Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale Meets African Council of Muslims

Recommended Posts

u_2d_2007-11-20-12-31-8f_P1020996%5B1%5D

 

Hargaysa(Qaran)-Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maanta kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada Wufuud ka socota ururada Culimada Muslimka ah ee Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin

Dalalka Kenya,Tanzania , Uganda , Ruwanda iyo Sudan ee loo yaqaano (African Council of Muslims ). Sidaasi wxa lagu sheegay warsaxaafdeed uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada oo loo qaybiyay saxaafada kaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada qarannews, warsaxaafdeedku isga oo sii socda oo ka warmaaya culimada iyo kulamadoodii iyo kualankii maanta waxa uu xusay sidani hoos ku qoran.

 

Culimadaa oo shir laba maalmood socdanayay ugu dhamaaday magaalada Hargeysa , iyada oo shirkaasi lagu falan qaynayay Arrimaha ay ka mid yihiin Nabad gelyada Mandaqada Geeska Afrika .

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland hadal kooban oo uu kulankaa uga jeediyay wefdiga Culimada waxa uu uga waramay waxyaabihii u qabsoomay Jamhuuriyada Somaliland 16-kii sano tan iyo intii gobanimadeeda kala soo noqotay wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya, gaar ahaan Arrimaha Nabada , Xasiloonida iyo Geedi socodka Nidaamka Dimuqraadiga ah ee ka jira Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu wefdiga u sheegay habkii Somaliland ay uga soo kabatay bur burkii dalkeeda ka dhucay iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka jirayba , iyada oo wax kaalmo ah ama faro gelin ah ayna ka helin haba yaraatee wadamada dibada, balse iyadu kaligeed isku tashatay .

 

Ugu danbayntii waxa uu madaxweynuhu wefdiga ka codsaday in ay wadamadooda gaadhsiiyaan marka ay ku noqdaan xaqiiqada ka jirta Somaliland oo ay xaq u leeyihiin xukuumad iyo shacbiba in ay caalamku si cadaalad ah ula macaamilaan , una aqoonsadaan.

 

Mudane Sh. Ismaaciil Dheeg oo ka mid ah culimada reer Somaliland oo isna halkaa ka hadlay waxa uu ka waramay Nabada iyo xasiloonida ka jirta dalka Somaliland oo ah mid ku timid wada tashi iyo tallo wadaag waafaqsan arrimaha ay ina farayso diinteena Islaamka ah.

 

Sh. Shacbaan oo ah hogaamiyaha Wefdiga Culimada ee Geeska Afrika waxa uu hadal halkaasi ka jeediyay waxa uu marka hore u Mahad naqay Xukuumada iyo shacbiga Somaliland , soo dhawayntii fiicnayd ee ay kala kulmeen iyo marti gelintii u suurta galisay in shirkoodu uu ku qabsoomo Caasimada Hargeysa .

 

Sheekh Shacbaan waxa kale oo uu sheegay in isaga iyo wefdigiisuba ay kula noqon doonaan dalalkoodii fikrad ka duwan tii markii hore ay ka haysteen Somaliland oo aanay aqoon iyo xog waran toona u lahayn, hase yeeshee waxa Maanta ay ku soo arkeen indhahooda in Somaliland ay tahay Qaran jira oo aan la dafiri karin.

 

Sheekh Shacbaan waxa kale oo hadaladiisa ka mid ahaa ‘'Waxaanu noqon doonaa Safiiro ka dhaadhiciya Wadamada aanu ka nimid iyo caalamka intiisa kaleba waxyaabaha ay qabsatay Somaliland iyo heerka ay marayso''.

 

Wufuudaasi waxa kale oo ka mid ahaa Wufuud ka socotay Kiniisadaha Kiristaanka ee Geeska Afrika.

 

Shirkaasi waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamed Suufi iyo Culimaa'udiin kale oo ka tirsan Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Shacbaan waxa kale oo uu sheegay in isaga iyo wefdigiisuba ay kula noqon doonaan dalalkoodii fikrad ka duwan tii markii hore ay ka haysteen Somaliland oo aanay aqoon iyo xog waran toona u lahayn, hase yeeshee waxa Maanta ay ku soo arkeen indhahooda in Somaliland ay tahay Qaran jira oo aan la dafiri karin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this