Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SSC Militia Attack Oog

Recommended Posts

War deg deg ah:Oog weerar ay ku soo qaadeen Kooxda Nabad diidka SSC oo ay ku dileen Laba askari kuna qafaasheen Saddex Kale..

posted by: Webmaster

 

Oog (ToggaHerer)

 

War hadda na soo gaadhaya ayaa waxa uu sheegayaa in Kooxda Nabad diidka SSC ay xalay weerar ku qaadeen magaaladda Oog ee Gobolka Sool oo ah taliska xarunta gobolada Barri ee ciidanka Qaranka Somaliland.

 

Dagaalkaa xalay ka dhacay magaalada Oog ayaa sida wararku xaqiijinayaan waxaa dhintay laba askari oo ka tirsan ciidanka qaranka , waxaana sida la xaqiijinayo ay ku afduubteen kooxda nabad diidku saddex askari oo ka mid ah askartii ku sugnayd Oog.

 

Dhanka ka kale lama sheegin wax khasaare ah oo soo gaadhay kooxda Nabadiid ka .

 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa seehagaya in weerarkan ay uga dan lahaayeen in ay ku furtaan kooxda nabad diidku maxaabiis hore looga qabsaday ciidamadadooda dagaal hore uga dhacay magaalada Widhwidh.

 

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idinla socod siin doonaa Inshaa Allah ishana ku hay shabakada ToggaHerer

Share this post


Link to post
Share on other sites

The new goverment need to step up their game and take measures against the nabbaddiids with their shoot and run tactics. There is no need to wait any Longer, a large military offensive in the hawd buhoodle region will bring good results and smoke the rebbels out of the territory of somaliland once and for all

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faysal Cali Waraabe: Jihaad Baan Ku Qaadaynaa Buuhodle

 

NewsWarar isa soo taraya ayaa sheegaya in aad looga wel welsan yahay SSC oo baryahanba aan laga seexan dhinac Hargaysa oo ah xarunta Maamulka SNM ka dib ciidan qoristii ka socotay Buuhodle iyo deegamada SSC. Faysal Cali Waraabe oo Qaxooti Ku ahaa Finland mar walbana ku laabta caasimada Helisinki markay ku dhacdo dhaqaalo xumo ba'an iyo Busaaradi...... ...

 

Faysal Cali Waraabe oo ka muuqato nebcaasho uu qabo deeganada SSC ayaa qayladhaan ba'an kamuujiyey ..''Walalyaal waxaa socda dhaq dhaqaaqa Ciidamada SSC Jabhadbaa inagu samaysantay waana sii xoogaysanaysaan waxay modeen in aynu daciifnay (SNM) oo aan SNM cidi ka noolayn, yaa walalayaal''

 

Wax cusub ma ahan Aflagaadada iyo Dhac Dhaca Ina Waraabe??

 

Faysal oo ah nin aad loogu yaqaano aflagaadada iyo dhac dhaca ayaa Xafladaas si aad uga qayliyay isagoo ka hadlayey xaalada deeganada SSC iyo maanta, faisal Cali Waraabe wuxuu carabka ku dhuftay in ay SSC marayso meel aan loo dul qaadan karin, ayna samaysteen Ciidamo ku lebisan Darajadii Dowladii Dhexe ''Illaahay Ha U Naxariistee ''Maxamed Siyaad Barre''...

 

Maxaa Ka Nixiyay Faysal Cali Waraabe?? SSC way isku qaylo dhaan dirsadeen??

 

Faysal Cali Waraabe oo arintaasi ka hadlaya ayaa hadalkisii sidan u dhigay “Talaabada Naxdinta lehi waxa weeyaan habeen hore waad daawanayseen Tv-ga Universal Jabhad baa inagu abuurantay oo darajadii Ilaahay Ha u naxariistii Siyaad Bare sidata, waxa ay moodeen inaynu diciif nahay, (walalayaal SNM wali waa nooshahay). Tan waxaa ka sii daran oo iyaduna walwal leh way sii xoogaysteen oo way isku qaylo dhaan dirsadeen, kii Xamar joogay, Kii Joogay Boosaaso.

 

Horgalada Inala Jooga ee HODHEELADA Hargaysa Ku RAAXAYSTA waa inay si deg deg ah ugu amabaxaan deegankooda?

 

Walaalayaal ''Beelaha SSC way ka tirsan yihiin Wasiirada, Guurtida iyo Baarlamaanka waana kuwa ugu firfircoon ee siyaasadeena guddaha aad uga ciyaara, waxa weeyaan inay ka hawl galaan weyaan, inay Hargeysa fadhiyaan maaha, waxa weeyi siddii aanu uga hawlgali jiray, Anuu waan ka hawlgalay markii Beeshaydu baxday, waa inay ka hawlgalaan maaha halkan inay anaga nagu tilmaamaan maafiyadii Colombia oo kale, Colombia ma nihine waa in aad ka hawlgashaan deegaankaaga.

 

Walaalayaal Reer Buhoodle waxa aan leeyahay haka dhigina dhulkiina meel lagu uruuriyo Ciidamada SSC kuna lida ah SNM.

 

Walaalyaal waxaan leeyahay nimankaa ka yimid Dibeda ee Qaxootigii ka yimid ee ka nabadgalay dagaalkii Sokeeye ee ka dhacay Muqdisho, ilaahay inay ugu mahad naqaan bay ahayd ee may ahayn inay guryahoodii gubaan oo taasi ma haboona, waxaan leenahay halaga hawlgalo ha la digtoonaado ayaan leenahay..

