General Duke Posted July 29, 2007 Dictaatooriyada Maamulka Riyaale Axmed Maxamed Saleebaan — Toronto, Canada — 28 July, 2007 Goor may reer Soomaaliland u dambaysay qofkii talaabo qaadoba in jeelka loo taxaabo. Maamulkan mucagaga ah ee sharciga iyo xuquuqal aadamigaba ku tumanaaya wa in layska qabtaa. Maamulkani waxa uu dadaal iyo dagaal kula jiray ilaa iyo maalintii hogaanka loo dhiibay oo geed gaaban iyo mid dheerba uu u fuulay sidii uu u burburin lahaa Soomaaliland. Nasiib daro se ilaahay marnaba ka muu aqbalin kumanay guulaysan. Umalaynmaayo in ay caqli xumo iyo maamul xumo ka tahay. Xaqiiqdu se waxay tahay in ay qowlaysatadani doonayaan in ay wadankan u dhameeyaan oo ku milaan kana mid dhigaan sida xaalada Soomaaliya ay tahay. Xaalada manta wadanka ka taagan iyagaa abuuray oo gaadhsiiye halkay marayso. Bal reer Soomaalilandow u fiirsada waxa arimo isdaba yaal ee ay abuureen ee taagan ilaa immika; (a) Maaliyadii oo aan wali khilaafkeedii la xalalin sanadkii loogu tala galayna uu dhamaad ku dhowyahay, iyagaana ku fadhiya. (b) Gudidii doorashada oo wali cakiran oo la rabo in si indho daro ah loo ansaxiyo labadan nin. Soomaalidu waxay tidhaahdaa khalad khalad laguma saxo. Hadii uu khalad dhacay oo sadexdii nin ee aan fulin shuruudihii ay kaga mid noqon lahaayeen gudida doorashada mid ka mid ah la ansaxiyey, miyey garan waayeen in ay labadan nin bedelkoodii keenaan ay sida xanjada ku dhegenyihiin. Waxaana ayaan daro noqotay in ay Guurtadii iyo qaybtii fulintu(xukuumadu) isku milmeen. Saleebaan gaal ayaa hogaan iyo maamul yaqaanana hayga hadho. © Maanta oo kooxdii doonaysay in ay xisbi furatona loogu jawaabay hanjabo iyo xabsi, iyadoo aan si sharci ku jiro loo qancin in aanay furankarin xisbi waqtigan xaadirka ah. Hadaba su'aashu waxa ay tahay goormuu jeel noqday xal?. Sadexdaa arimood ee aan kor ku xusayba waxay yihiin arimo distoori ah oo caqli iyo wada hadal u baahan in lagu xaliyo. Ina Riyaale iyo afartan habaabinayaaba waxay ilaabeen cawaaqib xumada ay leedahay qof aan waxba gaysan oo jeel loo taxaaba. Afwayne ayey meel gaadhsiin lahayd hadii uu jeel xal yahay. Wadankani waxa uu ku soo dhismay oo halkan ku soo gaadhay waa wada hadal, is dhegaysi, iyo is ixtiraam. Maamulkani se astaamahaaso dhan daaqaduu ka tuuray, Soomaalilandna ilaahaybay leedahay. Bulsha waynta reer Soomaalilandna hawl iyo talo wayn ayaa u taala, taana waxay ku gaadhi karaan iyagoo codkooda muu jiya, oo maya yidhaahda maamulkan facaayilkiisa. WSC; Axmed Maxamed Saleebaan Toronto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 29, 2007 Ma Tan Baa Inoo Danbaysay Cabdiraxmaan Aaden Dhamac — ------- — 28 July, 2007 Shacabka Somaliland hiil iyo hooba wey u hureen halganka dalkooga. Waxaana maanta run noqotay in aanu dadku dadkii hore aheyn oo dareenkii iyo damiirkii waayo jiri jiray manta ay bastii tahay dadkuna uu hurdo dheer oo koma ah galay aduuna la socon. Somaliland 5 sanadood oo doorasha xalaal ah baa nalagu xukumaa aynu laheyn ayaa gabaabsi ah. Waxaynu ka dagaalanay ee rag badani dhiigoogu u hureen beri hore ayaa la ilaabay. Cadaalad darada wadanka ka jirtaa waa xad dhaaf. xag iyo xaqdaro ma kala soocna. Maxkamad sharci oo umada kala hagi kartaa ma jirto. Dad aan ilaahay ka baqeynin dhuuni qaatayaal ah ayeynu maxkamad ku sheganaa. Riyaale waxba yaan la eedeyn kuwa durbaanka u tumayaa ee sacabka kala hortaga malin walba waa inaka. Diktatooriyad hadii ay jirto inaka ayaa sameynay. Wax