Dhubad. Posted July 6, 2006 Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere ) oo ka mid ahaa qabqablayaashii dagaalka Soomaalida ee laga raacdeeyey koonfurta Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in maanta uu soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug isagoo kasoo tallaabay xadka Puntland iyo Ethiopia ay wadaagaan. Maxamed Dheere ayaa magaalada Gaalkacyo waxa uu kula kulmay maamulka gobolka Mudug isagoo kala hadlay ujeedka socdaalkiisa, waxaana Maxamed Dheere uu maamulka u sheegay inuu kusii jeedo xarunta Puntland ee Garoowe oo uu ka helay magangelyo siyaasadeed ka dib markii koonfurta Soomaaliya uu kasoo waayey meel ku nasto. Maxamed Dheere ayaa la sheegay in ay la socdeen maleeshiyooyin hubeysan oo watta dhowr gaadiid oo kuwo dagaalka ah waxaana la dejiyey Hoteel lagu magacaabo TOBAN TALAALE. Joogista Maxamed dheer ee magaaladda Gaalkacayo ayaa keeni karta in muran siyaasadeed oo dhalin kara Khilaaf, waayo Maxamed dheer ayaa ka mid ahaa xubnihii la dagaalanka argagixisada ee dhowaan magaaladda Muqdisho laga soo saaray. Dawlada Goboleedka Puntland ayaa iyadu beryahan iska fogaynaysay in degaanadeeda lagula soo galgasho khilaafka siyaasadeed ee ka jira Konfurta Soomaaliya, wuxuuna u muuqday Maamulka Puntland mid aan xasaasiyad ka qabin kooxaha wadaada ah ee reer Puntland kuwaasi oo maamulka ku xaqiijiyey inaanay wax dhibaata ah ka gaysanayn degaanadda Puntland. Soo gelinta Puntland ee Maxamed dheer ayaa durba la iska weydiinayaa suaalo. Maxamed Carab Xafiiska Markcadeey ee Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted July 6, 2006 Waxaan la yaabanahay dadka haatan MD siinaya magangalyo. I would love to hear islamic courts release his arrest warranty and threaten anyone in somalia including puntland and somaliland who try to give shelter these animals -maxamed dheere in this case - will pay the price Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 6, 2006 threaten who? pardon me but Puntland is past treats..As for MD, was he the one who insulted the whole of the TFG and Puntland, well I guess he is not welcome in them parts... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted July 6, 2006 ^If this news is true, the courts have a right to wage war for those who are harboring terrorist. By the way several somali websites have reported this news. Quote Share this post Link to post Share on other sites