Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: secessionist falter donors take back money

Recommended Posts

Deeqbixiyayaasha oo go’aansaday in aanay lacag ku bixin Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Somaliland

May 11th, 2008

 

Hargeysa (Somaliland.org) - Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya Doorashooyinka iyo hannaanka Dimuqraaddiyadda ayaa shaaca ka qaaday inay joojiyeen lacagtii ay ugu talagaleen diiwaangelinta codbixiyayaasha ee doorashooyinka Somaliland ee soo socda. Waxayna shuruuddo ku xidheen lacagta ay u hayaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Dowladaha Hoose oo ay ballanqaadeen.

 

Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka oo ka kooban: Guddida Hoggaaminta Dimuqraadiyadaynta Somaliland, UK, Norway, Denmark, Sweden, Maraykanka iyo Midowga Yurub, go’aan ay maanta ka soo saareen magaalada Nairobi, oo ay u soo kala direen Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Saddexda Xisbi iyo Shirguddoonada labada gole, waxay caddeeyeen inay ka niyad-xun yihiin dib-u-dhaca mar kale ku yimi qabashada doorashooyinka iyo khilaafaadka ka taagan oo aan weli loo helin xal ku yimi wadahadal. Waxa kale oo ay xuseen kala dhantaalnaanta Komishanka Doorashooyinka oo ay sheegeen in aanu dhammaystirnayn, isla markaana aanu dheellitirnayn.

 

Sidoo kale, waxay sheegeen oo ay ku sababeeyeen go’aankooda joojinta lacagta diiwaangelinta in uu jiro khilaaf siyaasadeed iyo mid sharci iyo weliba arrimo farsamo oo ka dhigaya wax aan sugnayn ama la hubin sida loo hirgelin karo Diiwaangelintu. Sidaa darteed, ayuu yidhi qoraalka Deeqbixiyayaashu, “Waxaanu ka xunahay inaanu idiin sheegno in Deeqbixiyayaashu aanay maalgelinayn Diiwaangelinta Codbixiyayaasha”.

 

Hase yeeshee, waxay si buuxda u ballanqaadeen inay maalgelinayaan Doorashooyinka Dowladaha Hoose iyo Madaxtooyada, taas oo ay iyana ku xidheen laba shuruudood oo kala ah:

 

- In dib la isula eego Komishanka Doorashooyinka Qaranka, lana dhammaystiro, isla markaana laga dhigo Komishanka Madax bannaan, isu dheellitiran, xilkana gudan kara.

 

- In isfaham lagu gaadho wakhtiga ay qabsoomayaan doorashooyinku, qoraalna ay ku soo saaraan Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Guddoomiyayaasha Saddexda xisbi Qaran.

 

Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ayaa ah caqabada ugu weyn ee hortaalla doorashooyinka Somaliland, iyada oo sababtay in dib loo dhigo doorashooyinka oo qabsoomi lahaa Dec. 15 2007 iyo 14 April 2008. Isla markaana qodobo ka mid ah Xeerka Diiwaangelinta ayaa Madaxweyne Riyaale u cuskanayaa muddada Guurtidu u kordhisey, isaga oo ku doodaya in doorashooyinku aanay ku qabsoomi karayn wakhtiga Xisbiyada iyo Komishanku ku heshiiyeen, maadaama xeerka Diiwaangelintu dhigayo in 6 bilood u dhexayso dhammaystirka diiwaangelinta iyo qabashada Doorashada.

 

Waxaana la filayaa in go’aankan Deeqbixiyayaashu uu ka dambeeyey, kadib markii Madaxweyne Riyaale uu ku adkaystay in aanu ogolayn wax aan ahayn xeerarka iyo Dastuurka Dalka, taas oo uu uga jeedo xeerka Diiwaangelinta ee uu u daliishanayo inuu xilka sii joogo.

 

Beesha Caalamka ee danaysa dimuqraadiyadda Somaliland, kana caawisa doorashooyinka ayaa dedaal badan u galay in wadahadal lagu xallilo khilaafka ka taagan qabashada doorashooyinka, waxaana ugu dambeeyey wefti ka socdey Safaaradda Britain ku leedahay Addis Ababa, kaas oo kulamo la yeeshay dhinacyada arrintu khusayso oo dhan oo uu ku jiro Madaxweyne Riyaale. Sida uu sheegay Warsaxaafadeed uu Afhayeenka Madaxtooyadu ka soo saaray kulanka Madaxweyne Riyaale iyo Weftiga Ingiriiska, Madaxweyne Riyaale waxa uu ku dooday inuu diyaar u yahay inuu qabto doorashooyinka, balse, waxa uu raaciyey in la ilaalinayo, lana tixgelinayo xeerarka dalka, taas oo macnaheedu yahay doorasho ku salaysan xeerka Diiwaangelinta ee caqabadda ku ah doorashada.

 

C/risaaq M. Dubbad,

Somaliland.org, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiisadii Siyaasadeed ee Somaliland oo meel xasaasi ah mareysa

 

May 12th, 2008

Hargeysa(HR Media):-Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Ciro) ayaa ku fashilay dhex dhexaadintii Dowlada iyo mucaaridka Soomaliland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada maamulka la baxay Somaliland ayaa sheegay inuu dhex dhexaadin ka dhex waday labada xisbi ee mucaaridka ah ee Kulmiye iyo UCID iyo dowlada Daahir Riyaale Kaahin.

 

Wuxuuna sheegay Cabdiraxmaan Ciro inuu joojiyey wadahadaladii uu waday asagoo sheegay in mucaaridka iyo dowlada diideen in ay isu tanaasulaan wadahadalka.

 

Cabdiraxmaan oo warbixin siiyey Golaha Wakiilada ayaa sheegay in muddo labo todobaad ah u waday dadaal uu doonayey in la isku soo horfariisiyo dhinacyada.

 

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland diiday inuu la kulmo hogaamiyaasha Xisbiyada Mucaaridka ah, halka Mucaaridkana diideen in ay aqbalaan xil kordhinta Xukuumada.

 

Madaxweyne Rayaale oo ka jawaabay hadalada guddoomiyaha golaha Wakiilada, ayaa sheegay in dadaalkii uu waday Guddoomiyaha ku guuleysan waayey, isla markaana meesha murranka keentay ay tahay in Mucaaridka ay diideen in ay aqoonsadaan in Golaha Guurtida uu yahay mid awood ulleh xil kordhinta taasi oo keentay in ay adkaato in wadahadalka bilowdo sida uu sheegay Daahir Riyaale Kaahin.

 

Daahir Riyaale Kaahin ayaa sheegay in lagu kala bixi doono Sharciga iyo Dastuurka, asagoo ku nuux nuuxsaday in marka hore looga baahan yahay in mucaaridka marka hore aqbalaan sharuucda dastuuriga ah ee ka soo baxay Golaha Guurtida (xil kordhintii Dowlada), arrintaasi oo ay mucaaridka weli diidan yihiin.

 

Dhinaca kale waxaa la joojiyey lacago deeq ahaan oo loo siin lahaa Somaliland in doorashooyinka lagu qabto diiwaan gelinta ayadoo lacagtaasi oo dhan 8 milyan oo dollar ay hada dib ulla noqdeen hay’adaha caalamiga ah.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

secconist lol since when are we secconist we existed before mogadisho existed any way the money we will get it komishanka doorashada aya wax laga sugaya

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol. Adeer you are the secessionists, a break away province, a group that want to leave the union.

 

Also the flag you hate so much was firts flown over Hargaysa, and not the new SNM/India flag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this