Paragon Posted December 29, 2009 Fadeexad Diblomasiyadeed oo Shalay Ka Dhacday Madaarka Hargeysa Hargeysa(Geeska) Des 23, 2009 -Fadeexad diblomaasiyadeed nooceeda tii ugu saraysay ayaa shalay ka dhacday madaarka Hargeysa, ka dib markii weftigii ka socday dalka Kenya lagu qaabilay calan aan ahayn calankoodii. Waxa shalay magaalada Hargeysa socdaal ku yimid wefti uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Mudane Faarax Macalin. Weftigaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka Hargeysa, ayaa waxa soo dhawayntooda ka dhacday fadeexad martidii madasha joogtay badankeeda ku abuurtay naxdin kuna noqotay amakaag. Weftiga ayaa markii loo gelbiyay dhinaca qolka martida ee madaarka Hargeysa, waxa la fadhiisiyay kursi loogu tallo galay, kaas oo halkii la dhinac dhigi lahaa calanka dalkiisa ee Kenya la dhinac dhigay calanka dalka Itoobiya. Hase yeeshe markiiba si deg deg ah ayaa calankii Itoobiya looga qaaday madashii weftiga lagu soo dhaweeyay, iyadoo ay sidaas amreen masuuliyiin Somaliland ah oo madasha ku sugnaa, kuwaas oo dareemay khaladka diblomaasiyadeed ee dhacay. “Waar miyaad iska soo qaadeen bahalka miyaydaan eeginba.” Sidaas waxa isagoo khaladka dhacay ka damqaday yidhi mid ka mid ahaa masuuliyiintaas. Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya iyo masuuliyiinta Somaliland oo ay ka mid ahaayeen shirguddoonka golaha wakiiladu midna ma soo hadal qaadin khaladka diblomaasiyadeed ee dhacay, laakiin guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya ayaa markii calanka la qaadayay wejigiisa laga dareemay sida uu uga xumaaday waxa dhacay. Inkastoo ay ahayd khalad si dabiici ah u dhacay oo u muuqday inaan loogu tallo gelin lagana wada xumaaday sida muuqatay, haddana waxa hubanti ah inay tahay fadeexad, waxaana ka mid tahay waxyaabaha turqa xidhiidhka dalalka dunida. Hay’adaha qaban qaabada iyo soo dhawayna wufuudda u qaabilsan dawlada Somaliland, waxa waajib ku ah inay si degen uga diyaar garoobaan qaabka ay u waajahayaan soo dhawaynta wufuudda dalka soo booqanaysa, taas oo haddii loo dhiibo dad aan xil kas ahayn halis gelin karta xidhiidhka dalka soo booqanaya iyo danta uu ka leeyahay Somaliland. Dhawaan, ayaa waxa xidhiidhka dalalka Suuriya iyo Faransiiska halis geliyay calan khaldamay, ka dib markii Madaxweynaha Suuriya oo booqanayay Faransiiska lagu soo dhaweeyay calankii hore ee ciraaq hore oo ay isku muuqaal dhow yihiin calanka suuriya, taas oo kicisay xaraarada xidhiidhka siyaasadeed ee labada dal. Source: www.geeska.net Copyright © 2009 Wardheernews.com ----------- A little counter-propaganda wouldn't harm, eh? Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted December 29, 2009 Looool too much love for Ethiopia Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted December 29, 2009 LOOL..This was originally spread by the cuqdad ridden Somaliland.org. Off course others like them will pick it up. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted December 29, 2009 loooool @ “Waar miyaad iska soo qaadeen bahalka miyaydaan eeginba.” Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted December 29, 2009 Originally posted by Mr. Red Sea: This was originally spread by the cuqdad ridden Somaliland.org. What is the source of their "cuqdad"? Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted December 29, 2009 ^^^They're fiercely pro Kulmiye news portal, so they do anything in their power to thrash the current regime. At times, I concur with their positions, but this one is made out of thin air. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted December 29, 2009 A better term might have been "siyaasad" rather than "cuqdad". Nonetheless, I commend Somaliland.org for its fierce independence and courage to taking on topics that would otherwise be ignored by the robotic media. Encouraging and soliciting fair and responsible reporting is one of the ways to serving the state in good health. We all may have different thoughts as to what constitutes “loyalty to country”, but I am pleased that Somaliland media is finally embracing certain elements other media outlets primarily those of Puntland have been practicing for years. There is a saying in Puntland that "haddii shibiri dhuusto shacabka dhexdiisa, shabakad baa lagu soo sharixi sheex la'aan". Quote Share this post Link to post Share on other sites
MZanzi Posted December 29, 2009 There is a saying in Puntland that "haddii shibiri dhuusto shacabka dhexdiisa, shabakad baa lagu soo sharixi sheex la'aan". Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted December 29, 2009 Libaax, This incident is not true. However, the Somaliland media has never had the same voice. Some are pro Udub like Qaranews, some are against it like hadhwanaagnews, Somaliland.org, and others are neutral like Geeska Afrika and Jamhuriya. So there is a balance in the Somaliland media. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted December 29, 2009 ^Sounds truer than your snow forcast in Hargeysa. Perhaps marqaan played a role. Not entirely their fault. Quote Share this post Link to post Share on other sites