Jacaylbaro Posted July 21, 2009 Nin Ka Badbaaday Dadkii Lagu Laayey Jidka Kala Baydh Oo Ka Waramay Sidii Uu Kaga Baxsaday “Waxaan Cagaha Wax Ka Dayey Markay Isku Qabsadeen Ha La Dilo Iyo La Dili Maayo” Nin Ka Badbaaday Rakaabkii Loo Galay Jidgooyada U Dhaxaysa Dila Iyo Kala Baydh Nin dhallinyaro ah oo ka mid ahaa gaadiidleydii kooxdii dableyda ahay ku qabsadeen jidka isku xidha Dila iyo kalabaydh ayaa ka hadlay sidii uu uga soo baxay gacanta dableydii halkaasi ku qabsatay, isla markaana wax ka sheegay sida loogu qabsaday jidgooyada loo dhigtay. Qaasim Muxumed Geelle oo ka mid ahaa ciyaartoyda kubadda koleyga ee Gobolka Awdal ayaa arintaasi uga Waramay Weriyaha Haatuf ee Boorama sidii uu uga soo badbaaday kooxdaasi waxaana uu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay sidan:- "Waxaan watay gaadhi Surf ah oo markii aan Boorama ka ambabaxay galabnimadii dadka lagu qabsaday jidka isku xidha Dila iyo Kalabaydh, waxa gaadhiga ila saarnaa nin ka mid noqday dadkii halkaasi dableydaasi ku dileen. Waxay meeshu u dhaweyd qiyaas ahaan Dila, gaar ahaana agagaarka jufada. waxay ahayd goor fiid ah sacadduna ku dhaweyd Abbaare 8dii caweysnimo. markaan ku soo dhawaaday meel qabriyo ah ayaan arkay dad hubaysan oo watay direys u eg kan ciidanka qaranka, afka iyo wejiyadana way duubteen. markii ay i joojinayeen waxa meesha taagnaa gaadiid farabadan oo tobaneeyo gaadhayey, waxaana xagooda aan ku arkayey gaadhi kale oo surf ah oo aanan midabkiisa aqoonin, balse lambarka gaadiidka dawladda sitay, umana fiirsan markii ay i joojiyeen ayey markiiba igu yidhaahdeen furaha gaadhiga keen, waan u dhiibay, haddana moobilka keen waanan u dhiibay kadibna jeebadaha waxa ku jiray oo lacag ahaa ayey la baxeen, waxayna igu amreen inaan dhex seexdo dadkii halkaa ay hore ugu sii haysteen, Ashahaado, xagga qibladana u jeeso ayey igu khasbeen. Intaasi markii ay dhacday ayaa mid ka mid ah raggii dableyda ahaa i gartay, miyaanu ahayn inamadii ciyaartoyda ee reer Boorama, haabaan idhi, ka soo bax meesha ayey yidhaahdeen oo waxay ii kaxeeyeen meel ka durugsan meesha dadkii hore ee la jiifiyey. Markii aan cabbaar soconay ayey yidhaahdeen istaag. way wada hadleen, midbaa yidhi "waar lacag iyo gaadhiba waan ka haysanaaye aan iska sii deyno kii kale ayaa diiday oo yidhi ma inuu na sheego ayaad doonaysaa, kadibna qorigii uu gaadhka igaga hayey ayuu u cabbaystaya kii kale ee lahaa aan sii deyno, markay intaasi dhacday ayaan cagta wax ka dayey, tacshiirad xoog leh ayuu mid igu soo ridayey ilaa intii aan ka baxayey meesha oo ahayd meel bannaan ah, balse madowga habeennimada Awgeed ayey waxba arki waayeen, sidaa ayaan kaga baxsaday, markii aan dhexda ku soo cabbay biyo markaa jiifay waddada dhexdeeda oo cagta gaadiidku midabkoodii beddeleen, cagahana saantiibaa iga baxday". Qaasim oo aan wax ka weydiiyey inuu arkayey dadka la laynayey iyo tiradooda ayaa yidhi: ":´meesha waa la jiifay cid dhimatay iyo cidnool ama cid la diley maan kala garanayn oo meesha waxa ka jiray walaac iyo jaahwareer, dadka dabaday ayaa la diley, waxa qudha oo aan arkayey markii baynaadda qori ay siteen ay ku dilayeen marxuumkii ila socday. waxayna tiradoodu gaadhaysay ilaa 18, waxaanan qoryo ku arkayey ilaa sideed ka mid ah kooxdaasi”. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted July 21, 2009 On the bright side, some actually opposed this henious act- a bit of humanity there. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 21, 2009 Dagaal qabiil. Nothing new there. The media overplayed it. Quote Share this post Link to post Share on other sites
peasant Posted July 21, 2009 JB Muxuu ninku cawaan ku yahay waa nin is badbaadshay oo cagahiisa ku baxsaday? ma in la dilo ayaad donaysay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted July 21, 2009 ^He meant the perpetuators, not the victim. Quote Share this post Link to post Share on other sites