Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland + EU UN to vastly improve states education

Recommended Posts

waxb4.jpg

 

Madaxwaynaha PL oo Maanta Furay 5 Mashruuc oo Lagu Hormarinayo Waxbarashada

 

Madaxwaynaha Dawlada PL Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray 5 mashruuc oo waxbarashada lagu hormarinayo kuwaas oo ay ka mid yihiin Dugsiyada hoose /dhexe Dugsiyada sare Farsamada gacanta iyo Tababaradda Macalimiinta kuwaas oo ay la fulinayso wasarada waxbarashada Ha yado ay ka mid yihiin Save the Children ADRA Diakonia iyo kuwa kale oo socnaya mudo 3 sano ah.

 

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay wasiirka waxbarashada Pl Cabdi Faarax juxa oo isagu ku dheerada Mashaariicdaani waxaa ay ay yihiin kuna tilmamay kuwa hormarinaya Waxbarashada Pl isla markaasna mira dhalay waxaana kale oo uu intaasi raaciyay in ay Geed dheer iyo mid gaaban ay wasaaradu u fuushay sidii Kor loogu qaadi lahaa waxbarashada Pl.

 

 

Madaxwaynaha PL C/raxmaan Maxamed Farooole ayaa isna ku amaanay wasaarada waxqabadka muuqda ee ay samaysay isagoo sheegay in Pl ay ku yaalan 1200 oo Iskuul ayna wasaradu ku guulaysatay sidii manaahij isku wada mida loo wax loogu dhigii lahaa , sidoo kale waxaa uu madaxwaynuhuu sheegay in ay wasaradu intii uu maamulka uu hayey ay Deeq waxarasho ay u dirtay arday badan kuwaas oo lagu soo kala xulay Dugsiyada sare ee PL

 

 

Waxaana Goob Joog ka ahaa Dhamaan Ha yaddaha La shaqeeya Wasaarada waxbarashada Pl oo tilmaamay in ay wada shaqayn Fiican ay la leeyihiin Wasarada, mashaariicdaana ay yihiin kuwa ay wada fulinayaan Labada dhinaca.

 

 

 

C/nasir Yaasin Salaad

SBC International Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulan balaaran oo looga hadlayo mideynta waxbarashda deegaanada puntland oo maanta ka dhacay xarunta wasaaradda waxbarashadda DPL ee Garoowe.

 

Xafladani oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay islamarkaasna lagaga hadlayey midenta waxbarashadda gobolada puntland ayaa maanta waxa ay si habsami ah uga dhacday xarunta wasaaradda waxbarashadda ee magaalada garoowe.

 

Xafladani oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha DPL Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole hay’adaha ku shaqada leh waxbarashada iyo marti sharaf kala duwan oo isugu jira wakiilo ka kala socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa muxaliga ah.

 

Ugu horeyn xafladaasi ayaa waxaa daaha ka rogay madaxweynaha DPL Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo isaga halkaasi mahad celin balaarana uga soo jeediyey cidii soo agaasintay xafladani weyn oo ah mid ahmiyad lagu saarayey sidii loo mideyn lahaa iskuulka waxbarashadda ee deegaanada puntland kaasi oo in dhawaalaba ay dadaal dheeraad ah ugu jirtay wasaaaradda waxbarashadda DPL madaxweynaha ayaa waxaa uu halkaasi sidoo kale amaan uga soo jeediyey hay’adaha ku hawlan waxbarashada isagoona kula dardaarmay In ay sii laba laabaan.

Xafladani oo qaadatay wakhtigii loogu talogalay ayaa waxaa ugu danbeyntii faah faahin ka bixiyey islamarkaasna shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa magaalada garoowe Wasiirka waxbarashadda DPL Mudane cabdi Faarax oo isaga halkaasi kaga warbixiyey wax looga gollahaa xafladani isagoona war fidiyeenada tafaasiil uga bixiyey wixii ay ku saleysnayd xafladani wasiirka waxa uu sheegay in xafladani ay ahayd mid loooga gollahaa sidii guud ahaan loo mideyn lahaa waxbarashadda Gobolada Puntland taasi oo ah mid haatan u baahan in la dardargeliyo.

 

Sidoo kale wasiirka waxa uu ka warbixiyey waxqabadka wasaaradiisa mudadii uu isaga wasiirka ka aha isagoona carabka ku dhuftay in wasaaradiisu wax badan u qabsoomeen mudadii uu jiray maamulka Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole isagoona ku amaanay hay’adaha ku shaqada leh waxbarashadda.

 

Ugu danbeyntii wasiirka oo hadalka si aad ah ugu dheeraaday ayaa waxa uu xusey in wasaaradiisa ay had iyo jeer u heelan tahay la shaqeyn bulshada iyo sidii ay waxbarasho tayaysan u heli lahaayeen ardayday reer puntland isagoona sheegay in mustaqbalka fog wasaaradiisa tiigsanayso waxqabad fiican.

 

Xuseen Cabdulaahi Xasan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this