Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

Ciidammo TFGda ah oo Baxsaday

Recommended Posts

BAYDHABO: Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka oo la sheegay inay xalay ka baxsadeen Baydhabo

Posted to the Web Aug 19, 16:44

 

 

Baydhabo (PP) – Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda oo ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo ayaa la sheegay inay u soo baxsadeen dhanka Magaalada Muqdisho.

 

 

Ma jiraan warar si dhab ah u xaqiijinaya arrinta u soo baxsashada ciidammadaas ee dhanka Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin Maxkamadaha, balse waxaa la xaqiijiyay inay ciidammadaas oo gaaraya 30-meeyo ay ka baxsadeen Airport-ka baydhabo oo ay ku suganaayeen agagaarihiisa.

 

 

Warar aan si dhab ah loo hubin runtooda ayaa waxay sheegayaan inay ciidaammadaas intooda badan markii hore ka yimaadeen dhanka Gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyadoo la sheegayo inay baxsadeen xalay saqdii dhexe, balse dhawaan la ogaaday inay u baxsadeen dhanka Magaalada Muqdisho.

 

Dhanka dowladda weli kama aysan soo bixin warar xaq iijinaya inay baxsadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ayna u baqooleen dhanka Magaalada Muqdisho, waxaase warar hoose oo ka soo baxaya saraakiisha dowladda ay sheegayaan inay ka maqan yihiin boosaskoodii dhowr askari oo aan la xaqiijin karin inay baxsadeen balse baaritaan lagu hayo halka ay aadeen.

 

 

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ayaa dhowr jeer la xaqiijiyay inay u soo baxsadeen dhanka Magaalada Muqdisho, balse baaritaan ay Puntlandpost arrintaas ku sameysay ayay ku ogaatay in inta badan ciidammada la sheego inay baxsadeen aysan ahayn kuwo dowladda ka amarqaata balse ay yihiin kuwo isbaarooley ah oo laga eryo goobaha ay isbaarooyin u yaalliin kuwaasoo sheegta marka dambe inay yihiin ciidammo ka baxsaday dowladda Federaalka.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this