Suldaanka Posted December 16, 2004 JAMHUURIYA OO WARAYSI KHAAS AH LA YEELATAY RA'IISAL WASAARAHA XUKUUMADDA IMBIGAATI EE SOMALIYA Nayroobi (Jam)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Imbigaati ee Soomaaliya, Mr. Cali Maxamed Geeddi, ayaa 11kii December 2004, Magaalada Naivasha oo 140 Km Galbeed ka xigta Nayroobi waxa waraysi kula yeeshay Tifaftiraha sare ee Jamhuuriya, Mr. Xasan Siciid Yuusuf oo socdaal hawleed ku tegay dalka Kenya. Waraysigan oo dhacay ka hor intii aan Baarlamaanka Imbigaati ee Soomaaliya ridin Xukuumaddiisii uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, waxa uu u dhacay sidan: S: Sidee u aragtaa Dowladdiinu wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya dhexmara? J: Aad ayaad u mahadsan tahay, joornaalka Jamhuuriya aad ayaanu isu naqaanaa, waanan salaamayaa, hambalyana waan u dirayaa asxaabta ka shaqaysa. Su’aashaada marka aan u soo noqdo, xukuumadayadu weli ma helin kalsoondiii Baarlamaaka oo waxaan geynayaa toddobaadka soo socda (toddobaadkan), haseyeeshee marka ay ku guulaysato arrinta iyada ah (ansixinta Xukuumaddiisa) sidii aanu horeba dhowr jeer uga dhawaajinay Madaxweynaha Cabdillaahi Yuusuf iyo aniguba (ra’iisal Wasaare Geeddi), waanu u hambalyaynaynaa Maamulka Somaliland degenaanshaha, nabadgelyada iyo xasiloonida ay dalkooda kumaamulaan iyo Guulaha ay gaadhaan, annaguna (Dawladda Cabdillaahi Yuusuf) marka aanu dalka (Soomaaliya) dejino waxa aanu dhowr jeer ku celcelinay in aanu wada hadal la bilaabi doono (Somaliland) wadahadalkaasi maa aha mid ajendihiisa annagu aanu wadano, waa mid labada dhinac (Somaliland iyo Soomaaliya) ka iman doona, wakhtigan xaadirka ahna wadahadalka diyaar uma ihi in aan ka jawaabo oo waa deg-deg, balse, waxa aanu rajeynayaa in uu noqdo wadahadalkaasi mid ay ku diirsadaan dadka Soomaalida ah, wax aanu qarinaynaa ma jiro oo hore ayaanu u sheegnay oo si nabadgelyo ah iyo si wallaaltinimo ah in aanu u wada hadalno, markaa waxaan rajeynayaa mustabqalka geedi-socodkeena in aanu sheegi doono waxa ay nala tahay. S: Shacbiga iyo Dowladda Somaliland, intiiba waxay jawaab u la’ yihiin Dowladda Federaalka ah ee lagu sameeyey Imbigaati, Kenya, federaalkii Siyaasiyan ahaan waxa uu noqon doono ma Puntland, Somaliland, Banaadirland, Jubaland, iyo Bayland, baa, nidaamkii caynkaas ahaa ee gobolada ahaa mise waxa uu noqon doonaa sida Siyaasadiina ku cad Somalilnad iyo Soomaaliyada Koonfur labada gobol oo keliya bal, sida aad u aragtaa Siyaasiyin maxaad adigu odhan lahayd? J: Federaalka sida aad adigu (tifaftiraha Guud ee Jamhuuriya) iigu sheegayso ee Land-land, annaga kuma yaallo Jaartarkayaga, jaartarkayaga waxa ku yaalla in lagu dhaqmi doono nidaam federal ah, sida uu noqon doono iyo qeexidiisa iyo qaabkiisana Xukuumadayada ku meel gaadhka ah ayaa ka shaqayn doonta, welina arrintaasi ma bilaaban. S: suurtagal ma noqon kartaa in labo dawladood oo aan is aqoonsan oo is ictiraafsanayn oo Somaliland iyo Soomaaliya layidhaahdo in ay abuurmi karto? J: Arrintaas in laga hor-dego anigu ma qabo, wakhtigeeda ayay qeexmi doontaa annaguna (Dawladda Soomaaliya loogu dhisay Imbigaati), ka hadli doonaa. S: Waxa Beesha Caalamku ku dhawaaqday Somaliland goonideeda in kaalmooyinka Caalamiga ah wixii ay sed u lahaan jirtay in gooni loo siiyo oo aan waxba lagaga darin Soomaaliya inta laga wada hadlayo dhibaatooyinka jira, arrintaa sidee u aragtaan, ma in kaalmadii Soomaaliya oo dhan