Xaaji Xunjuf Posted December 5, 2009 Xog dheeraad oo laga helay ninkii qaraxa ismiidaaminta fuliyay Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 05-Desember-09 Warar aan ka helnay illo lagu kalsoonaan karo ayaa ii xaqiijiyay in shaqsigii shalay isku qarxiyay goobtii ay ka dhaceysay munaasabadda Qalinjebinta uu ahaa shaqsi ka tirsan kooxda Al Shabaab, kadib baaris iyo **** gal la sameeyey. Warar ku dhow dhow maamulka Hotelka Shaamow ayaa xaqiijinaya in shaqsigan oo isku diiwaangeliyay magic aanu laheyn uu kireystay mid ka mid ah qolalka jiifka ah ee Hotelka isagoo hor mariyay kirada muddo 10 cisho ah. Ninkan ayay shalay u aheyd habeenkii 6-aad ee uu seexdo Hotelka, isagoo fursad qaali ahna u helay sidii uu gudaha ugu geli lahaa Hoolka shirarka ee Hotel Shaamow, waxaana la tilmaamay in ninkani uu isku soo beegay xilli dhamaan mas’uuliyiintii Dowladda, Dhaqaatiirtii, Ardaydii, Waalidiintii iyo dhamaan marti sharaftii kaleba ay soo xaadireen goobta munaasabadda. Ninkan ayaa la xaqiijiyay inuu soo gashtay dharka Dumarka, oo ay ka mid aheyd, Xijaabka, Indhashareerka, iyo Goono, taasoo u sahashay inuu bartanka u galo goobta munaasabadda, muddo daqiiqado kadibna ahna markii uu day dayday goobta ay fadhiyeen Wasiirada iyo dhaqaatiirta uu is qarxiyay. Ninkan oo aysan inoo suurta gelin inaan magaciisa helno ayay wararku intaasi ku darayaan in la garanayo beesha uu ka soo jeedo balse waan idiin qarinay sababo la xiriira in cadaawad xun aan loo qaadin, maadaama ay b eel waliba leedahay kooxo qaldan oo si xun u fekeraya. Sarkaal ka tirsan Al shabaab ayaa la xaqiijiyay in shalay uu isku dayay qaraxa kadib inuu sheegto Qaraxaasi in ay ka dambeeyeen Al shabaab, inkastoo markii dambe idaacadii ay la xiriireen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xoogagaasi kuwaasi oo amar dul dhigay una sheegay in aaney sii deyn Karin, laguna soo wareejiyo cajaladii sheegatashaadaasi. Sidoo kale, wareysiga mas’uulkaasi ka tirsan Al Shabaab ayaa sheegay in falkaasi ay ka dambeeyeen wax uu ugu yeeray (Mujaahidiinta) ayna la heleen bartilmaameedkii ay doonayeen isagoo tusaale u soo qaatay “Waad arkeysaan alle mahadiis geerida Murtadiinta darteed cirka ayaa Daruur roobaad qarisay,waxaana da’aya Roob, waana barakada Walaalkeen Mujaahidka Is qarxiyay, waana la ogyahay nimankii murtadiinta ahaa ee goobtaasi joogay inay ku le’deen, dadka kalena Alle waxaan uga baryeynaa inuu Janadii ka waraabiyo waana dad Abriyo ah oo la kulmay qadarta Alle oo u qorneyd waqtigooda ayaana intaas ku ekaa” . Maxamed Xuseen Ugaas ugaasyare114@gmail.com* Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda [ December 05, 2009, 03:57 PM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ] Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted December 5, 2009 Please remove the second picture. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted December 5, 2009 Xaaji...We all seen the pic-no point in plastering it here. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peacenow Posted December 5, 2009 Please someone remove these pictures. It is not right to put up such sensitive pictures. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 5, 2009 Originally posted by Che -Guevara: Xaaji...We all seen the pic-no point in plastering it here. say walahi then i will remove it Quote Share this post Link to post Share on other sites
unknown01 Posted December 5, 2009 As salam alaykum This is xaraam. Posting a pic of him. It was not him because his body would be into thousands of pieces. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peacenow Posted December 5, 2009 The Admin do something and remove this post. This is disgusting. We know the evil of these Islamists. Quote Share this post Link to post Share on other sites