Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: TFG in agreement....for now

Recommended Posts

Baydhabo:Madaxda dawladda Soomaaliya oo ku heshiiyay in xukuumadda Geeddi lagu soo koobo 31 Wasiir.

Sunday, August 06, 2006

 

Baydhabo(AllPuntland)- Madaxda sare ee dawladda Federaalka oo heshiis ku wada gaaray magaalada Baydhabo ayaa laga sugayaa inay faah faahiyaan qodadii ay ku heshiiyeen.

 

Madaxwaynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed , guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan , iyo raysulwasaaraha Soomaaliya ayaa isla meel dhigay arimo keenay inuu mugdi kala galo.

 

C/rashiid Aadan oo ka tirsan madaxtooyada Federaalka ayaa sheegay in madaxdu ay heshiiyeen , hase ahaatee waxyaabaha ay ku heshiiyeen oo faah faahsan lawada sugayo

Shir dhowr saacadood socday oo ay kasoo qayb galeen madaxda Itoobiya ayuu heshiiskani ka danbeeyay , waana mid la xiriira in la isla shaqeeyo.

 

Qodobbo la sheegay inay heshiiska kamid yihiin ayaa waxaa kamid ah in Cali Maxamed Geeddi xukuumaddiisa isku shaandheeyo dabadeedna uu aad usoo koobo.

 

Waxaa lagu heshiiyay in xukuumadda aan laga badin 31 illaa 42 wasiir si loo helo dawlad tayo leh.

 

Afhayeenka dawladda Soomaaliya C/raxmaan Diinaari ayaa sheegay inay madaxdu ku heshiiyeen inay isla shaqeeyaan tix galiyaanna dastuurka dalka u yaalla.

 

Arimaha laga heshiiyay waxaa kaloo kamid ah shirka Khartoum oo muranka ugu wayn ee madaxda ugu saraysa uu ka dhashay , hase ahaatee in la tagi doono iyo in kale waxaa laga sugayaa masuuliyiinta dawladda.

 

Waxaa kaloo kamid ah in maalinta bari ah baarlamaanka la hor geeyo heshiiskan dabadeedna ay ansixiyaan baarlamaanku , shan maalmoodna la siiyo Geeddi , si uu xukuumad usoo dhiso.

 

Khilaafka madaxda sare ee dawladda ka dhex qarxay ee hadda laga heshiiyay waa mid ay wada dareemeen shacabka Soomaaliyeed.

 

CCC Farayaanmo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

disgusting!!

 

don't they have no shame where is their pride?

 

why do they need a foreigner?

 

can't they have a civilized meeting and make up like adults on their own?

 

what are they kids??

 

this is what i hate about somali politics

 

these adults shame us when they go begging from capital to capital and then provide no results

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sababta Geedi loogu ganbanaayo ayaan la yaabanahay. Maxee isdhaamaan sadexdooda? Geedi kaliya waxaa lagu heystaa booska baneey, so his position will be filled if wadaada ku sheega, power-hungry agree to, in accordance to unfair and unheard 4.5 formula.

 

Ceeb waxaa kaaga sii daran, labadii isku xumaataba Amxaaro ayaa kala dhexgaleyso. Iyagii ma is aamini karaan, iyagii la rabay inay isla shaqeyaan.

 

Soomaali dad ma u maqno, Eebboow naga qabo waxa is dabayaacaayo.

 

Also dowladaan lasoo dhisaayo see lee yihiin will have no more than 31 wasiiro, plus another 31 wasiir ku xigeen. Sixty-two ee isku noqonayaan. Kuwii hore ku dhawaad 90 ayee ahayeen. Wax weyn ma kala duwano, in fact these expected wasiiro banaanka ayaa laga keenaa, which makes Axdiga qaranka in mar labaad hadana wax laga badalo; oo Qaramada Midoobey's UNDP bixin doono their salary, another burden lacagtii Soomaali people loogu soo tuugsaday from international community.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this