Nur Posted April 24, 2007 S.O.S. bro Waa runtaa, hadalkaaguna wuxuu waafaqsan yahay aayaddan: Allah wuxuu Quraan ku leeyahay: " Allah ma aheyn mid ku dhaafa muminiinta xaalkey ku sugan yihiin (oo la is ku qasan yahay) ilaa ay kala soocmaan khabeethka (kan xun) iyo Tayibka (kan fiican)." Aal Cimraan Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
S.O.S Posted April 26, 2007 Yaa sh. Nur, Good and evil are two opposites whose contradictions become apparent when they both seek to manifest –in the case of Somalia, the world shall find no harm as log evil prevails, but daring to contradict in favour of the good equals invoking shock and awe bombardments from land, sea or sky, on woman, children, animals, trees, you name it! Allah Almighty did say in His glorious Qur'an "wakaan-al-kaafiru calaa Rabbihii thahiiraa." Therefore it's the nature evil to oppose the good, in fact, their Lord as the above verse indicates. So I ask myself: I know Islam opposes evil, but do we Muslims oppose evil too? For if we indeed did, it would mean more HAQ (i.e. good) manifesting in the world, hence challenging current hegemony of evil in the world, meaning less suffering for Muslims everywhere, etc.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted September 28, 2008 S.O.S bro. Akhii, xaqu cidna kaalmo ugama baahna, dadka ayaa u baahan inay xaqa u hiilliyaan, hseyeeshee, markey dadku doorbidaan baadilka, oy xaqa nacaan, waa nooc cadaab adduunka ah, intaan la gaaring cadaabkii akhiro. Qofkaan xaqa u hiillin, waa qof baadilka ugu hiilliyey oo wax ka qariyey Xaqa ) Wax qariska af carabiga waxaa loo yaqaab KAFARA, af ingiriiskana COVER, labada ereyba wexey ka soo degeen luqad hore oo loo yaqaan Indo-European langauge. Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
S.O.S Posted October 13, 2008 Brother Nur, Nasiibdarro, KAFARA labada qaab ee Qur'aanka ku soo arooray (beeninta Allaah/Islaamka iyo aasittaanka miraha la beerayo) fahan iyo macno-ahaanba wuxuu ku noolyahay luuqadda Carrabiga. Sidaa darteed macnaha kufriga Af-Ingriiska waxaa lagu tarjumaa erayyo aan marka 1aad u'qalmin ka-tarjumaad, marka 2aad-na macno iyo magacyo huwan Masiixiyiintii dhiigyo-cabayaasha ahaa allifsadeen. Kolleyba, Gabaygaan uu tiriyay Cismaan Keeynadiid waagii isticmaarkii ayaad mooddaa in uu maanta aad inoo khuseeyo: Maan- yariyi Soomaali waa, meheraddeediiye Maslaxadeedi garan weydey iyo, marinki toosnaaye Macnahay ku noolan lahayd, maluhu siin waaye Maamuus la’aan lagu waday, moodayaan nolole Miis-xuamada haysa iyo dulligu, waw macaan yahaye Mabsuud weeye baadidoon waxay, mudanhayaan ceebe Muslinnimada sida loo mud-muday, kama masayraane Maqaan-xumada waxa joojey waa, muran dhexdoodaaye Iyagaysu muuqanhayee, moog adduunyada e Murtiday lahaayeen ayeey, magic ku waayeene Muwaafaqo kolkii laga gefaa, mowtigood galaye Anigaa ku miro dhaamayaa, meleg u saarnaaye Macriifa uma yeeshaan wuxuu, baran masaalkoodde Macaamilada aadamigu ku jiro, laga madoobeeye Mardabada addunkiyo cilmigu, umaba muuqdaane Magan bay shisheeye u yihiin, meel la joogaba e Maalin noolba nimanbaa ku fala, waxay ka maagaane Muquuney ahaayeen sidii, maal la leeyahaye Raggii madaxdu ka xumaato waa, marin habaabaaye Kuwii maqaddimada looga dhigay, waa manfaca-raace Mar maxaad cuntaan keliya yuu yahay, maqsuudkoode Nin mushaharo