Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Sanaag Gets the Second University -- Welcome to Maakhir University

Recommended Posts

Agaasimaha jaamacada Maakhir University oo booqasho ku maray magaalada Ceerigaabo ee xarunta G/Sanaag

 

Ceerigaabo, (Sept 08) Agaasimaha Jaamacada Maakhir Zekeriye Siciid Cismaan Awaare ayaa socdaal ku kala bixiyey degaano badan oo ka mida gobolka Sanaag, isagoo maalinimadii shalay kulamo la qaatay laamaha kala duwan ee dhalinyarada iyo Ururada waxbarashada Magaalada Hadaaftimo.

 

Agaasimaha Jaamacada ayaa waxaa uu waddaa qorshihii ugu xoganaa ee jaamacada Maakhir ay ku saldhigan lahayd Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag iyo degaano kale oo tirsan gobolka Haylaan.

 

Jaamacadu ay si rasmi ah uga furmayso magaalada Badhan dhowaan mudo dhow gaar ahaan bisha 10naad ee inugu soo aadan.

 

Agaasimaha jaamacada Maakhir ayaa sidoo kale waxaa uu u kuurgelayaa aqoonta iyo doorka dhalinyarada gobolkaasi iyadoo waxbadan ay jaamacadani ka haqabtiri doonta dadka reer Maakhir ee Goboladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AGAASIMAHA JAAMACADA MAAKHIR UNIVERSITY ENG ZAKARIYE AWAARE OO SOO GAADHAY MAGAALADDA HADAAFTIMO

 

Agaasimaha Jaamacada Maakhir University En Sakariye Xaaji Siciid Awaare oo Maalmhan Safaro ku marayay deegaaanada Gobolada Maakhir Wuxuuna Markan Safar gaaban kusoo gaadhay Sakariye Magaaladda Hadaaftimo yadoo uu halkaas kula shiri doono dadweynaha ku dhaqan Magaaladda

 

Taariikhdu markay ahayd 7/9/2010 ayaa waxaa safar kuyimi agaasimaha jaamacada Maakhir, Eng. Sekeriye Xaaji Siciid isagoo u sharaxay dhamaan qaybaha bulshada ay ka mid yihiin, salaadiinta, aqoonyahanada, ururada haweenka iyo dhalinyarada, culumaa’udiinka iyo maamulka dugsiga Sare iyo hose/dhexe ee degmada hadaaftimo.

 

Agaasimaha ayaa dadka u sharaxay furitaanka jaamacada Maakhir iyo qaabka ay u shaqaynayso, isaga oo xusay barnaamajka jaamacada in muddo ay ku hawlanaayeen jaaliyadaha debeda ee Reer Maakhir iyaga oo islamarkaana dalka u soo wakiishay Pro. Cali C/raxmaan Xirsi.

 

Agaasimaha ayaa sheegay in Jaamacadu sanadka u horeya ay tahay bilaash waxbarashada ardayda, iyada oo ardayda lagu bilaabayona laga soo xulayo dhamaan degmooyinka gobolka, waxaana lagu bilaabayaa labo kuliyadood oo kala ah, Education Department, iyo IT Department, mudada sanadkaa ah waxaa si ku meel gaadh ah loogu sii bilaabaya jamacada dhisme ay si ku meel gaadh ah u bixiyeen Ururka Alnasar ee degmada Badhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ceerigaabo-(Qarannews) Munaasibad ballaadhan oo maanta lagu qabtay Xarunta W/Waxbarashada gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayna kazoo qayb galeen Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, Madaxda laamaha dawladda heer gobol iyo degmoba ee Ceerigaabo, Maayorka degmada Yubbe Ibraahin Max'ed (Gacmayare), Madaxda Jaamacadda Ceerigaabo ka furan ee Sanag University, Madax-dhaqameedyo, Ururrada bulshada rayadka iyo marti-sharaf kaleba ayaa sida ay halkaas ka sheegeen xubno kasocdey maammulka jaamacaddan cusubi waxa jaamacaddan oo magaceedu yahay Maakhir University bishan aynu ku jirno hawlaheeda waxbarasho ka bilaabmayaan magaalada Badhan oo xarunteeduna ku taallo, islamarkaasna lixda bilood ee ugu horreeya oo waxbarashada jaamacadadani lacag la'aan tahay waxa kor loo qaadi doonaa aqoonta ardayda (Students Upgrading Program) laguna bilaabi doonaa qaybaha waxbarasho ee (Education and IT Programs), waxana jaamacaddan sida halkaas laga sheegay iska xilsaaray oo dusha u ritey qurb-joogta kazoo kala jeeda guud ahaan degaannada gobolka Sanaag.

 

Guddoomiyaha W/Waxbarashada gobolka Sanag C/raxmaan Siciid (Xuubey) ee xaruntiisa kulankani ka dhacay ayaa isagoo u mahad celiyey furitaanka jaamacaddan cusub iyo cid kastoo gacan ka geysateyba waxa hadalladiisii ka mid ahaa "Waxan si weyn usoo dhowaynayaa jaamacaddan cusub iyo cid kastoo xil iska sartay suurto gelinteeda waana arrin gobolku bahi weyn u qabey, waayo waad ogtihiin waqtiyadii hore ardaydeennu markay dugsiga sare dhammaystaan in ay waxbarashd jaamacadda u tegi jireen Burco Hargeysa Boorama iyo meelo kaleba arrintaas oo dhibaatooyinkeedna lahayd". Wuxuna intaas kusii daray "Waxan rajaynayaa jaamacadaha laftooda ee waxbarashada qaybaha kala duwan ee loo baahan yahay in ay intaas kasii bataan oo baahida jirta intii suurtogal ah innaka ****olaan".

