Sign in to follow this  
General Duke

Carmo: Somali national police academy..PICS

Recommended Posts

Madaxweynaha DGPL ayaa waxa uu kormeer ku tegay Akadamiyada Booliiska ee Carmo (Daawo Sawiro)

Last Updated::2007-02-19 11:58:08

 

Carmo:- Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxa ay kormeermeer ku soo mareen qaybaha uu ka kooban yahay Akademiyada Booliiska Carmo.

 

Madaxweynaha DGPL mudane Maxmuud Muuse Xirsi ayaa waxa uu halkaasi warbixino kaga dhegaytay taliyaha Akademiyada Carmo,isagoo aad ugu mahad celiyey booshaqada uu ugu yimid Madaxweynuhu aadna ay ugu faraxsan yihiin, wuxuuna u sheegay sida ay hadda shaqadu ugu socoto ay hadda ku jiraan qalabayntii hoolalka, xafiisyada, fasalada iyio qolalkii la seexanayey, mid kastana aad soo aragtay hadda waxa keliya ee ku sugan waa saraakiishii oo uu u socdo tababar ka dibna ay soo xereen doonaan dufcadihii kale.

 

 

Intaasi ka dib ayaa waxa uu madaxweynuhu kulan la qaatay saraakiisha ka hawlgasha Akademiyada iyadoo uu mid ka kastana uu ka warbixyey taliyaha Akademiyada Gaashaanle sare Gaani waxa uu u qaabilsan yahay, taliyaha ayaa waxa uu madaxweynaha u sheegay in ay jiraan rag halkan fadhiyey in aad u qortid dalacado waayo waa ay mutaysteen shaqo fiicana waa ay qabteen.

 

 

Intaasi ka dib ayaa waxa hadalkii loo wareejiyey Madaxweynaha DGPL Mudane Maxamud Muuse Xirsi wuxuuna aad ugu mahadceliyey Saraakiisha ka howlgasha Akedimayada Booliiska ee Carmo, waxaana aad ugu farxsanahay sida aad u haysaan Akademiyada ee aad u ilaaliseen hadday ahaan lahayd nadaafad iyo si kastaba, waxaan jecelahay in ay wax ka bartaan cid kasta oo soomali ah, meel kastaba ha ka yimaadeena,mustaqbalkana ay noqoto meel lagu tababaro shaqaalaha iyo ardayda soomaaliyeed ee ka soo qalin jabisay dugsiyada sare.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tababar loo soo xiray Ciidamada Illaalada Xeebaha Puntland

Last Updated::2007-02-19 12:02:02

 

Qardho:- Ciidanka ilaalada badda Puntland ee loo soo xiray tababarka ayaa waxa uu ka koobnaa ilaa 250 askari oo dhamaantoodba ka kala yimid gobolada Puntland ay ka kooban tahay.

 

Ciidanka ayaa waxa tababarka siinayey Tababaryaal u dhashay dalka yeman, hadaba ugu horrayntiiba waxa halkaasi warbixin ka soo jeediyey tababaraha ciidanka oo ah nin u dhashay dalka Yemen, wuxuuna sheegay in uu kala saari doona ciidamadan laguna kala saari doono imtixaankii hore looga qaaday taasi oo uu madaxweyanaha tusay.

 

 

Intaasi ka dib ayaa waxa halkaasi hadal dardaaran ah ka soo jeediyey Madaxweynaha DGPL mudane Maxmuud Muuse Xirsi oo aad ugu mahad celiyey tababarayaasha ciidanka siinayey tababarka oo mudadii koobnayd u dulqaatay howshan ay fulinayeen.

 

Wuxuuna ciidankana kula dardarmay sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda shaqo, ninkastana meesha la geeyo waa in uu si fiican uga howlgalaa waxaad ogaataan in aanay jirri doonin sidii hore ee ninkii gudan waaya hawshiisa sharciga la horkeeni doono, hadda waan ka gudubnay wixii la oran jiray qabiil ee lagu dhaqmi jiray hadda sharciga ayaa lagu dhaqmayaa ee sidaa ha la ogaado.

 

 

Ugu dambayntii ayaa waxa uu madaxweyuhu kulamo kula qaatay Hoteelka Alla Amiin ee magaalada Qardho qaybaha bulshada eek ala duwan.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

ababar loo soo xiray Ciidamada Illaalada Xeebaha Puntland

Waan ku farxi lahaa haddii ciidamadan loo tababarey xeebaha ay gacan xoog leh ka geestaan sidii ay u joojin lahaayeen kumanaanka qof ee doonyaha ka raaco xeebahaas oo dhan, mise shaqadoodu waa sidey uga hor tagi lahaayeen tuugta kalluunka Soomaaliya xoogga ku dabata?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this