eexeynayaa waa, miskiin dhabahe Muddiic waxa ka dhigay wa inuu, maarmi-waa yahaye Muddaafacana seeg iyo inuu, maya yiraahdaaye Culimadiina damac baa melgoo, mooyi say tahaye Milladdiyo shareecada bar baa, maal ku iibsadaye Marsiis iyo maddiidduu ku dhacay, magane diinkiiye Masala-gaabka iyo ways hayaan, kii mufti ahaaye! Ardadaa mujaadilo la geli, macallinkeediiye Midkii dhawr masalo soo bartaan, maaro loo heline Makastiyo intii caamahay, madax-wareersheene Hadba xaal muraad lagu wataa, layna maqshiine Waa waxaan Minhaajkiyo Tuxfaha, meelna kaga oolle! (Tixraac: Aw Jaamac Cumar Ciise - Maansadii Hore ee Soomaalida II) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted February 8, 2009 Khudbadii Dr. Cumar ka jeediyay Warshada Baastada oo dhameystiran”Ma waxa aan leenahay Xabadii ha la joojiyo, Maxaan ku joojinay? Wadankii miyaan Xoreynay? Cadowgii miyaan ka saarnay?, Ma Shareecadii Islaamkaan ku soo rognay?” By Somalimirror on 7 Feb, 2009 5:52 PM in Main, Wararka Shabakadda Warbaahinta Somalimirror waxay idiin soo gudbinaysaa Insha Allaah Khudbadii uu Maanta ka jeediyay Warshada Baastada Gudoomiyaha Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed Dr. Sheekh Cumar Iimaan Abuu-bakar oo dhameystiran.(Daawo Sawirada) Khudbada Gudoomiyaha ayaa nuxurkeeda waxa uu uga hadlay arimo ay ka mid yihiin:- 1- Xaalada Amaan ee Gobolada Dalka 2- Xasuuqii ay Dhawaan ka geysteen Ciidamada AMISOM Magaalada Muqdisho 3- Dowlada lagu soo dhisay Djibouti 4- Dadka ku Baaqey in uu Dagaalkii uu Dhamaaday 5- Iyo Qorshahooda ay ku dhaqaaqayaan maalmaha soo socda. Mahadcelin ka dib Dr. Cumar ayaa u jeediyay Qaar ka mid Ciidamada Xoogaga ku midoobay Xisbiga Islaamiga oo la iskugu keenay warshada Baastada khudbadiina sidan ayay ahayd:- “Walaalaha Mujaahidiin dhamaantiin waxaan idin leeyahay Assalaamu Calaykum Waraxmatulaah, Salaan ka dib, waxaa farxad weyn ah inaan idin soo hor istaago idinka oo qeyb ka mid ah qeybaha ka jihaada Magaalada Xamar Fursadna ay ii tahay oo aan jeclahay Risaaladaas inaad gaarsiin doontaan raga Walaalihiin ah ee kuwada jira Jabahaadka Meel kasta oo ay joogaan laga soo bilaabo Raaskanbooni illaa aan imaado halka kan ee sidaa u firdhisan Diyaarna u ah Dalkooda iyo Diintooda in ay difaacdaan, walaalayaal waxaan aad iyo aad Mahad u celinayaa Ilaahay SW ee maanta nagu kulmiyay meel ka mid ah goobo aan ognahay Cadowgii Gumeystaha ahaa ee Wadankaan ku soo duuley ee doonayay inuu Dadkiisa iyo Diintiisaba uu la wareego ee uu ilaahay idinkaga dhigay idinka iyo qeybaha kale sabab inuu Cadowgaas Meesha ka baxo, Guulna ay noo tahay maanta Cadowgii inuusan jirin maadaama ay naf nagu jirto inaan u ogolaanin Cid kasta waxay rabto inay nagu fuliso. Marka waxaan leeyahay Maanta Wadanka Soomaaliya sida aad ogtihiin Badidiisu waa xor, qofka Shacabiga ah siduu rabo ayuu u dhex mari karaa, Ciduu rabuuna la kulmi karaa, Shalayna waanu ogayn Tuulooyinka iyo Magaalooyinka Bilooyin kama soo wareegin marka uu cadowga Taako Taako ugu jiray, Marka guushaas ilaahay baa ku Mahad leh, inuu Guushaas na siiyay, Guushaasna ay ku timiday Sababta Dadkaasi Mujaahidiinta ah, ilaahayna uu ku xoreeyay Dalkeenii hadana ay naga go’antahay Dhamaanteen in inta ka dhiman aan is-raacsino Insha Allaahu Tacaalaa, marka waxaan rabaa inaan is-weydiino Maanta Dhibaatada xagay ku hartay?, waanu