 

Maxamed Siyaad Faarax-(Kabaweyne) Hargaysa (Wariye Madaxbanaan) Radio WidhWidh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oog (ToggaHerer) - War hadda na soo gaadhaya ayaa waxa uu sheegayaa in SSC ay xalay weerar ku qaadeen magaaladda Oog ee Gobolka Sool oo ah taliska xarunta gobolada Barri ee ciidanka Qaranka Somaliland.

 

Dagaalkaa xalay ka dhacay magaalada Oog ayaa sida wararku xaqiijinayaan waxaa dhintay hal askari oo ka tirsan ciidanka qaranka kana soo jeeda deegaanka Hargaysa , sidoo kalena waxaa ku dhawacmay hal askari , waxaana sida la xaqiijinayo ay ku afduubteen kooxdani hal askari oo ka mid ah askartii ku sugnayd Oog iyo hal nin oo shacab ah oo isagu ag maraayey kontrolka kuna caraabayey gurigiisii nin oo la sheegay in uu ka soo jeedo deegaankan uu ka dhacay qasku .

 

Weerarkan ayaa Kooxda SSC ay ku soo galeen magaalada Oog Si gaadno ah iyaga oo ka soo galay dhinaca wadada ka timaada Yeyle taas oo keentay in askartii ilaalinta amaanka ee ku sugnaa bar kaantarol oo lagu eego ama lagu baadho gawaadhida isaga gooshta degaankaasi kuna yaala dhinaca wadada u baxda Laascaadoon , kadib markii ay soo gaadheen Kooxdaasi bartaa kontrol ayey rasaas ku fureen ciidamadii ku sugnaa goobtaasi taas oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca iyo waliba labadan nin ee ay qafaasheen sidana waxaa warqabadka Togaherer xaqiiyey Md Maxamd Aadan oo ka soo jeeda Deegaankaasi Oog.

 

Sida wararku sheegaya Taliska ciidanka oo ka baxsan magaalada ayaa markii ay ******** shilkan gaadmada ah ayaa ay ka daba ruqaansadeen kooxdii soo weerartay bartan kantoolk ee ku taalay magaalada dhinaceeda taas oo la sheegay in kooxda oo wadatay laba baabuur oo uu mid ku dhacay inta u dhaxaysa Oog iyo Yeylehalkaas oo ay ku qaadeen dhaawac iyo khasare wixii naf ka soo gaadhay .

 

Sidoo kale Ciidmada Qaranka ee ku sugan Jiida hore ayaa la sheegay in ay xidheen dhamaan jiida ay ku sii jeedeen kooxdaas taas oo la sheegay in ay ciidamda qaranku geeso badan kaga soo baxeen sida Widhwidh , Laascaanood, Qorilugud, taas oo la filayo in dhawaan war cusubi inaga soo gaadhi doona iyo iyaga oo soo qab qabtay kooxdii falkan geesatay.

 

Geesta kale Wararka ayaa sheegaya in weerarkan ay uga dan lahaayeen in ay ku furtaan maxaabiis hore looga qabsaday ciidamadadooda dagaal hore uga dhacay magaalada Widhwidh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SSC oo Sheegtay in ay Weerartay Fariisimo ay Lahaayeen Ciidanka Somaliland

 

September 29, 20102 comments| leave your own!

Share Ururka SSC ayaa sheegay in ay weeraro ku qaadeen fariisimo ay Ciidanka Maamulka Somaliland ku lahaayeen qaybo kamid ah gobolka Sool oo ay maamulka Somaliland gacanta ku hayso qayb kamid ah.

 

Xogheyaha difaaca ee SSC Col.Yaasin Cali Cabdulle Tamaad oo u waramaayay maanta Horseed Media ayaa sheegay in Ciidankooda ay weerareen fariisimo ay leeyihin Ciidanka Somaliland ayna dileen labo kamid ah askarta Somaliland ayna qabteen saddex askari oo kale oo maxaabiis ahaan u haystaan.

 

Wuxuu intaas ku daray in howlgalkaan qayb ka yahay mid ay ku doonayaan in ay maamulka Somaliland kala wareegaan gobolka Sool.

 

Col.Tamaad ayaa sheegin in wax khasaaro ah ay soo gaartay Ciidanka SSC ee weerarka qaaday iyo goobta uu weerarka ka dhacay.

 

Dhowaan ayay ahayd markii Saraakiisha SSC ay sheegeen in tababar usoo gaba gabeyeen cutub kamid ah ciidamadooda.

 

Weli ma jirto ilaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo yeeray maamulka Somaliland oo ku aadan arintaan.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

No, in this particular case, it is....

 

Marfashyada Nabadaa ka macaan. :D

 

But on a serious note, it is about time that the SSC forces begun fumigating those cockroaches out of their marfashyo. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Amxaaro iyo Alshabaab ama ugaandhis iyo yuhuudu hadayna lugta la soo gelin geed hoosti ayaa lagu dhamayn karaa.

 

Nabadu waa caafimaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Who is the nabbaddiids in this context? Alle ha u naxariisto intii dhimatay. Bloodshed in this matter is unnecessary but ssc is forced to do so. If s/l wants peace, it should leave the homes of others alone. It sought for recognition and it isn't visible in the horizon so pack your stuff and leave other people's towns.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this