ay soo socotaba maanta waxay noqotay in muwaadaniin dadka iyo dalkaba xurmo ku leh jeelka loo taxaabo. Meel ay tastuurka kaga taalo xadhigooguna aanay jirin. Umadu reer Somaliland gob ayaad tihiin ayaa qancisa. Waxay daahir riyaale u doorteen si sharaleh. Waxaanu ugu abaal guday dhaqankii Siyaad Bare. Nin kii baxayaa indhaha ayaa casaada ayey Somalidu ka maah maahdaa. Maanta waa in xukumadan dastuurkii xaqdhawri weyday, ee ku tumatay umadii soo dooratay sida ugu dhakhsiyaha badan jilaafha loo laabaa lagana faraxashaa. Dhamaantoodna maxkamad cadaalad ah la soo tagaa. Cabdiraxmaan Aaden Dhamac Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 29, 2007 'This Action Cannot Stand!' Press Release By Qaran Party The Qaran Pary — Hargeysa, Somaliland — 28 July, 2007 Press Release Hargeisa July 28, 2007 This action cannot stand! It is regrettable that at this day and age, having all experienced the horrors of bad regimes in the past, the people of S/Land are once again reliving the abusive powers of yet another callous regime. The unlawful arrest of the entire leadership of Qaran is a clear indication of a regime that known no bounds, and feels confident enough to do just about anything it pleases under the cloak of protecting national security (remember the Barre Regime?). The simple fact is that this arrest is purely political and the administration having lost their base support to Qaran are resorting to play the only card left for them to play, and that is the power of detention. The hope is that if Qaran's leadership is put away, the movement will also go away. That is just simple wishful thinking on their part, Qaran's movement is not confined to the leadership of the party, the true power of this movement for change comes from the people locally and abroad, and the consequences of this illegal action from the administration will clearly demonstrate the extent of this support. We urge all peace loving S/Landers to reject this unchecked, arrogant and dangerous action from this administration and stand up to defend the constitution and the laws of our beloved country and say with a single united voice "enough is enough"! The only laws worth having are those worth defending! The Qaran Pary Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 29, 2007 Mujaahidiinta SNM: Koox mujaahidiina oo ka tirsanayd xooggagii ururkii SNM, ayaa si weyn u cabaareeyey tallaabada ay xukuumadda Somaliland xabsiga ugu taxaabtay hoggaankii sare ee urur-siyaasadeedka QARAN. Xubnaha mujaahidiinta ah oo shalay shir jaraa’id oo ay kaga hadlayeen arrintan saxaafadda ugu qabtay hoteelka City Plazza ee magaalada Hargeysa, ayaa amarka ay xukuumaddu xabsiga ugu taxaabtay masuuliyiinta QARAN ku tilmaamay mid gef ah oo baalmarsan nidaamka iyo shuruucda dalka u dajisan, isla markaana waxay xukuumadda u soo jeediyeen in ay si bilaa shuruud ah dhakhso ugu sii dayso hoggaamiyeyaasha ururka. Muj. Kayse Jaamac Kaahin (Geeljire) oo ka mid ahaa xubnaha shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa isagoo faahfaahinayey dhacdada masuuliyiinta ururka QARAN xabsiga loogu taxaabay, waxa uu yidhi; “Maanta (shalay) waxa la xidhxidhay hoggaankii ururka QARAN, dastoorkana way ku caddahay in ururro lagu tartamo horena waa loogu tartamay. Ujeeddada loo xidhxidhayaa waa yaan waddankan waxba jirin ee maaha sharcigay jabiyeen, mana aha rabash bay sameeyeen. Waxa la xidhaa nin fal dambi ah sameeyey oo