wada ognahay laga soo bilaabo Dhulka soomaaliyeed Cirifkiisa illaa inta aniga Baabuur baan ku soo maray, Dhibka oo dhan wuxuu isugu soo haray Meesha Gumeysiga iyo Gumeysi raaca uu joogo ayuu iskugu soo haray oo aad ogtihiin Dhibka ka dhacaya Habeen iyo Maalinba oo ay ugu danbeysay Dadkii Dhowr iyo Afartanka ahaa ee sida aadka u qaab daran loo laayay, oo aan aaminsanahay inaysan Dadkaasu u imaanin Maslaxad Soomaaliyeed iyo Dan Soomaaliyeed laakiin waxay qeyb ka yihiin Gumeysiga iyo Danaha uu Soomaaliya ka lahaa inuu Fuliyo, marka waxaan rabaa inaan weydiiyo Dadka Soomaaliyeed Meel kasta oo ay Joogaan, Dad badan oo wax ma kasta ah waxay ku qeylinayaan Dagaalkii Waa Dhamaaday ee waxaanu leenahay Xabada ha la joojiyo, ee waxaa laga yaabaa dad inay leeyihiin Dowlad baa dhalatay, waxaan leeyahay waxaan isweydiinaynaa Dagaalkii aan shalay galnay ee Dhulkeenu ku bur-buray, Dadkii qiimaha Badnaa ay ku Shahiideen ee aad wada ogtihiin, ummaddii kale ee la Barakiciyay, Dagaalkaas isaga ah ee aan galnay maxaan u galnay? Jawaabtu waxay Tahay aniga ayaa idiin soo gaabinaya labo mid unbaa loo galay, Marka ugu horeysa Aduunyada nin ogolaan kara ma jirto in Xoriyadiisii iyo Maamulkiisii cid ajnabi ah oo Gaalo ah in ay xukunto cid ogolaan karta oo aqbali karta ma laha, taa waxay ahayd in wadanka Xornimadiisii maadaama uu gumeysi ku dhacay dib loo soo celiyo Hadaf bay ahayd oo Wadankaas gaalada iyo Gaala raacaba in laga xoreeyo ilaahay dartiisana looga dagaalamo taasi waxay ahayd Qadiyo, Qadiyada labaadna waxay ahayd Dalkaan Muslimka ah Shacbigiisa uu Muslim yahay in lagu diyaariyo Shareecadda ilaahay in lagu xukumo, marka waan idin waydiinayaaye bal aan Dagaalkii joojino Dadka Dhahaayo oo wax ma kastada ah Ma Dagaalkii baa dhamaaday Asbaabtiisii mise maya aan isweydiino?, waxaan ogahay maanta tan aan joogno Itoobiya oo Cadowga Soomaaliyeed ah inay Meelo badan oo Wadankeena ka mid ah kaga jirto aanu ognahay, Kalabeyrka, meelo badan oo Daafaha ah ay ka joogto horeyna ay u sheegtay maalinka aan doonayno ayaan soo galaynaa, marka waxaanu leenahay Cadowgii shalay Dagaalka lagu bilaabay sidiisii buu wadanka u joogaa, hadaan anagu aaminsanahay Wadanka Soomaaliyeed inuu yahay Caasimada kaligeedna waa mid kale iyadana waa mid, Midka labaad Cadowga itoobiyaanka ah Cadowgii kale ee u soo gurmaday Wadankii dhinac buu ka joogaa, Caasimadii buu daganyahay, aanu ognahay inuu yahay Dadkii lagu dhaafay Dardaarankii Itoobiya iyo Danihii ay Wadankan ka lahayd inay sii fuliyaan, Ma waxa aan leenahay Xabadii ha la joojiyo, Maxaan ku joojinay Wadankii miyaan Xoreynay Cadowgii miyaan ka saarnay, Ma Shareecadii Islaamkaan ku soo rognay waa isweydiin? Mida Shareecada ku xukumitaankeeda ah oo nin kasta uu sheeganayo inuu Dadka ugu Beer jilicsado waxaanu leenahay Wadankaan waxaa joogtay Dowlad **** ****** ah sababna u ahaa waxa Bur-bur dhacay iyo Dhibaatada Wadankaan ka Dhacay, aad ogeydeen Culimada Islaamka Mida Gudaha joogta iyo Mida Dibada Joogtaba ay ka Jawaabeen Dowladaas inay Murtado tahay oo ay Islaamka ka baxday aad ogtihiin xaataa Culimaddii ugu danbeysay inay Bayaan Cad ka soo saareen, marka waxaanu leenahay waxa hadda lagu magacaabayo Dowlad Cusub baa la soo dhisay la leeyahay Ma waxaan Weydiinaynaa labo Mabda’ unbaa jirtaye Ma dowladii hore baa meesha ka baxday oo Mid Cusub miyaad timiday