garyare Posted February 6, 2006 5 Febraayo 2006 XOOLO AD SOO BOOBTAY LAMA BAAFIYO SUMMADDOODA! Qaybta 1aad Waa xaaladda ay maanta ku walaahoobayaan kooxdii Nairobi ku bililiqaysatay “magacii dawladdii Soomaaliyaâ€. Kooxda uu horboodo kornayl Cabdullaahi Yusuf iyo dagaal oogeyaasha kale ee ay ka midka yihiin: Maxamed Qanyare, Xuseen Caato, Muuse Suudi, Xuseen Caydiid inagama boobin dawlad Soomaaliyeed ee waxay boobeen “magaceediiâ€. Xubnaha iyagu wax ka fuushan doontaas sida sharci darrada ah loo saaray magaca dawlad Soomaaliyeed oon jirin waxaa ka mid ah: Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Cali Maxamed Geedi oo iyaga iyo xubnaha kale oo rayidka ah aan ku magacaabi karo “kuwo dayoobey†anigoo ka xishooday in aan iraahdo way habaabeen. Dawladdu waxay leedahay fure khaas ah oo lagu furo laguna soo galo albaabkeeda, ka dibna lagu agaasimo oo lagu dhexgalo ammuureheeda badan. Kooxda kor ku xusani waligood ma heli karaan furahaas, haddii ay helaanna ma filayo in ay yihiin kuwo ku furi yaqaan albaabkaas khaaska ah haddii aynnu dib eegno taariikh nololeedkii shakhsiyaadkaas. Kooxdu waxay ilaa hadda ku mashquulsan yihiin, in ay albaabkii dawladda ku furtaan kuna galaan “fureyaasha guryahooda†kaasoo aan marna u furi doonin. Haddaba, ma kala haraan magaca iyo nuxurkiisu. Haddii aad garoonka diyaaradaha la tagtid baasaboor uu leeyahay qof kale si aad ugu safartid, markaana aad sheegatid magacaaga oo ka duwan kan ku qoran baasaboorka, kuuma suurtobayso in aad ku dhooftid waayo waxaa maqan oo macluumaad rasmi ah. Waxaa tan la mid ah, nin soo xaday xoolo uusan lahayn ka dibna ay ka lumeen xoolihii, suurtogal maaha inuu xoolahaas ku baafiyo summaaddoodii sababtoo ah waa lagu garanayaa inuusan lahayn xoolaha, amaba wuu illaawey summaddii ka dibna wuxuu sheegay mid been ah ayadoo laga yaabo in uu hore isla summadaas ugu baafiyey ninkii lahaa xoolahaa, halkaana uu ku ceeboobo kuna kashifmo tuuggii. Kooxdu hadda waxay baafinayaan waa furihii hase yeeshee waxay mushkiladu tahay, in aysanba aqoon nooca amaba aysan tilmaami karin furaha ay raadinayaan, micnaha waxa ay dawladi tahay. Heshiiskii Yaman ee Shariif Xasan iyo Cabdullaahi Yuusuf: Aasaaska heshiiskaasi waa arrinta aynu kor uga soo hadalnay oo ah “magac dawladeed†ee maaheyn mid ku saabsan dawlad maadaama uu albaabkeediiba xiran yahay. Qaanuun ahaan, wuxuu markaas heshiiskaasi noqonayaa mid wax kama jiraan ah haba yaraatee uuna la mid yahay labo dhinac oo ku heshiisey in ay kala iibsadaan hawada, qorraxda iwm maadaama: 1. ay labada nin ku hadlen magaca dadka Soomaalida oo aan wakiilan iyo 2. in uusan midkoodna matalin dawlad ama baarlamaan Soomaaliyeed oo qaanuun ku dhisan 3. waxaa intaa dheer in kulanka 2da nin ay abaabushey xukuumadda Melez Zenawi ee Ethiopia hase yeeshee lagu maldahay inuu dhexdhexaadinta lahaa madaxweynaha Yemen oo isaga laftigiisu hadda kula safan Ethiopia in Somalia lagu soo weeraro ciidammo shisheeye oo ay horkacayso xabashidu oo ah cadowga soo jireenka ah ee Somalia Kulanka 26/02/06 ee Baydhabo waa madax dhul la dhac: Shirka loogu yeeray Baydhabo horinta sidata maga “xildhibaannimada†waa mid ah ujeeddo badan: 1. Mar waa cimri dheeraysi oo wuxuu kornaylku badsanayaa maalmaha tirsan oo loogu yeerayo “madaxweyne†Somalia. Akhristow xusuuso maqaalkii ahaa: Cabdullaahi Yuusuf: Intaanan dhiman dheere iigu yeera = (inta anan dhiman waa in mar la’iigu yeeraa madaxweyne), haddii aadan maqaalkaas ka akhrisan shabakadaha internetka fadlan i soo waydii si aan kuugu soo diro). 2. Waxaa sii degaysa doontii siddey dawladda beenta ah, Jawhar waa laysu dacareeyey, nafina waxay ka geyn weydey odayga kornaylka ah inuu u sii dhowaado oo salka la galo meel u dhow Melez Zenawi iyo Ethiopia, taasoo la mid ah “turaanturro awal baan hore u socdeyâ€. Waa qisadii dhurwaaga/waraabaha oo yiri “haddii kabo la’ii tolo waa alxamdulillaah, haddii aan la’ii tolinna waa rabil caalamiin. Kornayl Cabdullaahi Yuusuf wuxuu halkaas ka oran karaa: “haddii ay ii hirgasho ciyaarta dawladnimadu waa sidii aan u soo halgamay, haddii kale waxaa ii fidsan gogoshii muddada dheer ii tiil xarunta aan ku leeyahay Addis Ababa. 3. Waxaa kulankaas ku shardiyan lacago loo ballanqaaday kooxda oo aysan heli doonin haddii aysan qaban shirkaas. 4. Waxaa iyaduna meesha taal baqdin. Wuxuu kornaylku qarka u saarnaa in laga cayriyo Jawhar haddiiba aan lagu layn isaga iyo inta u daacadda ah, maadaama uusan Maxamed Dheere ahayn nin ay timahiisu isku dhan u xiirmaan micnaha uu yahay nin wax kasta laga filan karo saacado isu dhow. Waxay sheekooyinka ku dhow xiriirka kornayl Cabdullaahi iyo Maxamed dheere uu ku dhisnaa hadba waxa uu kornaylku ku rido gacanta Maxamed dheere. Reer Puntland waxay ku andacoonayaan in dhaqaalohoodii yaraa lagu laaluushey M dheere, wasiirro iyo xildhibaanno ku sheeggu waxay ka cabanayaan in inuu kornaylku uga roonyahay M dheere oo uu isaga u buriyey wixii macaawino ahaan dibedda looga helay magaca Somalia lacag iyo badeecaba. Dadku waxay sheegayaan inuu Maxamed dheere sheeganayo abaal uu u galay odayga kornaylka ah maadaama uu saldhig u sameeyey isagoo meel la’ ka dib markii laga soo tarxiilay Kenya. Baadda uu Maxamed dheere baadayo kornayl Cabdullahi Yuusuf maaha oo kaliya inuu faro ka hayo odayga, micnaha inuusan haysan meel kale ee uu la fariisto magaca cusub ee uu ugu wanqalay Melez Zenawi, hase yeeshee wuxuu taageero iyo isku hallayn ka haystaa Cali Maxamed Geedi oo ah ninka ra’iisul wasaare ugu magacaaban xukuumadda magac u yaalka ah oo isaguna ah reer Jawhar qaraabo dhowna la ah Maxamed dheere taasoo la oran karo waa “gardarro garba ogâ€. La soco qaybta 2aad Quote Share this post Link to post Share on other sites