Sign in to follow this  
Jabhad

In pictures: Fund raising to help people in the flooded areas of Somalia.

Recommended Posts

Jabhad   

deeq_fatahaadaha2.jpg

Sheekh Shariif oo kamahadceliyay Sida Soomaalidu wax u gartaan isagoona sheegay in Tijaabadii koowaad oo Maxkamaduhu ay sameeyaan ay tani tahay.

 

deeq_fatahaadaha3.jpg

Kasoo qeybgaleyaal.

 

 

deeq_fatahaadaha9.jpg

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ku deeqday lacagtii ugu badneyd ee Shalay Hotel Naasahablood lagu aruurinayay.

 

deeq_fatahaadaha10.jpg Axmed Maxamuud Yuusuf oo wakiil ka ahaa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo saxiixaya lacagtii ugu badneyd oo Dhigiisa ay bixiyaan.

 

deeq_fatahaadaha11.jpg

 

More.. http://www.qaadisiya.com/2006/November/sawirada_deeq_uruurinta_fatahaadaha_dalka.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Dadka ay waxyeelada ka soo gaartay Fatahaadda Webiyada Soomaaliya oo xalay Muqdisho lacag loogu uruuriyay

 

Talaado, November 21, 2006 (HOL): Lacag gaareysa ilaa 300 Kun oo Doollarka Mareykanka ah ayay Dad Soomaaliyeed oo ku kala dhaqan Dalka gudahiisa iyo Dibaddiisa waxaa ay ugu deeqeen dadka ay waxyeelada ka soo gaartay fatahaado ay sameeyeen Webiyada Jubba iyo Shabeelle ee Dalka Soomaaliya.

 

Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay barnaamij shan saacadood socday oo Lacago loogu uruurinayay dadka ay dhibaatada fatahaadda soo gaartay, waxaana Idaacadda oo Sattelite-ka ku jirtay soo wacay Dadweyne Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalal u badan Qaaradda Yurub, kuwaasi oo ballanqaadyo lacageed sameynayay.

 

Sidoo kale waxaa Qadad Taleefoon la dhigay Machadka Maamulka iyo Maareynta SIMAD, kaasi oo isna ay soo wacayeen dad yabooh lacageed sameynayay. marka la isku soo uruuriyo lacagaha la qoray ee ay dadku ballanqaadeen waxaa ay gaareysaa 300,000US$, taasi oo la filayo in ay dadku si deg deg ah ugu soo gudbiyaan Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo ay dhawaan ay magacaabeen mas'uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka.

 

Lacagihii ugu badnaa waxaa xalay ku deeqay Golaha Maxkamadaha Islaamka oo ku deeqay 50,000US$ iyo Midowga Shirkadaha Xawaaladaha oo iyana bixiyay lacag dhan 30,000$, halka ay iyana jireen ganacsato ballanqaadyo lacageed sameeyay, kuwaasi oo gudaha dalka iyo dibaddiisa ku sugan.

 

Mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo Idaacadda kala socday sida ay dadka ballanqaadyada u sameynayeen ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed haddiiba ay sidan oo isugu gurmanayaan aysan u baahneyn kaalmo dibadeed oo shisheeye uga timid.

 

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo mahadcelin u jeediyay dadkii ballanqaadyada lacageed sameeyay ayaa codsaday in ay dadku si dhaqsi badan u soo diraan lacagahaas si deg deg wax loogu qabto dadka ay bara-kiciyeen Fatahaadaha Webiyada, kuwaasi oo ku sugan ilaa 6 gobol oo labada Webi ay maraan.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay dadka Soomaaliyeed gurmad isu sameeyaan, waxaana lacag uruurintan ka horeysay mid loogu gurmanayay Dadkii ku tabaaloobay Abaarihii sanadkan bilowgiisa ku dhuftay Gobollo ka tirsan Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo lacagihii la uruuriyay loogu gaday raashin, dawo, biyo iyo alaabo kale oo ay baahi weyn u qabeen.

 

Haddaba Qofkii ka qeybqaadanaya gurmadka loo sameynayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay Fatahaadaha Webiyada waxaa uu lacagta uu dirayo ku hagaajin karaa Shirkadaha Xawaaladaha Magaaalada Muqdisho, isagoo ku qoraya Guddiga Gurmadka Fatahaadaha.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Shirkaddaha xawaaladaha Muqdisho oo ku hor kufay shacabka Soomaaliyeed!

(Shirkado iyo shaqsiyaad isku saami ka bixiyey lacagihii loo ururinayey dadka fatahaaduhu ay waxyeeleeyeen)

 

Guddiga fatahaada iyo gurmadka deg deg ah oo magaalada Muqdisho ka waday maalmihii tegay abaabul iyo dedaal ay ku doonayaan iney ku samata-bixiyaan dadka fatahaada ay waxyeelada badan ku yeelatay ee ku sugan qaar ka tirsan gobolada dalka ayaa 24 saac ee la soo dhaafay ku guda jiray kulamo iyo baraarujin kala duwan oo dadkaasi deeqo loogu ururinayey, kaasoo qeybtiisa ugu weyn xalay lagu qabtay xarunta idaacada Hornafrik ee magaalada Muqdisho.

 

Ururinta deeqdan oo xalay xarunta idaacadaasi ay xaadir ugu ahaayeen mas'uuliyiin ka socotay guddi dhowaan ay maxkamadaha Islaamiga ah u magacaabeen iney gurmad la gaaraan dadka masiibada fatahaadu ay ku habsatay oo uu madax u yahay Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ah guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha fulinta maxkamadaha ayaa qeybaha kala duwan ee dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo jaaliyadaha ku dhaqan dibedda ay uga qeyb qaadanayey barnaamijkaasi qadka teleefanka iyadoo qof walba oo soo waca uu sheegayey cadada waxa awoodiisa ah ee uu ugu tabarucayo guddiga fatahaada, waxaana dadkii qadka telefanka soo galay ka mid ahaa guddoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha Islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isagoo ku hadlayey magaca maxkamadaha ku tabarucay $50,000 (Konton kun dollar) iyo mas'uuliyiin kale oo iyana lacago kala duwan ugu tabarucay si shaqsi ah, sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii soo galay hay'addo kala duwan oo iyana sidoo kale ku tabarucayey lacago kumanaan dollar ah, iyagoo ku kala sugan gudaha iyo dibeda dalka, iyadoo xittaa dadka wax ku tabarucayey ay ka mid ahaayeen caruur yar yar.

 

Arrinta ugu xiisaha badneyd ee maanta ay dadku sida weyn u hadal hayeen ayaa aheyd markii uu qadka telefoonka soo galay mas'uul isagu sheegay inuu ku hadlayey magaca ilaa 10 shirkaadood oo ka tirsan kuwa ugu waaweyn xawaaladaha ee magaalada Muqdisho oo dad badan oo ay ku jiraan guddiga fatahadaaha & dadweynaha barnaamijka qadka kala socday ay u dhegtaagayeen inay jebin doonaan Iskoorka bixinta deeqaha bacdamaa uu u hadlayo hay'adaha ugu hantida badan marka la eego ganasatada Muqdisho, hase ahaatee dad badan ayaa yaab iyo dhabanaheys ka soo haray ka-dib markii ay maqleen mas'uulkii ku hadlayey magaca shirkadahaasi uu ku dhawaaqay in lacag $30,000 (Soddon kun oo dollar) ay ku deeqeen, taasoo la micno ah in shirkadiiba ay bixisay $3000 oo Dolar oo kaliya, iyadoo dad badan ay sheegeen iney aheyd deeq aad u yar marka loo eego kaalintii laga sugayey shirkaadahaasi, iyadoo dadka qaarna ay rumeysan waayeen arintaasi, waxeyna dadka qaar ay la aheyd in shirkadahaasi ay bixiyaan $300.000 (Saddex boqol oo kun oo dolar) iyo iney $30,000 (Soddon kun oo dolar aheyd) , waxaana dadku ay isweydiinayeen sida hal shirkad oo aheyd shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ay keligeed ku yaboohday $35,000 (Soddon & shan kun dollar) halka 10 shirkadood oo kuwa xawaaladaha ahna ay u bixiyeen iyagoo isu tegay $30.000 dollar oo kaliya.

 

Dhinaca kale, shirkaddo kale oo ka mid ah kuwa isgaarsiinta Muqdisho ayaa is arkay iyagoo meel cidla ah taagan markii guddiga fatahaada ay ku tabaruceen min $10.000 dollar oo kaliya, iyadoo dadkii xalay lacagaha ku deeqayeyna ay ka mid ahaayeen shaqsiyaad keligood min $10,000 ku deeqay, halka shirkaddii ay isku jaalka ahaayeena ay ka bixisay $35,000 oo dollar.

 

Inkastoo guud ahaan deeqaha la bixiyey ay yihiin kuwo wax ka taraya dhibaatada ba'an ee heysata dadka ku barakacay fatahaada webiyada iyo daadadka ku soo rogmaday deegaanadooda ayaa haddana marka la eego qaabka shirkadaha qaar ay wax u bixiyeen ay ka muuqatay iney wax badan hagradeen oo isla markaana aysan xiise badan u qabin iney wax u qalma u bixiyaan howlaha noocan oo kale ah, iyadoo sida la wada ogyahayna shirkadahaasi aysan wax canshuur ah bixin, iyagoo ka faa'iideysanaya dowlad la'aanta, isla markaana uu ka yaraaday qarashkii fara badnaa ee uga bixi jiray dhinaca nabadgelyada, ka dib markii maxkamadaha islaamiga ah ay la wareegeen gacan ku heynta magaaladan Muqdisho iyo inta badan gobolada dalka, waxaana hubaal ah in taariikhdu ay xusi doonto cid walba waxa ay dadkeeda u qabato yaraan iyo badnaan, xumaan iyo samaan.