Mise tii hore baa la dhoodhoobay oo Magacii baa laga badalay, Jawaabta Xaqiiqada ah waxay tahay wixii hore baa meeshoodii joogo danbiga meesha ka dhacayna waxaa weeyaan waa umaddii iyo waxa loo geystay marnaba ma ayna dhicin kuwii horana Danbigooda kama ayna toobad keenin, labo Mabda’ unbaa jira nin Gaaloobay sidii horey loo sheegay iyo Nin sheeganaya inuu Muslim yahay haday wax isku darsadaan labadaas midkood unbaa mabda’oodii ka soo tanaasulay, marka Ma waxaan leenahay Dadka hadda sheeganaya Dowlada inay dhisteen baa mabda’oodii la qaatay oo ilaahay Kitaabkiisa ah mise ayaga ayaa kitaabkii ka tagay oo Dastuurkii bay la qaateen, waxaanu ognahay waxa lagu dhaaranayay in lagu dhaqmo Dalkana lagu maamulo Dastuurka Imbigaati lagu sameeyay inuu yahay, marka haday mas’aladu tahay Haday C/laahi Yuusuf haduu joogana waa gaalo, haddii Fulaan Mina Naas uu yimaadana waa Muslim haday tahay jihaadkeena wax ka jira maba jiraan, anaga dhan waxaan nahay dad Hawadooda u dagaalamaya dano gaar ahna leh baanu noqonaynaa, marka waxaanu leenahay maanta tan waxaan idin weydiinayaa Itoobiyaan oo aan ognahay in hadda wafdigii xamar ka soo dagay 2 Diyaaradood oo Itoobiyaan ah ay la socdaan, Itoobiyaan iyo UN iyo Maraykan iyo Dadkii raacsanaa ee aad ogeydeen Dowlad ay soo dhiseen miyaad Shaki ka qabtaan in Shareeco Islaam iyo Maamul Dadeed inay Maamulayaan miyaad Rajo ka qabtaan, ma Dhici kartaa UN inay Shareeco Islaam nagu saacido oo uu Dowlad noogu dhiso ma dhici kartaa? Jawaabtu waa Maya, aniga aan idiin sheego Dowlada hadda jirta iyo wixii horeba waxa loo soo abaabulayay waxay ahayd in Shacbiga Soomaaliya iyo Dagaalkii uu soo galay Mirihiisii in lagu baabi’iyo, aan kaaga soo bilaabo Maxkamadii Waqooyiga Muqdisha ka jirtay waxaa lagu baabi’iyay Xisbigii Cali Mahdi uu lahaa mar uu iska baaba’ay yaa la soo nooleeyay oo la taageeray oo lagu yiri Cali Mahdi Madaxweyne ayaan ku siinaynaa Maxkamadaas hadaad meesha ka saartid Markii uu ku guuleystay oo Maxkamadii lagu kala diray asna waxba looma qaban, waxaa ku soo xigtay Dowladii C/qaasim Salaad aanu ogayn Xamar markii ay ka soo dagaysay sidii loogu soo dhaweey, waxaa la hor dhigay hadaad Maxaakiimta koonfurta Soomaaliya ka jirta oo illaa marka xukumeysay hadaad meesha ka saartid Diyaar waxaan u nahay inaan ku taageerno kunana Ictiraafno, waxaan ognahay Dowladaas iyada ah wax badan inay ku bixisay sidii loo baabi’yo Maxkamadii iyada ahayd waadna ogaydeen oo waa lagu baabi’iyay, Maalinkaa ay Dowladu Baabi’isay Maxaakiimtii iyadana warkeedii halkaas ayay ku hartay, waxaa ku soo xigtay Maxaakiimtii ugu Danbeysay ee Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed waxaad ogeydeen Dowladii C/laahi Yuusuf oo iska baabaday Meel ay Saldhigato waysay Markii la arkay inay Maxaakiimtii soo hana qaadeen khatartoodiina ay Dadka Caalamka sida ay leeyihiin ay Dareemeen yaa Caalamka waxa uu isla gartay oo uu Maraykanku Oday u yahay in Dowladaas la nooleeyo Boorkana laga jafo, lana taageero, Maxaakiimtaasna lagu jabiyo, markii ay u suuro gali waysay oo laga awood badiyay dantii waxay keentay Dowladaas inay Ogolaansho Bixiso si wadankaan loo gumeysto tiina waxaad ogeydeen in Midowgii Maxaakiimta meeshii ay ka baxeen waxa loo adeegsadayna waxa ay ahayd Dowladaas **** ******ka ah, markii Itoobiya Ciidamadeedii iyo **** ******ka aan la galnay