Sign in to follow this  
Juje

Afhayeenkii maamulka gobolka Banaadir oo .....

Recommended Posts

Juje   

Afhayeenkii maamulka gobolka Banaadir oo saaka ku geeriyooday qarax Miino

 

afhayeenkii%20maamulka%20gobolka%20oo%20

 

Abaarihii 9:00 subaxnimo ee saaka ayaa waxaa Isbitaalka Keysaney oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray afhayeenkii maamulka gobolka Banaadir Maxamed Muxyadiin Cali ka dib markii qarax miino oo aad u xoog badan saaka lagula beegsaday meel u dhow gurigiisa oo ku yaala degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xoog badan oo laga maqlayey guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay garaash aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaala degmada Kaaraan xilli isagoo lugeynaya kana oo baxay gurigiisa uu doonayey inuu kala soo baxo gaarigiisa ay miino kula qaraxday garaashka hortiisa sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah iyadoo sidoo kale uu qaraxaasi ku dhawacmay mid ka mid ah ilaaladiisa oo la socday, waxaana afhayeenka oo laga soo qaaday goobtii ay miinadu kula qaraxday isagoo dhulka yaala wejigiisana uu qariyey dhiig aad u fara badan oo ka dhashay dhaawac ka soo gaaray dhinaca masaxda, waxaana ka dib loola cararay isbitaalka Keysaney ee duleedka Woqooyi ee magaalada Muqdisho, halkaasoo la sheegay in markii dambe uu ugu geeriyooday dhaawacii soo gaaray sida uu boggan u xaqijiyey guddoomiyaha degmada kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble.

Ma a jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir oo arintan ku saabsan, waxaana qaraxan uu noqonayaa kii saddexaad ee lala beegsado afhayeenka maamulka gobolka Banaadir tan iyo intii loo magacaabay xilkaasi, iyadoo labadii qarax ee ka horeeryeyna uu ka badbaaday afhayeenka, waxaana qaraxa lagu dilay afhayeenkii maamulka gobolka Banaadir uu qeyb ka yahay dilal loo adeegsanayey bastoolado iyo minooyin oo mudooyinkanba loo geysanayey mas’uuliyiinta iyo ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee jooga magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka, waana mas’uulkii labaad ee ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo qarax mino , iyadoo horeyna sidanoo kale qarax loogu qaarajiyey ku-xigeenkii dhinaca nabadgelyada ee maamulka goibolka Banaadir Ibraahin Cumar Sabriye (Shaaweey).

 

Xafiiska war qabadka Dayniile

 

 

Allah uu naxaristo...amiin!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this