Showqi Posted September 2, 2010 Kooxda Alshabaab ayaa maanta burburisay goobo ganacsi iyo wadooyin dhex mara Suuqa Bakaaraha Muqdisho. Howl-gal ay maanta sameeyeen Maamulka Gobolka Banaadir Ee Kooxda Alshabaab ayaa lagu burburiyay dhismayaal ku yaala suuqa Bakaaraha oo wadooyinka laga dhisay iyo Jardiinooyinka ku yaala hareeraha Laamiyada dhex mara Suuqa. Gudoomiyaha Alshabaab Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen “Cali Jeesto” oo watay Ciidan badan iyo shaqaalaha xagga dhismaha ka shaqeeya ayaa waxa uu amray in dhulka laamiga ah lala simo albaabyada hore ee dhismayaasha shirkadaha oo laga dhisay Jardiinooyin. Gudoomiyaha ayaa waxa uu sidoo kale amray in la furo dhammaan wadooyinka gudaha suuqa Bakaaraha isagoo shaqaalaha burburinta u adeegsaday dhismayaal iyo gaari gcano la dhex dhigay suuqa Bakaaraha. Howlgalkan oo socanayay saacada badan ayay shabaabka ku fureen wadooyin badan iyadoo dhulka lala ekeeyay dhismayaasha Laamiga hareertiisa ah iyo Jardiinada iyo jaranjarada ay dhisteen Shirkadaha waaweyn ee Ganacsifa. Howlgalkan oo aan nuuciisa la samayn dhawaanahan ayaa waxaa lagu burburiyay goobo ganacsi oo badan iyo jardiinada laga hareer dhiso wadooyinka laamiga ah oo marshabiyeedigii laamiga la soo saaray markii dhulka lala ekeeyay jardiinada ay shirkadaha daaraha dhaadheer leh ay samaysteen. Daawo Sawirada:- Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ismalura Posted September 2, 2010 Originally posted by Allamagan: quote:Originally posted by Jacaylbaro: Ha dhiseene daa ,, berrii uun bay miino ku aasi oo ay dumine ,,,, Lol @ JB. sow ma ahan naagtii inta loo faradhaqay deedna halkii gelisay sow maaha sheekadu maxay ka dhisayaan beribaay haddana cirka geline @ Maaddeey It sounds like you are making fun of that fac ! Ileen ilaahey raxamdiisa weey furantahay ee soo ma dhici karto in eynana madfac danbe ka dhicin ooy saa u dhisnadaan? Anyways it is good to see alshabaab doing one good thing... Quote Share this post Link to post Share on other sites