Dagaalkii aad u kharaaraa ee labada Sano socday ilaahay Wuxuu gacanta sarre naga siiyay Itoobiyaankii iyada oo Duleysan oo wax Hadaf ah haba yaraatee ay Wadanka ka xaqiijisatay ayna jirin inay ka dhaqaaqday baynu wada ognahay , marka hadana waxay tahay Muxaawaladii kale, waxaa la leeyahay Dad Islaamiyiin ah Dad Islaamiyiinta Awal lagu tirin jiray oo iyaga qeyb ka ahaa in loo adeegsado say Caalamka ugu Muuqato inay iyaga maanta is-Dagaalayaan ula jeedadana ay tahay in la hor istaago Jihaadka kan oo socdo iyo Ahdaaftiisa saan loo gaarin Cid kasta cidii ogolaata ee heshiis hoos loola galo inuu Islaam keenaynin, Bulshada Rabitaankeeda oo Islaamka ahna uu ka hortagayo in la kaalmeeyo oo gacan lagu siiyo, sidii wadankaan Danta laga leeyahay loo fushado, marka anigu waxaan ogahay Dad badan oo wax Ma kasta ah inay Caleemo Qoyan dad badan ugu soo dhaweyn doonaan ay wada qeylin doonaan oo aan ognahay hadeerba in Qalabka Warbaa hinta Kaligood loo dhaafay inay ka hadlaan Dowladaas ayaa la soo dhaweynayaa in la yiraahdo ula jeedadana ay tahay wixii aad ka dagaalantay in Dib laguugu celiyo inay tahay inay arintaasi tahay baanu ognahay Shalay Dadkii Itoobiyaanka markay soo galayeen dadbaa u sacbo dhabayay oo u soo dhaweynayay kuwii unbay qeyb ka noqon doonaan, aniga waxaan ogahay Dowladaan hadda jiri doonto oo hadda lagu soo dhawaaqay ee **** ******ka ah iyo Waxa ka danbeeya wax ka soconaya inaysan jirin, waxa ay qaylin doonaan waa 3 ama 4 bilood mana jiri karaan ilaahay idinkiisa Kalimatulaahi Hiyal Culyaa gaalana Meeshaas way ku jabaysaa Bi’idnilaahi Tacaalaa, marka waxaan idinka rabnaa Dadka Mujaahidiinta ah in aan la idin Khaldin Dadkasi Dadka Soo abaabushay Waa la ogyahay, Cidda Taageeraysana waa la ogyahay waa cidii Wanteedka loo ahaa laguna baabi’inayay Umadda iyo Hadafkeeda Maanta in raali laga noqdo Diyaaradihii Itoobiyaankana lagu qaado wax unbaa is-badalay Waxa is-badalay aan is-weydiino Ma Mabda’eena baa itoobiya nagu saacidee oo Shareecadda Islaamka inaan isku xukuno ah? Misa Hoos baa heshiis loola galayoo in Jihaadkii iyo ilaahay Kitaabkiisa hoos loo dhigo Itoobiyana ay Wadankaan ka taliso arintas miyaysan Khaldanayn, waxaa weeyaan waxaanu ognahay waxa meeshan ka socdo waxaa weeyaan marka ninkii Tagaba inuu Itoobiya tago la soo caleemo saaro Hadafkii C/laahi Yuusuf wadayna horey lagaga sii bilaabo intaas kaliya inay meesha ka jirto, taasna waa midii aan ka dagaalanay Cid aan ka yeelaynana ma jirto, marka waxaan aad iyo aad ugu Naseexaynayaa dadka Mujaahidiinta ah si Qaflo ah inaan lagu qabsanin hadafkana aan laga xumeynin ula jeedada aan maantana u jeedno waxay tahay dantii aan Dagaalka u bilownay Wali sooma afjarmin Insha allaahu Tacaalaa waa soo afjarmeysaa ilaahay Dadka uu amaanay inaan noqono من المؤمني& #1606; رجال صدقوا ما عاهد الله عليه فمنهم من قضى نحبه و من هم من ينتظر وما بدلو تبديل dadka la yiri inaan noqono oo hadafkoodana ku taagan inay xaqiijiyaan iyo inay ku shahiidaan labadaasna wax u dhaxeeya inaysan jirin haddii intaasi in ka mid ah sameynin ilaahay wuu nala xisaabtamayaa, si taas loo gaaro waxaa weeyaan Guushaas sidii la rabay inaan u gaarno waxaa inaga hor istaagnaa waxaan ognahay in Mujaahidiinta Magacyaal badan kala lahaayeen ay Qeybsanaayeen tiina aan maanta rajeynayno Insha Allaahu, sidaa u maqasheen shirkii hadda inoo soo dhamaaday 