Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

26 june Somaliland independence day celebrated In hargeysa.

Recommended Posts

26 June 2009 oo si heer qaran loogu xusaya madaxtooyada Somaliland

Warkii 26-Jun-2009 iyo Qormadii: sugulle

Waxaa caawa lagu xusay 26 June 2009 magaalo madaxda Somaliland ee hargaysa gaar ahaan waxaa xaflad qaran loogu sameeyay xarunta madaxtooyada Somaliland oo ay isugu yimaadeen madaxda dawlada , isimada ,culumadda, xisbiayad dalka iyo bulsho waynta Somaliland.

 

 

26 June 2009 waa maalintii gobolada waqooyi xornimada ka heleen gumaystihii ingiriiska ee gumaysan jiray dhulka hadda uu ka arimiyo maamulka soomaaliland waana maalintii ugu horaysay ee calan soomaaliyeed dhulka korkiisa lagu mudo.

 

 

 

xaflada oo ay goob jog ka ahaayen madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland mudane daahir riyaale kaahin iyo marwadiisa hudda barkhad aadan , madaxwayne ku xigeenka mudane axmed yuusuf yaasiin , iyo dhamaan golaha xukuumada Somaliland.

 

 

 

waxaa sidda caaddu ahaydba lagu furay xafladda quraanka kariimaka , kadibna uu halkaa kazoo jeediyay kalmadii xaflada wasiirka madaxtooyada nuur aadan ismaaciil oo ku hadlaya afka madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland mudane daahir riyaale kaahin iyo xukuumaddaba uu yir waxaan salaan iyi hanbalyo u dirayaa bulsho waynta reer Somaliland dal iyo dibadba oo aah leeyahay ciida ciideeda bashbash iyo barwaaqo iyo nabad galyo ilaahay haynagu gaadhsiiyo .

 

 

 

intaa kadib waxaa xafladii maamulkeeda iyo hanaankeedii la wareegay fanaaniin aad u tiro badan oo dalka gudiisa joogtay iyo kuwo dibadda ka soo kici timay , halkaana ku soo badhigay heeso aad dadkii goobta joogay u wada qanciyay ,waxaa goobtaa si aada looga tilmaami karaa fanaanda wayne somaliyeed maryan mursal ciise iyo labadeeda wiil oo baryahan danbaba ku sugnaa Somaliland, maryan waxay halkaa ku soo bandhigtay hees aad dhawaanahanba dadka reer Somaliland ula dheceen oo xafladii 18 may ee sanadkan ay ku soo bandhigtay , noqotayna heesta kaliya ee loogu jecel yahay Somaliland.

 

 

 

Fanaaniinta oo ahaa cida kaliya ee goobtaa sida aadka ah uga muuqanayay ayaa waxay ku soo bandhigeen riwaayad ay ugu magac dareen furaha nolashu waa nabad oo ay halkaa dadka ku tuseen wax ay nabadu tarto iyo waxa laga dhaxlo colaada .

 

 

 

Isku soo wada duuboo xafladii waxay ku soo gabogaboowday jawi aad u heer sareeya oo ay ku jirtay farxad iyo rayrayn aad ka dareemayso dadwaynah iyo madaxdii halkaa isugu timi .

 

 

 

 

 

Sugulle

 

Afnugal office hargaysa

 

somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this