Sign in to follow this  
Somali_Friend

ICU arrests and expels Italian Journalist for confirming Eritreans presence in Mugadi

Recommended Posts

bambo   

Axad, December 03, 2006(HOL): Degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa la soo sheegayaa in ay dadka degan muujinayaan cabsi ay ka qabaan in uu halkaas dagaal ka dhaco, iyadoo maalintii shalay ahayd ay halkaasi gaareen ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka, halka Dowladda Federaalkana la sheegayo in ay halkaas ciidamo u dirtay.

 

 

 

Degmada Diinsoor waxay ka mid tahay afar degmo oo ka tirsan Gobolka Bay, kuwaasi oo hoos yimaada maamul ay dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u sameysay, waana taasi ayaa la leeyahay sababta keentay in ay Dowladda Federaalka Ciidamo u dirto Degmadaas oo haatan ay ku sugan yihiin ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka. Degmada Buur-kaba oo ay tirsaneysay Dowladda Federaalka ayay Maxkamadaha Islaamka sidoo kale la wareegeen, haatanna ay ka taliyaan.

 

 

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga Al-Bayaan Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed in ay u dirtay Degamada Diinsoor Ciidamo Itoobiyaan ah oo uu la socdo Wasiirka Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen, wuxuuna ugu baaqay Maxamed Ibraahim Bilaal in aysan Dowladda Federaalka dhibaato u horseedin dadka reer Diinsoor oo haatan nabadgelyo heysta, inkastoo dowladda Federaalka ay beenineyso in ay ciidamo u dirtay Degmadaas.

 

 

 

Maxamed Ibraahim Bilaal waxaa uu intaas ku daray in aysan u habooneyn in Wasiirrada ka tirsan Dowladda Federaalka ay xabasho horkacaan oo ay ku hoggaamiyaan meelaha ay maxkamadaha Islaamka nabadeeyeen, wuxuuna carabka ku dhuftay haddiiba dagaal dhaco in ay mas'uuliyadda arrintaas dusha u ridan doonto Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

 

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga Al-Bayaan Maxamed Ibraahim Bilaal wuxuu sheegay in ay kula talinayaan Wasiirka Ciidamada hoogaaminaya oo u dhashay deegaanada Digil iyo Mirifle in uusan nabadda ay heystaan ka carqaladeeyo dadka Degmada Diinsoor oo uu sheegay in ay Maxkamadaha soo dhaweeyeen, isla markaana ay nabad rabaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in la arkay in aysan Amxaaro waxba tareynin, isla markaana aysan jirin cid ay wax ka qaadeyso.

 

 

 

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Degmada Diinsoorna waxay sheegayaan in ay halkaasi xiisad ka soo cusboonaatay kadib markii ay ciidamada Dowladda Federaalka ku dhawaadeen deegaanada ay ku sugan yihiin Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee shalay la wareegay gacan ku heynta Degmada Diinsoor, waxayna taasi keentay in ay dadka deegaanadaas ay guryahoodii uga barakacaan cabsi dagaal darteed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

sooon Baydhawa will be liberated inshallah ...!!!!!!

 

 

TFG is dead the fight is between Tigrey family and Maxkmadah

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^

“Haddii rajo Soomaaliyeed jirto ilaa burburkii Jeenaware 1991, nimankaa wadaada waxay hadda bilaabeen anigu rajo ka horeeysa ma arko”, Cali Kaliif Galayr oo ka hadlaya shirkii NSPU ee Midnimada Soomaaliya.

 

“The only hope for Somalis, if there is any hope since the beginning of the civil war in January 1991, is the ongoing initiatives of UICs. Period”, Ali Kalif Galayr speaking at Northern Somalis for Peace and Unity conference held over the weekend in Washington, D.C.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by bambo:

sooon Baydhawa will be liberated inshallah ...!!!!!!

 

 

TFG is dead the fight is between Tigrey family and Maxkmadah

bambo,

You have to step on some other big toes (somali, oromo, Afar) before you get to Tigray.

Eritreans are there 500 meters from Tigray and Afar over a thousand km, but they have chosen instead "to fight to the last somali from mugadishu" (prime minister meles zenawi).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this