Sign in to follow this  
Jabhad

Ethiopian leading the coalition of the willing agains the ICU.

Recommended Posts

Jabhad   

Xukuumadda Ethiopia Oo Shir Qarsoodi Ah Isa Soo Hor Fadhiisisay Xukuumadda Somaliland Iyo Col Cabdilahi Yusuf

Somaliland.Org — Addis-Ababa, Ethiopia — 17 October, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Addis Ababa (Somaliland.Org) Wefdi heer wasiiro ah oo xukuumadda Somaliland ka tirsan oo uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta, Md Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa sadexdii cisho ee ugu danbeeyey ku sugnaa caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa. Wararka ka imanaya magaaladda Addis Ababa ayaa sheegaya in maalintii shalay uu halkaas ku dhex maray kulan qarsoodi ah wefdiga Somaliland iyo Madaxweynaha Dawladda ku meelgaadhka ee Somalia, Cabdilahi Yusuf Ahmed.

 

 

Warku waxa uu intas ku darayaa in arrimaha labada dhinac kaga wada hadleen shirkaas ay ahayd sidii ay isaga kaashan lahaayeen ka hortaga Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho. Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdilaahi M Ducaale iyo weftigaasa ayaa jirin wax wara oo kulankaas iyo arrimaha lagaga wada hadlay ay kasoo saareen.

 

 

Madaxweynaha Somaaliya Cabdilaahi Yusuf Ahmed ayaa 13kii bishan si kadis ah uga soo baxay magaaladda Baydhabo o fadhiisin u ah xukuumadiisa, wakhti lagu waday inuu ka qayb qaato xaflad loogu dabaal degayo sanad guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii Madaxweynaha loo dhaariyey oo dhici lahayd 14.10.06.

 

 

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in xukuumadda federaalka ee Ethiopia ee gaadh wadeenka ka yahay Ra’iisul Wasaare Melez Senawi ay kasoo shaqaysay kulankan, sidii ay cudud midaysan oo ka hor tagta Maxkamada Islaamiga ee Muqdisho u samayn lahayd.

 

 

Xidhiidhka Somaliland iyo Cabdilaahi ayaa ahaa mid aad u xun kadib markii maleeshiyo ka amar qaata Cabdilaahi Yusuf ay xoog ku qabsatay gobolo ka mid ah Somaliland, wakhti Cabdilaahi Yusuf uu madax ka ahaa maamulka **********.

 

 

Cabdirisaq M Dubad, Hargeysa

 

 

Somaliland.Org

http://www.somaliland.org/ns.asp?ID=06101702

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this