gacanta kula jira, laakiinse tani [xadhigga masuuliyiinta ururka QARAN] dariiqo sharci oo la isku raaco ayey leedahay. Korka ayaa la jarayaa ummadda reer Somaliland ee qarannimada iyo xorriyadda dhiigga badani u soo daatay ku fadhida, waxaan leeyahay cidi hadday awood sheeganayso annaga oo SNM ah oo Siyaad Barre halkan ka qabsanay ayaa sheegan lahayn, haddii qoriga la isku maquuninayo annagaa ku muquuqin lahayn, annagaa Afweyne ka dajinay oo nidhi nin walowba waa kuu mubaax, saaka in tiiyoo kale dib loo bilaabo ninba ka yeeli maayo, haddii waddanka waxa laga wado laga joojin waayo oo lagu dhiqi waayo dimuqraadiyadda iyo distoorka ciddii lahayd ayaa qaadan doonta, nin walbana wuxuu yahay ayuu noqon doonaa. Waxaan hadalkayga ku soo ururinayaa halaga qaado nimankaa faraha, haddii laga qaadi waayo wax laga yaabo ayaa dhici doona. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 29, 2007 Burco iyo Dareenka Xadhigga Hoggaamiyeyaasha QARAN: Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ayaa dareen cadho leh ka muujiyay, ka dib markii la ogaaday in la xidhay madaxdii sare ee ururka QARAN, loona gudbiyay Xabsiga Madheera. Waxa Magaalada ka Socda Kulamo iyo Shirar lagaga hadlayo Xadhigan Masuuliyiinta Qaranka,kaasoo loo Arko mid lagu khalkhalinayo Deganaashaha Dalka,Islamrkaana Xukuumadu markii ay ogaatay in Kalsoonidii Shacabigu u hayay ay sii yaraanayso ay ku dhaqaaqday Talaabooyinka ay ku xidhay Masuuliyiinta Ururka Qaran ee kala ah Dr.Maxamed Cabdi Gaboose,Inj.Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid. Shacbiga ayaa Xadhiggan ku tilmaamay mid dadka Xasuusinaya Kalistalimadii Xiligii Siyaad Bare,balse Xukuumada Rayaale ilowsan tahay wxii ka dhashay arimahaas. Waxay dadweynuhu ku baaqeen in si dhaqso ah loo sii daayo Masuuliyiintaas oo loo celiyo Xoriyadoodii. Dhinaca kale Guddiga Wadajirka labada Beeleed ee (Habar Yoonis iyo Habar Jeclo) ayaa kulan ay shalay isugu yimaaddeen waxa ay ka soosaareen bayaan ay ku cambaareynayaan xadhiga Masuuliyiinta Qaran, kuwaasoo ku tilmaamay in sharci-darro lagu abuurayo xasillooni-darro si aanay u qabsoomin doorashooyinku. Haddaba, bayaankaas oo ay ku saxeexnaayeen in ka badan 25xubnood waxa uu dhignaa sidan. “Sida aynu Maalmahanba Maqlaynay ficilkeeduna uu muuqday saaka subaxnimadii [shalay] 28.7.07.waxa dhacay xadhig sharci daro ah oo ay fulisay Dawladu,kuna fulisay Madaxdii Sare ee Ururka Qaran. Haddaba, waxaanu u aragnaa xadhiggaa inuu yahay mid sharci daro ah oo aan waafaqsanayn Distoorka iyo Xeerka waddanka u yaal, kaas oo ina xasuusinaya dhibtii uu ummadan soo mariyay Nidaamkii Siyaad Barre ee digtaytarka ahaa. Gudiga wadajirka ee labada Beelood waxay cambaareynayaan Xadhigaas Sharci darada ah, waxaanay soo jeedinayaan in si bilaa shuruud ah oo degdeg ah loogu soo celiyo Madaxbanaanidoodii, dawladduna ay ka korto Cagajuglaynta iyo Cabudhinta aan waafaqsanayn dimuqraadiyadda iyo shuruucda wadanka u yaal, laguna kala baxo wixii muran sharci ah ee yimaadda Dastuurka iyo Xeerarka Dalka. Waxa kale oo beeluhu ay ka dareen qabaan inay dawladdu arrimahan uga jeedo xaalad-abuur lagu caqabadaynayo Doorashooyinka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 29, 2007 Xadhiga Dr. Gaboose, Muj. Maxamed.. Rashid — USA — 28 July, 2007 Salaamu Aleekum; Dhamaantiin waan idin wada salaamay. Marka xiga waxa mar dhawayd la i soo gaadhsiiyey in la xidhay Dr. Gaboose, Muj. Maxamed Xaashi, iyo Jamaal Caydiid. Mudo ku dhadhoow 30 meeyo sanno ka hor bay ahayd markii Inj. Maxamed Xaashi iyo 6 nin oo uu ku jiro toos ugu dhawaaqeen SNM. Qorshaha laga lahaa maalintaa SNM in la abuuro waxa keenay xukun kali talis ah, xaqdaro qof ka lagu xidho, kufsi, dhac, iwm. Waxa halgankii dhalay waxa maanta aynu ugu yeedhno Somaliland. Su'aasha u baahan in aan is waydiino dhamaanteen waxa weeye, hadii waxa hada jooga aan aqbali karo, maxaan 1988-1991 u burburinaynay Hargeysa, Burco, iyo Berbera? Hadii aan aqbali karo in muwaadinka lagu dulsocdo, maxaan bara kaca intaa leeg ugu badheedhnay? Hadiiba Somaliland ay maanta marayso kuwii u soo halgamay in god lagu rido, maxaan u diidaynay nidaamkii kaligii taliye Afweyne? Waa ayaan daro in Riyaale saamaxaadii la saamaxay in ay ku filaan waydo oo maanta uu miciyo la soo baxo. Waxa hubaal ah oo aan u baahnayn markhaati in dadkii dhagta dhiiga loogu daray Lawyacado, ee Jibuuti laga soo mastaafuriyey in uu Riyaale lug ku lahaa. Waxaa marag ma doon ah in dadkii Carabaha laga soo mastaafuriyey ee dhagta dhiiga loogu daray Berbera SNM baad taageertaan markii Berbera la keenay in uu Riyaale lug ku lahaa. Maantana waxa uu cadaystay inuu dagaal qaawan kula kaco Ragii Illaahay ka sokow sababta u ahaa Somaliland. Waxa haboon in runta la isu sheego oo la is waydiiyo, waxa aynu rabno maxay tahay? Ma dal baan rabnaa in aan noqono xaq iyo sharci lagu kala socdo, mise meel kolba guruubkii yimaadaa sida ay doonaan ugu takri falaan oo dadkana lagu khuukhiyo NABAD GALYADA AAN DHOOWRO? Nabad Galyada ninka diidani waa ka u diidan muwaadinka in uu xuquuqda sharcigu siiya ku dhaqmo, lagulana dhaqmo. Sharcigu one way street maaha, mid dhinac qudha qabta oo lagula dhaqmo maaha, ee waa in loo wada sinaado. Hadii taasi dhici waydo, kan awooda sheeganaya isna loo aqoonsan maayo qayb ta qudha ee sharciga ka mid ka ee isaga awooda siinaysa. Isna sharci kuma joogo oo kuguma haysto ayay ka dhigan tahay. Markaa ta xigi "NINKII CAQLI LIHII WUU GARANAYAA DOQONA LOO SHEEGI MAAYO". Qolada maamulka ee guriga quraarada ah ku jirta dhagaxana tuurtuuraysa, waxa aan u sheegi in cida wax kasta waayeysaa ay iyaga tahay, oo cid kale oo caano ka daadanayaana aanay jirin. Taa Riyaale iyo daba dhilifkiisa Cawil, C/laahi Ciro, Dhoolayare, Sulub, iyo Awr Kiraale Ismaaciil ****** ha loo sheego, hadii ay rumaysan waayaana ha loogu dhaarto. Somaliland ama ha lagu kala guuro ama wixii loogu badheedhay halgan ka dheer waa in muwaadin kasta oo ku nool uu helo. Beerka jecli xaydha jecli iyo nabad la isku khuukhiyo mid na meel inagayn mayso, ee waa in xaqa loo hiiliyaa, hadii kale maaweelo caruurta halagu jiro inta baaqigii ka hadhay Afweyne, C/laahi Yusuf Yey iyo qayrkii inta ay yimaadaan oo fuliyaan riyadiisii ahayd Beer oo Burco agteeda ah waa gobol ka Cayn, Sanaag iyo Sool na tiradaba marka hore kuma jiraan oo in ay ka taliyaan bay u haystaanba. "NINKA TA JOOGTA AAN GARAN TA SOO SOCOTANA MA GARTO". Bal aan dhawro ayaamo iyo halka ay ku danbayso. Salaamu Aleekum; Rashiid Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 2, 2007 Madaxwayne Riyaale Kadaa Kadaa Kadaa Cabudhinta Handadaada Iyo Cagajuglaynta Jamhuuriyada Soomaaliland' Jal S/L Ee Manchester UK Somaliland.Org — London, UK — 1 August, 2007 --------- Riyaalow Madaxweyne, maalmuhu markasta kuu noqonmaayaan ciid ama sidaad doonayso, madaxwayne Riyaale... kadaa ...kadaa... kadaa cabudhinta handadaada iyo cagajuglaynta Jamhuuriyada soomaaliland, hana