80% inaan ku soo afjarnay Jabhadda Islaamiga, Mucaskar Raaskaanbooni, iyo Caanoole, oo Dadkii Xaqa ku taagnaa ah kuligeed in la mideeyay Xisbiga la yiraahdo Al-Xisbi Al-Islaami lagu Mideeyay Hal Maamul ay Doorteen, Maalmahan soo socdana Dadka Mujaahidiinta oo dhan ay Meel ka wada Dagaal gali doonaan, Ciidamadooda iyo Awoodoodana la midayn doono insha allaahu taasna waxay soo dedejin doontaa Guushii aan ugu talo galnay inuu ilaahay nagu siiyo Jihaadkan, taasna waxay ku timaaday cid kasta wixii ay gooni u lahayd oo magac ah iyo maamul ah in laga soo guuray, maanta wixii ka danbeeya Mujaahidiinta Shicaarka kulminaya oo uu Magaca u yahay waxay tahay Al-Xisbul Islaami, Ma qaadateen Arintaa iyada ah “Haa” Al-Xisbul Islaami Ma qaadateen, “Haa” Go’aan ma idinka tahay risaaladii aad bilowdeen oo ahayd wadankaan Gumeysiga iyo Gumeysi raaca inaad ka xoreysaan Diyaar ma u tihiin “Haa” inaad ilaahay Kitaabkiisa kor u qaadaan Diyaar ma u tihiin “Haa” inaad Muslimiintaas Si wanaagsan ula dhaqantaan gaaladana aad saf ka noqotaan idinkana walaalo gacanta is haysta aad noqotaan diyaar ma u tihiin aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin, intaas waxay ahayd kalimo yar oo aan u jeedinayay Dadka Mujaahidiinta ah waxaa ka danbeeya Shacabka Qeybihiisa ayaan la kulmi doonaa aniga iyo wafdiga ila socday, waxaan ilaahay ka baryaynaa insha allaahu inuu ilaahay Guul deg deg ah na siiyo anagana isku keeya dubo, Wassalaamu Calaykum Waraxmatulaah.”. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas Posted February 9, 2009 ^^Nur, what was the difference between the secularists who gathered with the wadaads in Asmara and the ones in Jibouti/TFG? I have even read one english article which quoted one Somali member in Asmara saying that he was against sharica and wahabis. Islam should be a private matter, he said. At least the other secular group(tfg) in Somalia constantly claim(though they will never probably do it) that they rule by sharica. When the Xaq and Badil is mixed together, and Islam is mixed with secularism, tribalism and nationalism, all of these problems arise( division,warfare, strenghtening of the enemies). I believe the main reason why it arises is that alot of the Muslim groups unite upon the politics of the day rather than a solid aqeedah foundation( tawheed). We see some people rushing forth to unite with the extreme SHia groups, tribalists, a new deen called Islamic democracy,secularists, and all the groups which oppose tawheed, in one form or another, only because they also happen to oppose Israel or Ethiopia. Let us overlook our differences and unite, they say. Thus, what was xaq yesterday becomes badil today and what was badil becomes xaq today. Ibn Uthaymeen said: - Ad-Da’wah ash-Sharee’ah, its positions are fixed and clear, and even if it differs with most of mankind. Ad-Da’wah as-Siyaasiyyah, its positions change, so what was correct yesterday perhaps will be wrong today, and what was wrong today could be correct tomorrow, and so on". Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted February 9, 2009 Al Zaylaci bro. Baarakallahu feek akhi, ishaad ka ridday! - Ad-Da’wah ash-Sharee’ah, its positions are fixed and clear, and even if it differs with most of mankind. Ad-Da’wah as-Siyaasiyyah, its positions change, so what was correct yesterday perhaps will be wrong today, and what was wrong today could be correct tomorrow, and so on". Waa runtaa, Al Dacwah Al Sharciyah, waa mid aan marna isbaddalin, ilaa ay soo daahirto oo dadku iyada u soo laabtaan. Sidii Dacwadii Nabigeenna Muhammad SAWS. Al Dacwah al siyaasiyah, waa tan hadba meesha ay dadka u bataan daaba orodda, sal ma laha, waa laan geed ka soo gooday, wey engegtaa. Diintan laguma soo celin karo hab ka duwan, habkii suubbanihii uu u raacay inuu soo daahirsho. Qofkay la noqoto inuu Shareecadda ku soo celin karo waddanka asagoo jabinayaa markuu la gorgortamayo kuwa nacay waxa allah soo dajiyay, waa qof ay wax badan oo caqiida ah ka qaldan yihiin. Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas Posted February 9, 2009 ^^ jzk. You must have hearf of hellenism, right? Some of the phlisophies and aqeedah coming of the Muslim world resemble how the hellenists Jews tried to compromise with the greek culture and create a fusion between the two. Of course, the difference is that this deen is the final revelation and Allah(swt) is still protecting it through his scholars of tawheed. ps. was this a SOmali only thread. Give me 5 years, sxb, i shall be a fluent writer in Somali and Arabic, inshallah. engegta= something that runs out? no. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas Posted February 16, 2009 http://www.halgan.net/view_article.php?articleid=1 1017 this is pretty significant, nurow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted February 17, 2009 Zaylici walaal Culimada Somalida Allaha ka abaal mariyo kheir badan dadaalka ay ugu jiraan ummadda Somaliyeed. Labo arrin baa na hortaagan: 1. Meesha maanta uu waddankeenna marayo, dariiqee buu ugu jraa NAJAAT ( SALVATION) ma mid adduun, oo laga nabad galo cabsi, ciil iyo cudur, cunno yari. Mise tii Aakhiro oo ka dhib badan tan dunida, oo ah Naar, Allaha ka leexiyo wajigeennee. 2. Fatwada Culimada goormey ansaxeysaa? A. Markii la helo, Cilmiga Sharciga ah ee xalli u heli kara mushkiladda taagan: Caalim walba wuxuu cilmi u leeyahay qayb ka mid ah diinta, sida cilmul Xadeeth ama Fiqhiga ama Quraanka tafsiirkiisa. B. Marka Mushkiladda taagan la isku raacsan yahay waxay tahay, ooy ummaddu isku meel u wada jeeddo. Hadduusan Caalimku la soconin waxa adduunka ka dhacaya, iyo sirta la maleegayo, xataa hadduu cilmiga diinta ku xeel dheer yahay, Fatwadiisu inay quman tahaya wexey ku xidhan tahay hadba macluumaatka( Information) Caalimka loo bandhigay oo uu ku tiirsanayo. InshAllah waxaan isku dayi doonaa inaan ku soo laabto boggaan mar kale. Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted June 1, 2009 Zaylici bro you write: ps. was this a SOmali only thread. Give me 5 years, sxb, i shall be a fluent writer in Somali and Arabic, inshallah. No bro, if you get the gist of the message you can respond in any language of your choice. I am sure that you can do better than 5 years if you are either married to, or marry the right Haliimo, just spend more time with her and you will be fluent in Somali inshaaAllah! Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted December 17, 2009 Quote: Al Dacwah al siyaasiyah, waa tan hadba meesha ay dadka u bataan daaba orodda, sal ma laha, waa laan geed ka soo gooday, wey engegtaa Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites