Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Top leaders open Ministry of Transportation HQ

Recommended Posts

Madaxda Sare DFS Oo Ka Qeyb Galay Xafladda Furitaanka Wasaaradda Gaadiidka Cirka & Dhulka

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 01-Augosto-2007

 

Xaflad lagu maamuusayey furitaanka xarun cusub oo ay ka howlgasho wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka oo manta lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda sare ee dowladda sida Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wasiiro ka tirsan dowladda, xildhibaano, safiirada Itoobiya iyo Yeman.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in in la gaaray xiligii dib u dhiska iyo dib u degida xarumaha ay ku shaqeynayaan wasaaraddaha dowladda, wuxuuna balan qaaday in madaxdooda ay ka shaqeyn doonaan sidii loo diyaarin lahaa looguna fududeyn lahaa hey’addaha dowliga ah iney Muqdisho ay ka wada howlgalaan.

 

Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaa isaguna halkaasi ugu baaqay wasaaraddaha kale ee aan weli furan xarumo ay ka howlgalaan iney mudo sadax bilood gudahood ah ay ku sameystaan xarumaha ay ka howlgalayaan, wuxuuna ugu baaqay in la gaaro xiligii loo guntan lahaa wax qabad dhab ah.

 

“Waxaan wasaaradda gaadiidka ugu baaqayaa iney iyaguna sadax bilood gudahood ay ku soo dhameeyaan sumadeynta iyo diiwaan gelinta gaadidka iyo darawalada ka howlgala dalka oo dhan, iyadoo loo sameynayo warqada lahaanshaha gaadiidka, tan aqoonsiga darawalnimada iyo sumada halka uu ka shaqeeyo”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo halkaas isaguna hadal gaaban ka jeediyay ayaa ugu mahad naqay mas’uuliyiinta ku dhaqaaqday tallaabadan ku dayashada mudan oo horseedeysa in wasaaraddaha kalena ku daydaan oo ay soo degaan caasimadda.

 

“Amarka asteynta iyo diiwaan gelinta gaadiidka aniga ayaa bilaabahaya oo berrito gaadidka Madaxtooyada yaala iyo kuweygaba lagu bilaabayaa asteynta oo Xaabsade u imaanahaya”, ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo dhoola cadeynaya.

 

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiintii halkaa ka hadashay ayaa ugu wada baaqay hey’addaha dowladda iney Muqdisho soo degaan sidoo kalena Baarlamaankuna uu soo dego xaruntii Gaadidka Booliska ee lagu qabtay shirka taasoo ah goob weyn oo Baarlamaanka degi kara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Sadaxda mas’uul ee ugu sareysa dowladda oo maanta xariga ka jaray xarun cusub

1. September 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey furitaanka xarun cusub oo ay ka howlgasho wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka oo manta lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wasiiro ka tirsan dowladda, xildhibaano, safiirada Itoobiya iyo Yeman.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in in la gaaray xiligii dib u dhiska iyo dib u degida xarumaha ay ku shaqeynayaan wasaaraddaha dowladda, wuxuuna balan qaaday in madaxdooda ay ka shaqeyn doonaan sidii loo diyaarin lahaa looguna fududeyn lahaa hey’addaha dowliga ah iney Muqdisho ay ka wada howlgalaan.

 

Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaa isaguna halkaasi ugu baaqay wasaaraddaha kale ee aan weli furan xarumo ay ka howlgalaan iney mudo sadax bilood gudahood ah ay ku sameystaan xarumaha ay ka howlgalayaan, wuxuuna ugu baaqay in la gaaro xiligii loo guntan lahaa wax qabad dhab ah.

 

“Waxaan wasaaradda gaadiidka ugu baaqayaa iney iyaguna sadax bilood gudahood ay ku soo dhameeyaan sumadeynta iyo diiwaan gelinta gaadidka iyo darawalada ka howlgala dalka oo dhan, iyadoo loo sameynayo warqada lahaanshaha gaadiidka, tan aqoonsiga darawalnimada iyo sumada halka uu ka shaqeeyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo halkaas isaguna hadal gaaban ka jeediyay ayaa ugu mahad naqay mas’uuliyiinta ku dhaqaaqday tallaabadan ku dayashada mudan oo horseedeysa in wasaaraddaha kalena ku daydaan oo ay soo degaan caasimadda.