ku dayan; 1-Hayeelin hana ku dayan gedii iyo dhaqankii maamulkii gedo ee Siyaad bare kuna dhisnaa maroorsiga; 2-Hayeelin hana ku dayanin gedii iyo dhaqanka Madaxweyne CABDILAAHI Yuusuf ee maanta maroorsiga ku dhisan; Labadaas xukun ee qalafsan korna ku xusan, waxaa laga dhaxley burbur, barakac iyo dhimasho aan tiro lahayn, oo ay nidaamadaasi ummada soomaaliyeed badeen, taaso keentay hurgumooyinka iyo dhibaatooyinka ummada Soomaaliyeed maanta haysta, oo taariikhda ummada Soomaaliyeed ka galay baal madow oo marna Somaalidu aanay ilaabi Karin. Haddii aanu nahay Qurbajooga reer S/land ee Manchester, madaxweyne Riyaale iyo maamulkiisow waxaan idin soo jeedinaynaa inaad raacdaan dariiqii ama dhabadii suubaneyd ee uu jeexay Madaxweynihii1aad ee Soomaaliland, ilaahay ha u naxariistee Mudane Madaxweyne; Cabdirahmaan Axmed Cali, kuna saleysnayd falsafadda ismaqalka, deganaata iyo nabadaynta Beelaha reer S/land, taaso keentay nidaamka dawladnimo ee reer S/land maanta haystaan. Runtii, taasiwaa marag madoonto in ay dadaaleen siyaasiyiinta, mujaahidiinta Aqoonyahanka iyo Odayaasha guurtida S/land Sacabadana ay is qabsadeen Guntiga u adkaysteen sidii bulshada reer somaaliland nabad ugu wada noolaato, Barwaaqo iyo badhaadhe dhamaantood, taas oo ay ka miro dhaliyeen. Iyadoo aan la been abuurayn Taariikhda, waxaa la sameeyey shirweynihii beelaha Somaliland ee ka dhacay Boorame, kaaso qaatay muddo 5 bilood, Heshiisyadii ka soo baxay shirkaas waxay dhaliyay dawlada ka jirta Soomaaliland maanta. Haddaba waxaa isweydiin mudan in laga jawaabo su;aalahan; 1-Maxay dawladu ilaa shirkii Boorame ay dhina qudhe oga raran tahay oo marnana aan la badalin? 2-Ma sidaasbaa cadaaladu, mise waa dhaxaltooyo ay garteen beelaha galbeed? 3-Haddi uu kuu saamaxay waqtigu inuu ku soo maro xukunkii ugu dheeraa ee Soomaaliland, Miyaad garan wayday tanaasulka iyo xurmadda reer Soomaaliland.. Mise waa jujuub iyo maroorsigii sidii Siyaad Barre lugu yiqiin? 4-Miyay gayaan siyaasiinta, aqoonyahaka iyo waxgaradkii u soo halgamay soo celinta xoriyadda soomaaliland oo maanta la harsanayo xadhig iyu u taxaabid xabsi? Haddaba waxaa naxdin leh, xadhiga iyo xabis u taxaabida sharci darrada ah ee lagu sameeyey siyaasiinta aqoonyahaka iyo haldoorka jamhuuriyada S/LAND..sida dhacday maalintii sabtidii, taariikhdu ahayd 28/07/07 kuwaaso kala ah: 1- Dr. Maxamed cabdi gaboose 2- Ing. Maxamed Xaashi Cilmi 3- Mr, Jamaal Caydiiid Falka noocaas ah ee Riyaale iyo Xukuumadiisu ku kacday waa ayaan darro weyn oo ku habsatay S/land, Arrinkaas oo lagu degdegey fiiro dheerna laga yeelan huwana fool xumo weyn, Taasina waxay keeni kartaa gadood, isku dhac, jahawareer, kacdoon iyo burbur ku habsada qaranimadda S/LAND. Iayadoo aynu higsanayney, hadaynu nahay ummadda reer soomaaliland himilo weyn oo citiraafka ah, isla markaana indhaha caalamkunna inoo soo jeedaan. Haddaba falalka uu samaynayo maanta ina Riyaale waxay wiiqaysaan nabadda, naaladda iyo barwaaqadda aynu harsanayno waxayna dib udhigaysaa aqoonsigii caalamiga oo ay sugeysey Somalilanad. Waxaan u sheegaynaa haddaanu nahay aqoonyahanka reer Somaliland ee qurbo joogta ah ee ku nool magaaladda Manchester In dawladda iyo riyaalaba ay u soo celiso sharaftii iyo xurmadii ay lahaayeen siyaasiyiinta la xidhay, isla markaana si deg deg ah loo sii daayaa oo bilaa shuraad ah. Bayaankan waxaa soo saaray magacyada hoos ku qoqran: Quote Share this post Link to post Share on other sites