Sign in to follow this  
General Duke

Geedi holds further talks with civil society, elders and district leaders..

Recommended Posts

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo maanta kulan xasaasi ah la yeeshay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka socotay bulshada Rayidka

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 06/01/07

 

Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Fkmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi kulankaasi ayaa waxa uu ku saabsanaa sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadgalyada degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu u balan qaaday inuu siin doono Ciidamo Booliis ah oo la geyn doono dhamaan goobaha saldhigyada Booliiska degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Banaadir.

 

Mudane Geedi ayaa warbixino ka dhagaystay dhamaan gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka iyo masuuliyiin kakala socotay bulshada Rayidka waxaana ay dhamaantood soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah sidii hubka loo qaadi lahaa.

 

 

 

Bulshada Rayidka, xildhibaano ka tirsan Dowlada Fkmg iyo Siyaasiintii hore ayaa loo magacaabay gudiyo heer qaran ah oo laga doonayo inay keenaan talooyin ay ku hawl galaan ciidmada Dowlada kuwa Xooga dalka iyo Booliiska.

 

Waxaana maalmaha soo socda looga fadhiyaa sida ugu sahlan ee nabad looga dhalin karo magaalada Muqdisho, waxaana laysku raacay in dhamaan isgooysyada magaalada Muqdisho oo kor u dhaafaya ilaa boqol la doonayo in la dhigo ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka isla markaana la sugo amaanka guud ee magaalada Muqdisho.

 

Markaa ka dib la bilaabo hub uruurin si dadweynaha ay ugu qancaan sidii ay u heli lahaayeen amaan buuxa, mid ka mid ah bulshada rayidka ayaa soo jeediyey hadii magaalada amaankeeda la sugo in dadweynuhu ama gacansatada ay dhiibi karaan hubkooda.

 

Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa magacaabay gudiyo isku jira oo heer qaran, Gobol iyo degmoba leh sidii magaalada Muqdisho ay ugu shaqeyn lahaayeen iyadoo laga sugayo talo soo jeedin ah.

 

Prof. Cali Maxamed Gedi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ciidamo Milatery iyo kuwo Booliis ah bulshada rayidkana laga sugayo talo wax ku ool ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this