Sign in to follow this  
Xoogsade

MaxaMed Dheere Blaming North Muqdisho

Recommended Posts

Xoogsade   

(Muqdisho}5.12-7"Maxamed Dheere:- Beesha Muqaawamey naqdeen, Mihii Muqaawamada la marsiiyey aana la marsii doonaa, hadii ay ka waantoobi waayaan wexey wadaan".

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ku cannaantay beesha uu ka soo jeedo inaysan wax taageero ah siin dowladda Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee ka soo jeeda beesha.

 

Maxamed Dheere oo shalay Hotelka Global ee magaalada Muqdisho kula kulmay odayaal dhaqameed ka tirsan beesha ayaa wuxuu sheegay in beesha dhexdeeda laga dhibaateynayo dowladda iyo weliba maamulka Gobolka ee uu isagu madaxda ka yahay,

 

isagoo carrabka ku adkeeyay inay jiraan dad ka tirsan beesha oo qayb ka ah dhibaatada lagu hayo dowladda Soomaaliya.

 

“Waxaad hesheen oo la idinku sharfay Raysal wasaaraha Soomaaliya, balse waxaa cad inaadan si daacad ah u taageerayn dowladda Soomaaliya, taasna waa dhibaatada taagan ee dhexdiina loogu dilayo mas’uliyiinta iyo xubnaha maamulka Dowladda” ayuu yidhi Maxamed Dheere oo hadal u jeedinayay xubno ka tirsan beesha oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

 

Hadalka Maxamed Dheere waxa uu ku soo beegmayaa xilli qaar ka mid ah degaannada Waqooyiga Muqdisho ee ay ku badan yihiin beesha lagu weerarayo ciidamada dowladda Soomaaliya, mas’uliyiinta dowladda Soomaaliya iyo xubnaha maamulka Gobolka Banaadir, waxaana hadalladiisan laga dhadhansan karaa cadho aad u kulul.

 

Waxa kale oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ku eedeeyay beesha inay lug jiidayaan xukuuadda uu dhisay Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Nuur Cadde, wuxuuna sheegay inay sidoo kale iyagu lugaha qabteen Raysal wasaarihii hore ee is casilay Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Widhwidh Online News Desk..Media center

 

http://www.radiowidhwidh.com/html/modules.php?name=News&file=article&sid=8400

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thierry.   

Now I know why those who defend the evolution theory have such conviction on their theories. As long as barbaric donkeys like Maxamed Dheere roams around they can say look at him.

 

Once this Ethiopian bandwagon leaves, he will join Bashir Ragge and his infamous life vest of the coast.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this