Gabbal Posted March 9, 2009 Ururka Al Shabaab oo galabta Xukun Tacsiir ah ku filiyay dhalinyaro la sheegay in ay gabar ku kufsadeen magaalada Muqdisho(DAAWO SAWIRADA). Shabelle: MUQDISHO Ururka Al Shabaab ayaa galabta Xukun Tacsiir ah ku filiyay dhalinyaro la sheegay in ay gabar ku kufsadeen Xafadda Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho. Galabta ayaa dhaq dhaqaqa Ururka Al Shabaab waxaa uu xukun Tacsiir ah ku filiyeen Ilaa 4-dhalinyaro oo lagu eedeeyay in ay gabar 18-sano jir ah ku kufsadeen Xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho. Xukunka Tacsiirta oo galabta ka dhacay xaredii Maslax ee xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa waxaa ka soo qeyb galey dadweyne aad u fara badan kuwaasi oo u soo daawasho tagay Xukunka lagu filinayo dhalinyarada la sheegay in ay geysteen Kufsiga. Sheekh Cabdi Xaqqa oo ah qaadigii xakumay Maxkamadda ayaa waxaa uu sheegay in afartaan wiil oo da’doodu ay kala aheeyd 15-jir,15-jir kale,16-jir iyo 18-jir ayaa midkiiba lagu xakumay in lagu dhifto min 100-boqol jeedal maadaama aysan soo wada marin wax guur ah oo ay sinaysteen sida uu sheegay. Waxaa kale oo lagu xakumay dhalinyaradaan in ay bixiyaan meherka gabadhaani iyo sidoo kale in ay bixiyaan wixii ay heli laheyd gabar Bikro ah iyo in dhamaan dhalinyaradaani laga Masaafuriyo gobolka Banaadir oo ay wax ku kufsadeen islamarkaana loo masaafuriyo gobolo kale sida ay maxkamadu xukuntay. Xukunkaani galabta lagu fuliyay dhalinyarada ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay wakiilka Al Shabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Cali Max’ed Xuseen isagoo sheegay in arintaani ay qeyb ka tahay hergelinta shareecada islaamka. Ugu dambeyntii ayaa wiil ka mid ah Dhalinyarada maanta la xakumay waxaa uu Idaacada Shabelle u sheegay in uu ku faraxsanyahay xukunka Maanta lagu fuliyay. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted March 9, 2009 Xukun Tacsiir ah ku filiyay dhalinyaro la sheegay in ay gabar ku kufsadeen magaalada Ciqaabta kufsiga ma tacsiir ba? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meiji Posted March 9, 2009 It looks like they are performing their usual PR-rituals to maintain the image of ''been relevant'' in Mogadishu. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted March 9, 2009 Originally posted by Juje: quote: Xukun Tacsiir ah ku filiyay dhalinyaro la sheegay in ay gabar ku kufsadeen magaalada Ciqaabta kufsiga ma tacsiir ba? Juujoow waa arrin iswaydiin mudan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 10, 2009 This is more like Acting .......... not actual karbaashing. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 10, 2009 I like the way he is posing, "saxib, you hit me hard that time take it easy".. A play among friends. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted March 10, 2009 If he runs, will the ones at the back SHOOT HIM? Quote Share this post Link to post Share on other sites
axmad gurey Posted March 11, 2009 wow!!! not one person is supporting an example of implementation of the law of Allah! I think we need to look past any hatred we may have in our hearts for certain individuals or groups and approve of this action. Quote Share this post Link to post Share on other sites