 

Garaad Salaad Xirsi, Muqdisho, Somalia

garaadcadde@hotmail.com

 

 

News Update in English www.dayniileone.com

 

 

Web www.dayniileone.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

What a shame!!!!

Here is the response from the mafia camp in Baydhabo city under the protection of the Tigree gangs. Requesting more handouts, an art of begging learned from the Tigree master.

 

caraale_warsaxaafadeed.JPG

 

Gudi uu dhawaan magacaabay Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi oo loogu talo galay inay wax ka qabtaan Dhibaatooyinka ka dhashay daadadka, Fatahaada Wabiyada iyo Roobabka kuwaasoo ka dhacay meelo badan oo ka tirsan oo gobolada dalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyey waxay soo saareen Warsaxaafadeed ku saabsan Arrimaha loo magacaabay ayaa maanta saxaaafada ka hor aqriyey Wasiirka Beeraha Md. Caraale waxaana ay u qornayd sidan:

 

War saxaafadeed

 

November 21, 2006

 

shir uu maanta yeeshay Gudiga Gurmadka Deg-dega ah ee wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashay daadadka, Fatahaada Wabiyada iyo Roobabka ee Xukuumada Federaalka kmg oo maanta lagu qabtay Xarunta Dowladda ee magaalada Baydhabo oo si weyn loogu falanqeyey dhibaatooyinka culus ee soo wajahay gobolo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

 

Gudiga Gurmadka Deg Deg ah wuxuu soo uruurriyey warbixino iyo xog la xariirta Daadadka, Roobabka iyo Fatahaada Wabiyada dood dheer ka dib wuxuu soo saaray qodobada soo socda:

 

Gudiga waxa uu u anqoonsaday in dhibaatada daadadka, Roobka iyo fatahaada Wabiyada ay u geeysteen dadka iyo duunyada ku nool gobolo badan oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya ay tahay Aafo Qaran oo u baahan gurmad deg deg ah oo isugu jira heer Qaran iyo mid caalami ah.

--

Roobabka, Daadadka iyo Fatahaada Wabiyada waxay geeysteen Qasaarooyin naf iyo maalba leh, waxayna gooyeen jidad iyo Buundooyin, waxay baabi’iyeen dalagii beeraha iyo keydkii Beeralayda, iyagoo dad aad ufara badan ay ku go’doonsan yihiin degaanadaasi.

 

Daadadkaasi iyo Fatahaadaasi waxay keeneen Gaajo, Cuduro kala duwan ee saameeyey dadka iyo xoolahaba, hooy la’aan iyo isu socodka dadweynaha oo istaagay. Waxaana adag sidii gurmad dhulka ah loogu fidin lahaa.

 

Ka dib markii uu gudiga qiimeeyey xaaladaasi adag waxa uu ugu baaqayaa guud ahaan ummada Soomaaliyeed (gudaha iyo dibada) iyo Beesha Caalamka inay gurmad deg deg ah lasoo gaaraan dadkaasi dhibaataysan, iyagoo ka digay dib u dhac ku yimaada howsha gurmadka ee keeni karto masiibo bani’aadanimo oo ka dhacda Gayiga Soomaaliya.

 

Gudiga Gurmadka deg deg ah si uu u dardargaliyo hawlahiisa wuxuu abuuray Xafiis u gaar ah oo xiriirinta hawshaasi bani’aadanimo oo wax loogu qabanayo dadka ay aafeeyeen Daadadka, roobabka iyo fatahaada wabiyada wuxuuna shaqeyn doona 24saac lagana soo xiriiri karo,

Xafiiska xiriirinta hawlaha gurmadka

 

Tell: +252 15 871 170

Tell: +252 15 545 456

Tell: +252 15 531 23

 

Hadaba iyadoo ay jiraan dhibaatooyin aad u balaaran oo haysta dadka degan deegaano badan ayaa waxay ka qaxeen meelihii ay deganaayeen iyagoo raadsaday meel aan biyuhu gaarin iyagoo ku haysato hoy la'aan, Raashin la'aan iyo waliba Caafimaadkooda oo aad liidato, waxaa loo baahan yahay in wax weyn laga qabto sidii dadkaasi dhibaatada hasato loogu gargaari lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this