Sign in to follow this  
General Duke

Clan courts opt for war....

Recommended Posts

War deg deg ah: Maxkamadaha Muqdishu oo qaadacay shirkii Khartuum iyo Waftiga dawlada KMG ah uga qayb galaya wada hadalada Khartuum oo maanta la filayo inay Baydhabo ka dhoofaan

Posted to the MOL October 29, 2006, 8:41 am

 

 

Baydhabo:- Maxkamadaha Islaamiga Muqdishu ayaa waxaa ay soo direen wafti uga qayb gali doona heshiiska Khartuum. Waftiga maxkamadaha ayaa la fililayaa inuu hogaaminayo u qaybsanahooda arimaha dibada ninka lagu magacaabo Prof. Cadow. Prof. Adow ayaa maanta u sheegay wakaalada wararka ee AP in aysan waftigiisu wax wada hadala la gali doonin waftiga dawlada ee Shirka Khartuum inta ayuu yiri ciidan Itoobiyaan ah ay joogaan gudaha dalka Somaliya. Prof. Caddow ayaa sidoo kale sheegay ineysan aqbali doonin in Kenya ay shirka Khartuum la guddoomiso Jaamacada Carabta, isagoo ku eedeeyey dowladda Kenya iney dawladaha IGAD isku siyaasad yihiin.

 

Prof. Cadow ayaan ka hadlin ciidanka dawlada Eriteraeeya ee ay maxkmadaha Muqdishu keeneen Magaalada Muqdishu taas oo dawlada Marayknaku asbuucii hore sheegeen inay hayaan cadaymo aan la inkiri karin in dalada Eritareeya hub iyo ciidan ku soo daabulayso wadanka Somaliya. Hadalka prof. Cadow oo maanta oo axad siiyay wakaalada wararka ee AP ayaa ka dhigaya inuu burburay iyo waxba kama jiraan shirkii Khartuum intuusanba bilaaban oo beryahaan oo dhan labada dhinac ee dawlada iyo maxkamaduhu isku diyaarinayeen.

 

Maxkamadaha ayaa marar badan lagu eedeeyay inaysan daacad ka ahayn heshiis kama dambeysa oo ay la galaan dawlada KMG ah qorshahooduna waligiis ahaa hoosaasin iyo waqti dhumis inta ay ka qabsanayaan deegaano kale si ay meeshaba uga saaraan dawlada KMG ah.

 

Dhinaca Baydhabo ayaa ka dib markii maalintii shalay ahayd ay dawlada Ra’iisal wasaare Geedi soo magacowday xubnaha uga qayb gali doona shirka maalinta beri ah ka furmaya magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka socda qabanqaabadii ugu dambeysay ee lagu sagootinayo waftiga dawlada.

 

Ra’iisal wasaare Geedi ayaa shalay mar kale magacaabay gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu hogaamiyo waftiga dawlada uga qayb galaya shirka Khartuum. Wararka ayaa sheegaya in gudoomiyaha baarlamaanku uu akhbalay xilkaas wallow uu dhawr asbuuc ka hor war ku dhow xafiiskiisa lagu sheegay in Gudoomiyaha baarlamaanku iska casilay xilkaas.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo iminka ku sugan dalka boqortooyada Sacuudiga ahna masuulka 2-aad ee uga sareeya dawlada KMG ah ayaa la filayaa inuu waftiga kale ee uu hogaamin doono ku kulmaan dalka Kenya illaa iyo caawa intaysan u duulin dalka Suudaan.

 

Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Buurhakaba ayaa sheegaya inay halkaas isugu tageen madaxda maxkamadaha intooda badan oo uu hor kacayo gudoomiyaha gudiga fulinta Sh. Shariif. Wararka ayaa intaas ku daraya inay waftiga maxkamadu halkaas u tageen si ay ugu dhiirigaliyaan ciidamadooda inay jihaad ku jiraan oo ay weeraraan magaalada Baydhabo oo saldhig u ah dawlada KMG ah. Waxay u muuqataa in maxkamadaha Muqdishu shir ay shalay Muqdishu ku yeesheen ay ku go'aansadeen inay weeraraan dawlada KMG ah si ay u qabsadaan Somaliya oo dhan.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this