 

Maayorka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa "Jaamacadda Cammuud ee aynu horumarkeeda ku ammaanno waxa u guntadey oo ka midho dhaliyey oo taageerona u helay Saleeban-cawar. Tan Hargeysana waxa bilawday gabadh la yidhaahdo Ina Xaaji Aadan. Innakana reer-Sanaag ahaan gudo iyo debedba laynooka baahan yahay isku duubnaan iyo in aynu wax wada qabsanno oo is bar-bar taagno wax kastoo horumar innoo soo kordha ah annaguna maammul ahaan jaamacaddan waa soo dhowaynaynaa waxannuna bulshada ku boorrinaynaa fursaddaas in laga faa'iidaysto".

 

Prof-Axmed Xaaji Aadn (Sanag University) Faadumo Xaaji Xasan (Isuduwaha Arrimaha qoyska gobolka Sanaag) Axmed Ibraahin Yuusuf (Maammulaha Shirkadda Somtel/Erigavo) iyo xubnihii kale ee iyaguna kulankaas ka hadlay ayaa dhammaantood sheegay in ay jaamacaddan soo dhowaynayaan sidoo kalena mahadnaq weyn usoo jeediyey maammulka jaamacaddan cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha W/Waxbarashada gobolka Sanag C/raxmaan Siciid (Xuubey) ee xaruntiisa kulankani ka dhacay ayaa isagoo u mahad celiyey furitaanka jaamacaddan cusub iyo cid kastoo gacan ka geysateyba waxa hadalladiisii ka mid ahaa "Waxan si weyn usoo dhowaynayaa jaamacaddan cusub iyo cid kastoo xil iska sartay suurto gelinteeda waana arrin gobolku bahi weyn u qabey, waayo waad ogtihiin waqtiyadii hore ardaydeennu markay dugsiga sare dhammaystaan in ay waxbarashd jaamacadda u tegi jireen Burco Hargeysa Boorama iyo meelo kaleba arrintaas oo dhibaatooyinkeedna lahayd".

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Good News. Time for reer Sanaag from Gar'adag to Ceerigaabo to Badhan to come together and build their own region. The Port Project of the Horn Relief is feasible if enough funding is secured.

Beware of politicians' greed and indifference, and focus on the economic development of the region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

let me ask you guys a question? those who subscribe to the theory of maxhir...?

 

Do you claim erigavo as your own city?

 

(just to highlight this to the population of cerigavo who are somalilanders, which comprise of 95% of the city of erigavo and more then 80% of the region of Sanaag, with the exception of the little villages of badhan, las qorey and dahar. which has small populations in comparison).

 

ok if you dont, and you are a small small minority of mainly women and children in the city, then clearly maaxhiir as an entity, can not function because saxib, three villages of populations of less then 5 -10 thousand can not function?

 

So the question remain, Somaliland does not recognise Maxhiir, it recognises a region now called bahdan which comprises of Far Eastern Sanaag. So regardless of this disney land debate, you choice remain.

 

JOIN SOMALILAND AND LIVE IN PEACE WITH THE SAME PEOPLE YOU HAVE LIVED WITH FOR HUNDREDS OF YEARS,

 

OR RETURN TO SOMALIA AND BACK TO A CULTURE OF DEATH AND TIT FOR TAT, OF WHICH HISTORY SHOWS WE ALWAYS WIN.

 

THATS THE CLEAR CHOICE...NOW RETURN TO THE FAIRYTALE DEBATE.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Captain_Mike20:

JOIN SOMALILAND AND LIVE IN PEACE WITH THE SAME PEOPLE YOU HAVE LIVED WITH FOR HUNDREDS OF YEARS,

 

OR RETURN TO SOMALIA AND BACK TO A CULTURE OF DEATH AND TIT FOR TAT, OF WHICH HISTORY SHOWS WE ALWAYS WIN.

 

THATS THE CLEAR CHOICE...NOW RETURN TO THE FAIRYTALE DEBATE.

No taxation without representation!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by Captain_Mike20:

[QB] let me ask you guys a question? those who subscribe to the theory of maxhir...?

 

Do you claim erigavo as your own city?

 

]

Captain-Puntlander, What's "maxhir". Can you even spell the historic name of the Sanaag Region correctly? Or are you intentionally twisting it just to manifest your malevolent political position for what Makhir stands for?

 

 

The people of Erigavo regardless of their respective lineages are united on one goal, that's to build and to live in peace and harmony.

 

Of course, Maakhiris in Erigavo subscribe to "Somaliland" and its growing democracy. SL has built for itself a viable institutions.

 

As a matter of fact, on the political aspect, it will take decades for the entire former "Italian Somaliland" to catch up with Somaliland. Makhiris in Erigavo are on the forefront in the the city's local governance, business and security. And they are highly sophisticated to be duped by a mafia-inherited system and its manipulative culture, which bets on and values political agents not based on their academic qualifications or experience but how much they can sway the local people to support policies not in their best interest but for the interest of others.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this