haddii aad heshaan dawladnimo rasmi ah in aad maca Somaliland waxeedii intaad u qaadaan u qaybisaan, mise in ay sidaa ahaato oo aad waafaqsan tihiin Beesha Caalamka in gooni loo siiyo Somaliland kaalmadii ay Caalamka ka heli jirtay? J: Maamulka iyo shacbiga Somaliland waxa aan aaminsanahay in ay xuquuqdoda leeyihiin kaalmada Caalamiga ahna ay muddo dheerba iyagu haysteen, iyada oo aan Soomaaliyada kale xataa wax saas ah la siinin, markaa ma aaminsani in ay xuquuqdooda waayi doonaan, insha allah. S: Shacbiga reer Somaliland oo dareen xun oo adag ka qaba, metalan dawladda halkan (Kenya) ka dhalatay in ay tahay dawlad iyaga boobaysa ama midnimadii Somaliweyn xoogugu khasbaysa, arrimaha noocaas ahi jiraan, farriinta aad u diri lahayd shacbiga Somaliland maanta maxay tahya? J: Shacbiga Somaliland waxaan horta u rajeynayaa in ay ku waaraan guusha iyo degenaansha ay haystaan, midda labaad waa in aanay wallaalahooda u arkin colaad iyo cadow ee ay u arkaan wallaalahood la jecel uguna hanbalyeynaya manaafacadka ay haystaan iyo nabadgelyada iyo xasiloonida, mana filayo anigu waxaan nabad iyo diblomaaasiyadi ku jirin in aanu ku wada dhami doono. S: Dugsiga Sheekh oo intii aanad Ra’iisal wasaaraha noqon aad hawshsiisa haysay, waa tii halkan (Kenya) dhowaan qaadhaanka lacageed looga ururinayay, adiguna ka hadashay, dugsigaas oo loogu talogalay in uu dugsi caafimaad oo xoolaha ah oo Gobolka ah noqdo, arrinta dhismihiisa maxaad ka odhan lahayd? J: Dugsiga Cilmiga Xoolaha ee Sheekh ee ku yaalla Somaliland oo ah dugsi goboleed oo lagu baran doono Cilmiga Xannaanada Xoolaha, gaar ahaan Caafimaadka Xoolaha horta aas-aaskiisa in aan dugsiga wax ku lahaa raggii u soo halgamay ayaan ka mid ahaa, guddidiisa fulinta ayaan ku jiray, maalin dhowaydna shirkii Nayroobi ku lahaayeen waa anigii booqahsada ugu tegay, muxibo iskuukla aan u qabo iyo aniga oo jecel in uu hirgalo, shirkaa ayaana ka ballanqaaday wax allaala wixii taageero Siyaasadeed iyomid dhaqaale in aan Caalamka kala doono, irid kastana u garaaco sidii uu u hirgeli lahaa dugsigaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted December 16, 2004 Professor Geeddi, as I learned, was a long time resident of Hargeisa city. Geeddi was present in Somaliland during the presidential and local elections and has fairly excellent knowledge about the democratisation and the seriousness of the Somaliland people to be a nation of their own. In that light, Geeddi seems to be an excellent man to have in the opposite side of the negotiations roundtable between Somaliland and Somalia, if there ever be such an event. Personally, I commend the old man (Abdilaahi Yusuf) for sticking with Geeddi, as he seems to be an honest man for the job with clean background. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MR ORGILAQE Posted December 16, 2004 Positive stuff.Inshallah it will take form and succeed Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 16, 2004 Now what a good chap our Prime minister Geedi is, wonderful stuff.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nationalist Posted December 16, 2004 It seems Abdullahi Yusuf indeed made the right choice for the prime minister position. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted December 17, 2004 RA'IISAL WASAARAHA XUKUUMADDA IMBIGAATI EE SOMALIYA Classic walahi, love how they added that in Quote Share this post Link to post Share on other sites