Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Bugland Needs Your Help - Someone should Pay the Bills

Recommended Posts

Waxaa laga jaray aqalka Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntand ee Somalia korontadii iyo biyihii ay isticmaalyeen kadib markii shirkadaha bixiya adeegyada noocan ahi ay soo dalaceen kharash aad ufara badan kaas oo ay usoo gudbiyeen Baarlamaanka Puntland ayna waxba ka qaban waayeen muddo dheer sida uu sheegy mid kamid ah mulkiilayaasha Shirkadaha oo saxaafada u waramayay.

 

Waxaana uu intaasi ku daray in Korontadii iyo Biyihii ay isticmaalyeen Xubnaha Baarlamaaku ay shirkado ahaan la' yihiin ilaa hadda meel ay uracaan isagoo ku tilmaamy in aysan jirin wax dhaqaalo ah oo maamulka Puntland hadda meel uyaal sidoo kalena wixii soo xarooda lagu kal goosto goobaha ay kasoo galaan iyagoon soo gaadhin khasnadaha Dawlada.

 

Waxaa saaka gabi ahaanba go'naa microphone-da ay isticmaalaan xubahana Baarlamaanka Puntland ee ku shaqayn jiray korontada sidoo kalena waxaa go'naa biyihii arintan ayaa waxa ay ku tilmaameen qaar kamid ah xildhibaanada ku sugnaa goobtaasi mid laga xumaado sharaf dhac wayna ku ah xukuumada uu madaxda ka yahay Gen: Cadde Muuse.

 

Arintan ayaa waxa ay kusoo beegantay xilli ay socdeen doodo maalmihii udanbeeyay hadheeyay xildhibaanada Baarlamaanka Puntland kaas oo looga dooday arimaha dhaqaalaha Puntland kuwaas oo ay soo gudbiyaan Gudida dhaqaalaha Puntland kuna saabsan maamul Goboleedka Puntland iyo heerka dhaqaale ee uu marayo.

 

Hadaba Gudidaas ayaa waxaa ku yimi burbur kadib marki Gudoomiyaha gudidaasi uu ku dhawaaqay inay iscasilayaan gudidaasi ayna Baarlamaanku kusoo bedelaan gudi kale kaas oo baddala guddida hadda jirta isagooku tilmaamy inaysan xilkan hayn karin sababo la xidhiidha sharci la'aan ka jirta gudaha Puntland.

 

 

Afnugaal Nes Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

{Garoowe}3-8-08"Xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe ayaa laga jartay Korontadii iyo Biyihii iyadoo xaruntu ay shirar uga socdaan xildhibaannada maamulka Puntland.

 

Makarafoonadii cod baahiyeyaasha ahaa ayaa mar kaliya aamusay, Musqulihiina biyo la’aan awgeed ayay u xidhmeen kadib markii shirkadaha Korontada iyo Biyaha siiya Xarunta Baarlamaanka Puntland ay ku soo dalacdeen qarash aad u fara badan oo muddo lagu lahaa Baarlamaanka.

 

Xildhibaannada Puntland ayaa waxay sheegeen in Koronto la’aan awgeed aysan wax shirar ah yeelan Karin, maadaama is maqal aanu jirin, Cod baahiyeyaashuna Koronto la’aan shaqeyn Karin, sidoo kalena biyo la’aan aan la joogi Karin goobta taasoo bay yiraahdeen hoos u dhigeysa howlaha Baarlamaanka uu wado.

 

Dhinaca kale waxaa shalay xarunta Baarlamaanka ka dhacday dood kulul oo ku saabsaneyd warbixinta guddiga dhaqaalaha oo sanad walba soo gudbiya xaaladda dhaqaale ee Puntland, iyadoo warbixin uu halkaasi ka aqriyay Guddoomiye ku-xigeenka guddigaasi Xildhibaan Axmed Barre uu sheegay in si sharcidarro ah loogu tuntay dhaqaalaha dalka, waxayna guddigaasi dhaliilo u jeediyeen xukuumadda Puntland.

 

Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha ee Baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa ku dhawaaqay in ay iska casileen guddiga dhaqaalaha xilalkii iyo howlihii ay u wadeen Baarlamaanka, wuxuuna codsaday in Baarlamaanka uu u magacaabo howshaasi guddi kale maadaama buu yidhi sidii la doono laga yeelo dhaqaalaha dalka u soo xarooda.

 

Maanta oo lagu waday in xubnaha Baarlamaanka Puntland isugu yimaado kulan kale ayaa la sheegayaa in kulankaasi uu baaqday kadib markii shirkadaha Korontada iyo Biyaha siiya xarunta Baarlamaanka aysan soo fasaxin biyihii iyo Korantadii, isla markaasina aysan jirin cid xidhiidh la samaysay oo kala hadashay qarashaadka ay soo dalacdeen.

 

 

Widhwidh Online News Desk...Media Center :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

i gues when theres money making machines at every house they forgot money will be useless.

 

but what happened to the money from

 

THE MINISTRY OF PIRACY AND NEPTOSISM AND MINISTRY OF HUMAN TRAFFICING AND CORRUPTION

 

surely they had some income ah ofcourse it was all spent on uncle bobs just war and the fight against the evil expanding empire of somaliland and their international terrorist.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this