Sign in to follow this  
MoonLight1

YEEY SHARIIF, Tell me what is the difference between them.(PART 2)

Recommended Posts

This is Ethiopian shelling of Bakaraha in 2007

 

 

Duqayn culus oo ay dad kudhinteen maanta kadib markii Ciidamada Itoobiya ay Madaafiic la dheceen gudaha Suuqa Bakaaraha.

 

 

Posted to the Web 17 Dec 07, 11:53

 

Duqayn culus ayay Markii Labaad maanta Ciidamada Itoobiya ka gaysteen suuqa wayn ee bakaaraha magaalada Muqdisho, xili ay maanta dagaalo qaraar ka dheceen qaybo katirsan Muqdisho.

 

 

maanta duhurkii ayay Ciidamada Itoobiya Madaafiicda BM-ka ku duqeeyeen gooba ganacsi oo kuyaal suuqa wayn ee Bkaaraha waxaa laxaqiijiyay in weerarakii maanta ay ku geeriyoodeen Laba qof iyo dhaawac soo gaaray mid kale.

 

 

goob jooge kusuagan gudaha suuqa wayn ee Bakaaraha ayaa Shabakada wararka Cadaado.com u sheegay in Madaafiicdu ay kasoo dheceen dhinaca Xerada Ciidamada Itoobiya ay kuleeyihiin wasaaradii hore ee G/dhiga magaalada Muqdisho.

 

 

waa Weerarkii labaad oo ay Ciidamada Itoobiya ku qaadaan Suuqa bakaraaha, Maalintii Khamiista ayay ahayd markii Ciidamada Itoobiya ay duqeeyeen suuqa Bakaaraha oo ay ku geeriyoodeen 25-katirtsan ganacsatada suuqa bakaaraha waxaa lays waydiinayaa sanba baha ay Ciidamada Itoobiya u weerarayaan suuqa bakaaraha oo ah meesha kailiy oo ay Shacabka Soomaaliyeed eeganayaan maadaama la bur-buriyay qaranimadoodii.

 

 

Xafiiska Wararka Cadaado.com Muqdisho

 

Link

http://www.cadaado.c om/view_contents.php ?articleid=3636

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is Amnisom shelling of Bakaraha in 28th Sep 2009

 

Ku dhowaad 15 ruux oo ku naf waysey iyo dad 20 ka kor u dhaafaya oo ku dhaawacmay madaafiic galabta lagu garaacay Suuqa weyn ee Bakaaraha

 

Ugu yaraan 13 ruux ayaa ku geeriyooday dad ka badan 20 kalena wey ku dhaawacmeen markii galabnimadii maanta ay madaafiic aad u xoogan ku dhaceen gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, xili suuqa ay joogeen aad u faa badan oo u soo dukaameysi tegay iyo kuwo kale oo meherado ku leh.

 

 

Goobaha ugu daran ee madaaafiicdan ay qasaaraha ka geysteen ayaa waxaa ka mid ah qeybta Dahabka lagu iibiyo ee Suuqaasi iyo meelo kale, waxaana laga kala cararay Suuqa intii duqeyntu ay socotay iyadoo dadka qaarkood ay hoos galeen daaraha dhaadheer si ay uga badbaadan madaafiicda, iyadoo gaadidka gurmadka deg deg ah ay qaadeen dhaawacyada dad aad u fara badan oo suuqa ay madaafiicdun kula dhacday kuwaasoo isbitaalada Muqdisho ay gaarsiiyeen.

 

Madaafiicdan oo ka soo dhaceysay xarumaha ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Somalia ku leeyihiin magaalada Muqdisho ayaa u muuqda kuwo jawaab u ahaa madaafiic isla xiligaasi ku socotay dekeda weyn ee Muqdisho oo maanta uu ku soo xirtay markab shixnado milateri u sida ciidamada AMISOM, kuwasoo aan la ogeyn ilaa hadda qasaaraha ay geysteen sheegin.

 

 

Ciidamaa AMISOM ayaa marka xoogaga ka soo horjeedo ay madaafiic ku soo tuuraan goobaha ay degan yiihiin waxay inta badan madaafiic jawaabah ku ridaan suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa, iyadoo saraakiisha ciidamada Dowlada Somalia ay ku eedeeyaan xoogaga la dagaalamaya ina ay madaafiic ka soo dhex tuuraan suuqa bakaaraha taasoo ay marmarsiiyo uga dhigaan duqeynta had iyo jeer loo geysto Suuqa Bakaaraha oo noqotay mid joogto ah.

 

Dayniile.com

 

Link

http://www.dayniile. com/Setebar/1Setenba r1062.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this