 

“Amarka asteynta iyo diiwaan gelinta gaadiidka aniga ayaa bilaabahaya oo berrito gaadidka Madaxtooyada yaala iyo kuweygaba lagu bilaabayaa asteynta oo Xaabsade u imaanahaya” ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo dhoola cadeynaya.

 

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiintii halkaa ka hadashay ayaa ugu wada baaqay hey’addaha dowladda iney Muqdisho soo degaan sidoo kalena Baarlamaankuna uu soo dego xaruntii Gaadidka Booliska ee lagu qabtay shirka taasoo ah goob weyn oo Baarlamaanka degi kara.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasabada Furutaanka Wasaarada Gaadiidika Cirka iyo Dhulka oo Muqdisho ka dhacday Madaxweyne C/laahi Yuusuf” Wasaarad Walba Xarunteeda haku sameysato Sedex bilood”

 

Mogadishu, Sabti , September 01 2007 SMC

 

R/wasaare Geedi , Darawal kastaa waa in uu qaataa Sharciga mudo Sedex bilood ah”.

 

Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ugu baaqay Wasiirada ku jira Dowladiisa in ay muddo 3 bilood gudaheed ay ku dayactiraan Xarumaha Wasaaradahooda.

 

Madaxweynaha oo ka hadlayay Munaasabad xariga looga jarayay Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo ka dhacday Maanta Xaruntii Fiisha Bra ee Degmada Shangaani Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in mudo 3 bilood ah kadib laga doonayo wasiir waliba in wasaaradiisa ay xarun ku yeelato magaalada Muqdisho isla markaana uu dadaal xoogan arrinkaasu u galo. “Meeshaad rabtaan lacag ka keena, hadaad rabtaan dadka ha dhicina, xataa soo luf lufta waxaa la idinka rabaa inaad 3 bilood gudaheed ku soo dayactirataan Xarumaha Wasaaradaha”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo hadalo kaftan u muuqday manta ka jeediyay Munaasabadii Furitaanka ee Xarunta Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

 

 

 

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in Wasaarad kasta ay ku shaqeysa xarunteeda, waxa uuna u jeediyay Wasiirada Xukuumada Soomaaliya, in ay bilaabaan howlo ay ku dar dar gelinayaan Xafiisyadooda.

 

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo qaar ka mid ah Xarumihii Wasaaradihii Dowladii hore ay ka muuqdaan bur buro soo gaaray dagaaladii sokeeya, laakiin Wasaarado qaar ayaa u muuqanaya kuwo xil iska saaraya howlahooda, sida Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta oo dhowaan howlo dayactir ah ku sameysay Xarunteeda oo ku taal Degmada Boondheere.

 

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ku dhawaaqay in muddo 90-maalmood gudahooda ay isku soo diiwaan geliyaan Gaadiidka ka shaqeeya Gudaha Soomaaliya si loo siiyo aqoonsi.

 

Hadalkan ayuu manta Ra’iisul wasaaruhu ka sheegay Munaasabad xariga loogaga jarayay Xafiiska Wasaarada Gaadiidka cirka iyo dhulka oo ka dhacday Xaruntii hore ee Fiisha Bara. Prof. Geeddi ayaa sheegay in dhamaan gaadiidka ka howl gala Gudaha Soomaaliya la siin doono aqoonsi, isagoo sheegay in gaadiidka aan isa soo diiwana gelin loo aqoonsan doono kuwa dhibaatada wada.

 

Waxa uu sheegay Prof. Geeddi in diiwaan gelinta looga dan leeyahay sidii loo asteyn lahaa Nabadgelyada Dalka iyo Caasimada Muqdisho, isagoo sheegay in gaadiidkii aan wadan wax aqoonsi ah uu ka mid yahay kuwa dhibaatada abuuraya. Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Geeddi in darawal kasta ama wade kasta looga baahan yahay in uu qaato warqada fasaxa iyo Taargada gaadiidka.

 

Dhanka Kale Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade oo isna ka hadlay Munaasabadii Furitaanka Xafiiska Wasaaradiisa, ayaa sheegay in Xarumo ay ka furan doonto Wasaaradiisa, Magaalooyinka Beled Weyn, Kismaayo, iyo Baydhabo. Waxa uu sheegay Wasiirka in wasaaradiisa ay u wajaheyso sharciyada gaadiid dhowr tallaabo, isagoo sheegay in ay soo bandhigeen Documentiyada Taargooyinka gaadiidka kala duwan, kuwaasoo uu sheegay in wado sharciyeysan loo marayo.

Somaliweyn Media Center (SMC)

Mogadishu Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this