii ugu horreyaysan ee Isgaarsiineed oo dalka laga furo kaddib burburkii dowladdii hore ee Soomaaliya, ayna ku tallaabsatay guulo la taaban karo. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites